'Maxay galabsadeen?': BBC oo booqatay dugsi ku yaalla Iiraan halkaasoo duqeyn lagu dilay 120 carruur ah

- Author, Nawal Al-Maghafi
- Role, Senior international investigations correspondent
- Reporting from, Minab, southern Iran
- Published
- Waqtiga akhriska: 10 daqiiqo
Warbixintan waxaa ku jira faahfaahin murugo iyo naxdin leh oo ku saabsan dhimashada carruur.
Amaineh Nademi waxay si taxaddar leh ugu dhex socotaa waxa ka haray dugsigeedii hore. Qaybo shub ah oo burburay ayaa si halis ah uga laalaada dabaqa sare ee waxyeelladu gaartay. Qaar ka mid ah fasallada ayaa weli taagan, derbiyadoodii midabbada dhalaalaya lahaa oo lagu qurxiyey sawirro buufinno iyo ubaxyo ah.
Macallimaddan 33 jirka ah waxay si sax ah u xasuusataa halkii ay wax walba yaalleen—fasallada gabdhaha oo ku yaallay dabaqa sare, kuwa wiilasha oo dabaqa hoose ku yaallay, xafiiska maamulaha, iyo qolka salaadda.
Waxa keliya ee ka haray fasalkeedii, oo ay ku dhigi jirtay gabdhaha fasalka koowaad ee Dugsiga Hoose ee Shajareh Tayyebeh ee magaalada Minab, oo ah magaalo yar oo ku taalla koonfurta Iiraan, waa burbur iyo haraadiga dhismaha.
28-kii Febraayo, saacadihii ugu horreeyay ee dagaalkii u dhexeeyay Maraykanka, Israa'iil iyo Iiraan, weerar lagu qaaday dugsiga ayaa subax Sabti ah oo caadi ahayd u beddelay mid ka mid ah masiibooyinkii ugu waaweynaa ee dagaalkaas lagu xusuusto—waana dhacdadii ugu dhimashada badnayd ee rayidku ku dhinteen hal mar.
Guud ahaan, 156 qof, oo ay ku jiraan 120 carruur ah, ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarka. Dadka dhintay waxaa sidoo kale ka mid ahaa haweeney uur lahayd iyo uurjiifkeedii, sida ay sheegtay xafiiska xeer-ilaalinta magaalada Minab.
Khubaro ayaa sheegay in caddeymaha la hayo ay muujinayaan in ciidamada Maraykanka ay garaaceen dugsiga, kaas oo ku yaalla agagaarka xarun ay leedahay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC). Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya in xaruntaas dhowr jeer la beegsaday.
Maraykanku weli si rasmi ah uma qiran mas'uuliyadda weerarka. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Maraykanka ayaa soo warisay in baarayaasha militarigu ay rumaysan yihiin inay u badan tahay in ciidamada Maraykanku ay si aan ula kac ahayn u fuliyeen weerarka.

Xanuunka wixii halkan ka dhacay weli waa mid cusub oo aan bogsan. Macallimiintu waxay noo sheegeen inay maalin kasta goobtan ugu yimaadaan si ay ugu duceeyaan dadkii ku dhintay. Shaqaalaha gurmadka ayaa weli baadi-goobaya haraadiga meydadka qaar ka mid ah dadkii halkaas ku naf waayey.
Inta badan dabaqa sare ayaa ku soo dumay dabaqa hoose. "Tan dugsi looguma yeeri karo," ayay tiri Amaineh. Waxay ku tilmaantay inay yihiin "derbiyo ay ka urayaan dhimasho, murugo iyo dhiiggii halkan ku daatay."
Mas'uuliyiinta Iiraan ayaa aad u danaynayay inaan booqanno dugsiga. Waxay sheegeen in goobtani caddeyn u tahay in olole uu Washington ku sheegay inuu bartilmaameedsanayo xarumaha militariga iyo amniga ee Iiraan uu dhab ahaantii gaarsiiyey rayidka khasaare aad u ba'an.
