Haweeney si farsameysan u soo gacan gelisay ninkii kufsaday shan sano ka hor

Xigashada Sawirka, Reuters
Sam waxaa lagu soo shirqoolay wareysi ay u gashay shaqo been abuur ah. Waa la kufsaday, kadibna waxaa jirkeeda laga ganacsanayay muddo bilo ah.
Markii ay isku dayday in sheegto dhibka loo geystay, waa la’iska indho tiray waxaana la qorsheeyay in guud ahaanba la qariyo kiiskan, laakiin ma aysan quusan.
Bishii Abriil 2018-kii, Sam waxay ku jirtay bartamihii sanadkeeda 20-aad waxayna u dhooftay London iyadoo ka timid New Zealand.
Markii uu kharashku ka go’ay, waxay raadisay shaqo iyadoo ugu dambeyn loo ballamiyay wareysi shaqo, kaas oo ah meeshii ay kula kulantay Nuruzzaman Shahin.
Baasaboorkeedii ayuu ka qaaday, waxa uu u sheegay in uu u baahan yahay in uu ku sameeyo baaritaan jir ahaaneed taasoo uu u sheegay in ay wareysiga qayb ka tahay, waxa uu ku xirtay qol ay qaban karaan kaamerado wax waliba oo ka dhex dhacaya halkaas oo uu ku kufsaday. Wax yar kadib ayay ogaatay inuu sidoo kale kufsaday haweeney kale, oo lagu magacaabo Gabrielle, iyo mid kale oo saddexaad lana yiraahdo Hannah. Kuwo badan oo aan weli la dhibaateynin ayaa soo bixi doona.
Shahin wuxuu ka ganacsan jiray jirka dumarka, haddana waligiis laguma soo oogin kiis la xiriira ka ganacsiga Sam, ama cid kale.
"Wuxuu igu qasbay inaan tago oo aan gabdho kale soo ururiyo," ayay tiri, “Waan ogaa waxa dhici doona Waxba ma dhihi karo. Gabadhaan dabaqa sare ayaan ka qaaday. Waxay ahayd da'yar, Brazilian ah, Waxaan xusuustaa anigoo fadhiya qolka xiga inaan maqlay isaga oo kufsanaya. Markii ay soo baxday, anigoo wejiga ka leexinaya ayaan eegay, iyadoo laftigeeda aan I eegi kareyn. albaabka ayuu ka furay oo dibadda ayuu saaray. Inta uu ii soo jeestay ayuu igu yiri: ‘Wasaqad foolxun.’ Waxa aan dareemay wax aad u xun, waayo inantani waxa ay moodday in aan iyada u dhigay dabinka. Laakiin maya, isagaa i qotomiyey halkaa xun”.
Shan bilood kadib kufsigeeda, Sam waxay u sheegtay booliiska. “Waxaan is lahaa booliiska isla markaaba wax bay samayn doonaan oo xabsiga uun buu geli doonaa. "Waxaan u malaynayay inay ahayd fikrad caqli-gal ah."
Hadda sida Sam loola dhaqmay, waqtiga ay ku qaadatay in ay cadaaladda hor keento qofkii kufsaday, ayaa ah mid la yaab leh. Heerka xukunka kufsiga laga soo sheegay England iyo Wales ayaa ka hooseeya 1%, waana tirakoob soo gudbay aagga cajiibka ah.
"Tani waa sheekadii Qabashada ninkii I kufsaday,waana dukumeentari laga sii daayay toddobaadkan ITV" ayey tiri.

Xigashada Sawirka, ITV
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Samaynta ma ahayn hanaan toosan. Waxaa jira taxane ah in ay raadisay dariiqii guriga uu Shahin ku noolaa oo ay daaqada gaarigii ay saarneyd ka aragtay qolkiisa jiifka. “Intaa kadib, waan argagaxay. Waxaan qaatay go’aan ah in aanan halkaa u dhowaanin, waxaanan ka walwalsanahay in aan carqaladeeyo baaritaanka booliiska." Waxay hakiyeen muuqaalka muddo sannad ah.
Laakiin waxa ay garan wayday ayaa ah in baaritaankii booliisku uu hakad galay wax yar kadib markii ay warbixinteeda samaysay, waxaa loo raray guri ammaan ah, maadaama Shahin uu garanayay halka ay daganayd.
"Labadii sano ee ugu horeysay waxay ahaayeen sanado yaab leh. Waxaan sugayay booliisku inuu wax sameeyo, sababtoo ah taasi waa waxa aad ka filan lahayd inay sameeyaan. Waxaan ku dhammeeyey oo kaliya in aan ku qayliyo wakhti badan. ‘Wali wuu maqan yahay oo dumar kale ayuu kufsanayaa, taasi runtii aad bay u xuntahay".
Bil kadib markay maqashay in baaristu dhammaatay, Sam dal-ku galka wuu ka dhacsanaa. Waxa ay horgeysay Maxkamadda ayadoo sheegtay in ay ku guuldareysatay in ay u aqoonsato maxkamaddu in ay tahay dhibane.
Arrintaas waxay la macno tahay inaan laga saari karin UK, laakiin waxay sidoo kale ka xayuubisay xuquuqdeedii shaqo ama waxbarasho. Iyada oo ka hadlaysa isku dayga in ay ku noolaato £39 ee qaanuuniga ah todobaadkii taas oo ay xaq u leedahay.
Markii ay booliisku ka war heleen muuqaalka kadib markii kiiska dib loo furay, waxay u gudbiyeen filim-sameeyaha maxkamadda.
Si kastaba ha ahaatee, iyada oo garatay in aanu jirin baaris booliis oo hor istaagi karta, ayay mar kale ku dhaqaaday filim duubis.
Bishii Disembar, Shahin waxaa lagu helay 22 eedeymo oo ay ku jiraan dhammaan shan dambi oo ay kamid yihiin kan Sam iyo sidoo kale Gabrielle waxaana markii dambe lagu xukumay 31 sano oo xabsi ah. Sam, oo ku dhawaad shan sano ku qaadatay in ay horkeento cadaalada, ayaa dareensan in ay ku wayday dagaalkaas waqti badan iyo waxyaabo kale oo la xiriira dhalinyaranimadeeda. Waxay sidoo kale u malaynaysaa inay jiraan wax badan oo la ogaan karo, maadaama eedeymaha ka ganacsiga haweenka aan weligood lagu soo oogin Shahin.
Ugu dambeyn shaqadii way heshay. Waxa ay dagtay UK ilaa dhamaadka sanadka soo socda, waxayna hadda ka shaqeysaa hay'ad samafal oo ka shaqeysa ka hortagga addoonsiga casriga ah.















