Maxay diinta islaamku qabtaa in la sameeyo marka uu dhaco qorax madoobaadku?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maanta, qaybo badan oo dunida ah ayaa la filayaa in uu dhaco qorrax madoobaad dhamaystiran, taa oo dad badani ay ka war dhowrayaan.
Hadaba culimada islaamkla iyo kuwa Soomaaliyeedba waxay marar badan ka hadleen waxa ay diintu ka tiri qorrax madoobaad, iyo waxyaabaha ay tahay in ay sameeyaan dadka muslimiinta ah.
Sheekh Cabdixayi oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee aadka loo yaqaano ayaa sheegay in marka uu dhaco qorax madoobaadku dadka muslimiinta ah ay diintu farayso in ay tukadaan salaad sunno ah.
"Salaad la yiraahdo salaatu kusuuf ayaa jirta, oo la tukado", ayuu yiri isaga oo muuqaal uu ku daabacay kanaalkiisa Youtube ku sharxaya tallaabooyinka la doonayo in ay qaadaan dadka muslimka ah marka ay qoraxdu madoobaato.
Sheekkh Cabdixayyi oo sii faahfaahinaya qaabka loo tukada salaadaan ayaa sharraxay sida la isugu xijiyo tallaabooyinka salaadaan sunnada ah.
"Sida loo tukado waa in marka faataxada la aqriyo, suurad kale ayaa la aqrinayaa oo dheer, waa la rukuucayaa, markii la rukuuco oo laga soo kaco oo 'samicallaahu liman xamidaha' la yiraahdo, ayaa hadana quraanka la sii aqrinayaa.
"Mar kale ayaa la rukuucayaa, hadana 'samicallaahu liman xamidaha' ayaa la leeyahay, kadibna sujuudda ayaa la aadayaa, laba sujuudood ayaana la sameynayaa. Sidaas oo kale ayaana rak cadda labada la sameynayaa", ayuu yiri Sheekh Cabdixayi oo faahfaahinayay sida loo tukado salaadda qorax madoobaadka.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay tahay in dadka ay sadaqo la baxaan, la siinayo dadka danyarta ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Qofku in uu baraarug galo ayaa la rabaa oo ah, sida ay sidaan ku dhacday", ayuu yiri Sheekh Cabdixayi.
Dhanka kale, Sheikh Maxamuud Shibli oo ka mid ah culimad Soomaaliyeed oo ka hadlayay saadaasha qorrax madoobaadka ay ku sameyaan aqoon yahanada cilmiga xidigiska ayaa sheegay cilmigani ka mid yahay aqoonta aadanuhu horumariyay, ayna tahay wax caadi ah oo ay fahmi karaan bani'aadamku.
"Arrinka ku saabsan saadaalinta xilliga qorraxda ama dayaxu madoobaanayaan, ma ahan arrin aysan aadanuhu ogaan karin," ayuu ku yiri isaga oo ka jawaabayay su'aal la waydiiyay oo uu jawaabteeda ku daabcay barta Youtube. Waxa uu raaciyay in tani aysan waxba uga duwanayn saadaalaha kale la sameeyo sida cimilada iyo waqtiyada.
Maanta oo ay taariikhdu tahay 12-ka Agoosto 2026, laga bilaabo saacadda 15:34 ee wakhtiga GMT, ayaa la filayaa in hooska dayaxa uu si xawli ah uga soo gudbi doona dhulka Arctic-ga isagoo sii maraya Greenland, Iceland iyo Spain, wuxuuna qorraxda qarin doonaa muddo gaaraysa laba daqiiqo iyo 18 ilbiriqsi.
Qorrax-madoobaadka Arbacada ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah (qorrax-madoobaad dhammaystiran) ee ka dhaca dhul-weynaha Yurub tan iyo sannadkii 1999-kii, iyadoo qiyaastii 15 milyan oo qof — oo badankoodu ku nool yihiin dalka Spain — ay ku sugan yihiin aagga uu si buuxda uga muuqan doono madoobaadku.
Qorrax-madoobaad qayb ah ayaa laga arki doonaa inta badan Galbeedka Yurub, qaybo ka mid ah Waqooyi-galbeedka Afrika, iyo qayb yar oo ka mid ah Mareykanka. Guud ahaan, qiyaastii 980 milyan oo qof — oo u dhiganta ku dhawaad hal qof oo ka mid ah siddeeddii qofba ee adduunka — ayaa arki doona qorraxda oo qayb ahaan qarsoon tahay.
Taas macnaheedu waa in toddoba ka mid ah siddeeddii qofba ay Arbacada arki doonaan cirka oo caadi ah. Geli goobtaada aaladda hoose si aad u aragto halka ay dayaxu mari doono 12-ka Agoosto iyo inuu dabooli doono aaggaaga iyo in kale. Hel taariikhda iyo waqtiga qorrax-madoobaadka xiga ee magaaladaada.
Wadada uu marayo qorrax-madoobaadku waxay ka bilaaban doontaa Siberia oo ka tirsan Ruushka, iyadoo u gudbi doonta Alaska oo Mareykanka ka tirsan qiyaastii saacadda 07:30 ee waqtiga deegaanka (16:30 BST) – ka dibna waxay u wareegi doontaa dhinaca Greenland iyo guud ahaan Yurub.
Khubaradu waxay sheegayaan inaanay dadku si toos ah u eegin Qorraxda iyagoon isticmaalayn qalabka ilaalinta indhaha — sida loo daawado qorrax-madoobaadka si ammaan ah.