'Dhammaanteen hawada ayaa naloo tuuray'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida ay sheegtay Amaineh, maalintaas waxbarashadu waxay u bilaabatay sidii caadiga ahayd.
Maadaama uu ahaa bisha barakaysan ee Ramadaan, carruurta ayaa isugu timid hoolka salaadda si ay u akhriyaan Qur'aanka Kariimka ah, ayay xusuusataa, ka hor intaysan bilaabin inay ardaydeeda barato xaraf cusub oo ka mid ah alifbeetada Faarisiga.
Laakiin iyadoo weerarradii ugu horreeyay ee dagaalku ka billowdeen guud ahaan Iiraan, ayay sheegtay in maamulaha dugsigu ku dhawaaqay in dugsiga la xirayo. Macallimiintuna waxay bilaabeen inay la xiriiraan waalidiinta, iyagoo ka codsanaya inay carruurtooda u yimaadaan.
Markii ay markii ugu horreysay maqashay qarax ka dhacay meel aan ka fogayn dugsiga, shan keliya oo ka mid ah 15-kii arday ee fasalka koowaad ayay sheegtay inay weli ku jireen fasalkeeda oo ku yaallay dabaqa sare. Waxay sheegtay inay ku sugnayd marinka (koridhoorka), dabadeedna ay si degdeg ah ugu laabatay si ay carruurta u soo qaaddo.
"Isla markii aan damcay inaan baxo, gantaal ayaa ku dhacay dugsiga," ayay tiri Amaineh. "Wax baa madaxa iga dhacay, sidoo kale madaxyada ardaydayda—dhammaanteenna hawada ayaa nala tuuray."
Kadib, ayay sheegtay, qiiq madow oo cufan ayaa buuxiyey fasalka.
"Xitaa ma aanan arki karin ardaydii aan gacmahayga ku hayay. Neefsan kari waynay."
Waxay sidoo kale xusuusataa inay maqashay qarax kale, qaylada dadka, oohinta carruurta, ka dibna dugsigii oo dhan oo soo dumay—"hal mar ayuu gebi ahaanba u burburay."
"Dhiig ayaa iga qubanayay aniga iyo ardaydii," ayay raacisay.

Markii uu qiiqu wax yar yaraaday, ayay sheegtay inay carruurtii dhaawacnayd mid mid ugu dhiibtay dadkii joogay dabaqa hoose, dabadeedna ay ka gudubtay dab iyo burbur si ay u gaarto albaabka dugsiga. Halkaas ayay ku aragtay waalidiin aad u fara badan. Waxay xusuusataa in qaar badan oo ka mid ah ay goobta ku soo ordeen iyaga oo aan xitaa kabo xiran.
Waxay sheegtay in markaas aysan fahmi karin sababta waalidiintu ugu ordayeen dhanka dugsiga, maadaama argagaxii iyo jahawareerkii hayay darteed ay u malaynaysay in qof walba uu hore uga baxay dhismaha.
"Ma aanan ogeyn in dhammaantood ay ku hoos jireen burburka," ayay tiri.
Amaineh waxay muddo lix sano ah macallimad ka ahayd fasalka koowaad ee dugsigaas. Waxay magac magac u xustay ardaydii iyo shaqaalihii ku dhintay maalintaas. Waxaa ka mid ahaa Adrina, oo ka mid ahayd ardaydeedii fasalka koowaad, taas oo ay sheegtay in lagu dilay jaranjarada iyadoo la socota hooyadeed; Fatemeh, oo dhiganaysay fasalka labaad; iyo kuwo kale oo badan, oo ay ku jiraan ardaydii fasalka lixaad oo ay xusuusato inay mar baraysay alifbeetada. Waxa kale oo ku dhintay maamulihii dugsiga, maamule ku xigeenkii, macallinkii ciyaaraha, iyo macallinkii Qur'aanka.
