Maxay tahay warqadda ay ku qoran tahay farriinta 135 jirka ee hadda la helay?

Xigashada Sawirka, PETER ALLAN
Injireer tuubooyinka guryahay geliya ayaa indhihiisa rumaysan waayay markii uu dalool uu ka sameeyay sagxadaha guri dabaq ah oo ku yaalla Edinburgh ka helay dhalo ay ku jirto farriin 135 jir ah.
Peter Allan, oo 50 jir ah, ayaa dabaqa hoose uu usoo daadegay si uu arrinta ugu sheego mulkiilaha guriga oo ku yaal agagaarka Morningside.
Eilidh Stimpson oo ah milkiilaha guriga waxa ay ku qasbanaatay in ay jabiso dhalada si ay u akhriso qoraalka – waxa ayna sheegtay in labadeeda caruur ay aad ugu farxeen helista farriinta qaddiimiga ah.
Mr Allan ayaa BBC-da u sheegay in uu rumaysan kari waayay nasiibkiisa oo ah inuu helo dhalada.
"Qolku waa 10 fiit iyo 15 fiit, si sax ah ayaan u gooyay sagxadda oo ka sameynayd alwaax anigoon ogayn inay meesha ku jirto dhalada. Aad uma rumaysan karo," ayuu yiri.
"Haweeyneydii guriga lahayd ayaan ugu geeyey xagga hoose, waxaanan ku iri 'Fiiri waxa aan ka helay sagxadda hoose ee dabaqaaga'."

Xigashada Sawirka, EILIDH STIMPSON
Eilidh Stimpson, hadda waa hooyo laba-carruur ah, waxayna halkaas kula nooshahay ninkeeda.
Waxay go'aansatay inay sugto ilaa carruurteeda ay da'doodu kala tahay siddeed iyo 10 ay ka soo baxayaan dugsiga ka hor intaanay isku dayin inay warqadda kala soo baxaan dhalada.
Waxay u sheegtay BBC Scotland: "Markii aan iskuulka ka soo kaxeynayay waxaan u sheegay in aan hayo wax aad u xiiso badan oo aan u sheego.”
ka dib waxaan u sheegay fariin dhalo ku jirta in laga helay gurigeena, runtii aad bay u farxeen oo waxay u maleeyeen inay tahay wax qaali ah.
Markii ay guriga yimaadeen waxa ay isku dayeen in ay la soo baxaan qoraalka iyaga isticmalayo makiinado, laakiin dhalada ayaa yara dillaacday.
Ka dib hooyadood ayaa dubbe soo heshay oo jabisay dhaladii.
Waxay tidhi: "Dhammaanteen waanu isku buuqnay oo aan toosh ku eegnay ka dibna isku daynay inaan akhrino, aad ayay u xiiso badnayd."
Qoraalka waxaa saxiixay oo taariikh ku qoray laba nin oo shaqaale ahaa: "James Ritchie iyo John Grieve ayaa waqdan hulkan geliyay. Oktoobar 6th 1887.
Ilaali qoraalka
Waxay tiri: "Waxaan dareemayaa inaan aad uga xumahay inaan jebiyo dhalada 135-jirka ah, laakiin waxay ahayd habka kaliya ee lagu gaari karo qoraalka.”
Markii la helay Isniintii warqadda qof saaxiib la ah qoyska ayaa eegay tirakoobkii 1881 wuxuuna helay magacyada ragga oo ku noolaa meel dhawr mayl u jirta aagga Newington ee Edinburgh.
Maamule ka tirsan Maktabada Qaranka ee Scotland ayaa kula taliyay qoyska inay ku xafidaan qoraalka meel aan aashitada lahayn.
Waxay sheegtay inay godka dib ugu celin doonaan dhalo uu ku jiro qoraal cusub oo qoyska ka yimi oo ay la socoto qoraalkii hore ka hor inta aan la daboolin.