'Raadi wiilkeyga'
Daqiiqado gudahood, shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa bilaabay inay goobta soo gaaraan.
Reza Besharati, oo ka tirsan Ururka Bisha Cas ee Iiraan, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa kooxihii ugu horreeyay ee samatabbixiyeyaasha ee goobta yimid. Wuxuu sheegay in waddooyinka u dhow dugsiga ay buux dhaafiyeen gaadiid, iyadoo qoysas quus ka taagnaa ay u soo yaaceen si ay carruurtooda u raadiyaan.
Minab waa magaalo yar. Reza wuxuu sheegay in markii uu dhex marayay dadkii isugu soo baxay iyo burburkii dugsiga, uu arkay dad badan oo uu yaqaanay, oo ay ku jireen qaar ka mid ah ehelkiisa.
"Waxaan billownay inaan dadka raadinno, annagoo rajaynaynay in laga yaabo inuu qof nool yahay," ayuu yiri. "Laakiin nasiib darro, cid nool ma aanan helin."

Wuxuu sheegay in meydadkii la helay ay si aad ah u naafoobeen oo u kala go'een.
"Mararka qaarkood waxaan helaynay gacan keliya, marna lug keliya… Qofna meydkiisu ma uusan ahayn mid dhammaystiran," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in qoysas badan ay carruurtooda ku garteen oo keliya kabahooda ama dharkooda.
Reza wuxuu sheegay in mid ka mid ah ehelkiisa uu ku celcelinayay isagoo baryaya: "Fadlan ilmahayga ii hel, wiilkayga ii hel."
"Ma aanan awoodin inaan u sheego in wiilkeedu uusan noolayn. Dhammaanteen waan ooyaynay," ayuu yiri.
Reza wuxuu sheegay in muuqaalladii uu arkay intii uu ka dhex raadinayay burburka dhismaha aysan weligood maskaxdiisa ka bixin.
"Maalmo dhowr ah hurdo ma aanan seexan," ayuu yiri. "Markaan indhaha isku qabto… waxa keliya ee maskaxdayda ku soo dhacaya waa wixii aan halkan ku arkay."
Weerarka oo baaritaan lagu sameeyay
Markii faahfaahinta weerarka ay soo baxaysay, Madaxweyne Donald Trump ayaa markii hore eedda dusha ka saaray Iiraan, isaga oo aan bixin wax caddeyn ah.
Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth ayaa sheegay in militarigu baaritaan ku sameynayo arrinta, isla markaana ciidamada Maraykanku "aysan waligood bartilmaameedsan xarumo rayid ah." Markii dambe wuxuu ku dhawaaqay baaritaan heer sare ah oo uu hoggaaminayo sarkaal ka tirsan ciidamada oo aan ka tirsanayn Taliska Dhexe ee Maraykanka (Centcom). Maamulka Trump weli ma uusan soo bandhigin natiijooyinka baaritaankaas.
Dhowr warbaahin oo Maraykan ah ayaa soo sheegay—iyagoo soo xiganaya dad xog-ogaal u ah baaritaanka militariga Maraykanka—in natiijooyinka hordhaca ah ay ku soo gabagabeeyeen inay u badan tahay in xog duugowday oo ay bixisay Hay'adda Sirdoonka Difaaca Maraykanka ay sababtay in dugsiga loo arko inuu qayb ka yahay goob militari.

Falanqayn muuqaal ah oo ay sameeyeen khubarro ayaa muujisay in xarunta IRGC ee ku xigta dugsiga lagu dhuftay gantaal Tomahawk ah oo hagitaan sax ah leh—kaas oo ah nooc ka mid ah gantaallada ridada dheer oo aan la ogayn in Israa'iil ama Iiraan ay haystaan.
Sawirrada dayax-gacmeedka ayaa muujiyey in dugsiga iyo dhowr dhisme oo ku yaallay xaruntaas la beegsaday, halka muuqaallo la xaqiijiyey ay muujinayaan in goobta lagu dhuftay weerarro is xigay. Khariidadaha ciidamada Maraykanka ayaa sidoo kale xaqiijinaya hawlgallo Maraykan ah oo ka dhacay koonfurta Iiraan—oo ay ku jirto aagga Minab—waqtigaas.
Sawirro dayax-gacmeed oo taariikhi ah ayaa muujinaya in aagga dugsigu hore uga tirsanaa xarunta IRGC, balse tan iyo 2016 laga xayndaabay oo uu yeeshay albaabbo iyo barxado u gaar ah.
Sidoo kale, xog muujinaysa in goobtu ahayd dugsi ayaa si guud looga heli karay internetka. Nuqullo la kaydiyey oo laga qaaday bogagga internetka ee qaybaha gabdhaha iyo wiilasha ee dugsiga—kuwaas oo la sameeyey bilo ka hor weerarka—waxay ku jireen cinwaanka goobta.
Taliyaha Centcom ayaa bishii May u sheegay guddi ka tirsan Kongareeska Maraykanka, isaga oo aan bixin faahfaahin dheeraad ah, in baaritaanku ahaa "mid adag", maadaama dugsigu ku yaallay "saldhig firfircoon oo IRGC ah oo lagu kaydiyo gantaallada ridada dheer." Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa hadalkaas ku tilmaantay "been-abuur aan sal lahayn."
IRGC waxay maamushaa qaar ka mid ah xarumaha bulshada iyo caafimaadka, marka laga soo tago hawlaheeda ballaaran ee militariga, amniga iyo dhaqaalaha. Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC Persian in goobtu hore u ahayd saldhig ay lahayd guuto badeed oo ka tirsan IRGC, balse ay aaminsanaayeen in isticmaalkeedii militari uu joogsaday dhowr sano ka hor.
Sawirro ayaa muujinaya in dhismayaasha ku jiray xarunta ay ka mid ahaayeen xarun caafimaad iyo meel lagu dhaqo baabuurta.
BBC waxay la xiriirtay Waaxda Difaaca Maraykanka iyo ciidamada Maraykanka si ay uga hesho faallo. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in baaritaanku weli socdo, isla markaana aysan jirin wax war-cusub ah oo ay bixinayaan.
'Waxaa lagu aqoonsaday sharabaaddadeeda'
Masaafo gaaban oo baabuur lagu maro marka laga soo tago dugsiga burburay waxaa ku yaalla qabuuraha ay ku aasan yihiin qaar badan oo ka mid ah ardaydii iyo macallimiintii.
Fiid kasta, qoysasku waxay isugu yimaadaan agagaarka xabaalaha. Hooyooyin ayaa boodhka ka tirtira sawirrada carruurtooda. Waalidiintu way fadhiistaan oo way ducaystaan xitaa marka mugdigu soo dego.
Hareeraha ayay walaalo yaryar ku ciyaarayaan inta u dhexaysa qubuuraha walaalahood, kuwaas oo noloshoodii si naxdin leh loo soo gaabiyey.

Masoumeh Mehran Shekhabadi waxay maalin kasta u timaaddaa inay booqato gabadheeda sagaalka jirka ah, Setayesh, iyadoo inta badan joogta ilaa habeen dambe.
Waxay ka mid ahayd waalidiintii u cararay dugsiga kadib weerarka. "Dugsi ma jirin," ayay tiri iyadoo codkeedu gariirayo. "Waxa jiray oo keliya qiiq, timaha carruur, gacan dhinac taal, iyo lug dhinaca kale taal. Jidhkooda waa la kala googooyay."
Masoumeh waxay intaas ku dartay: "Waxaan sii waday inaan qayliyo, ma ahayn oo keliya Setayesh, balse carruurta oo dhan ayaan u yeerayay: 'Carruur yahow, xaggee baad tihiin?'"
Qoyska Setayesh ma helin xaqiijin ku saabsan dhimashadeeda ilaa saacadihii hore ee subaxdii xigtay, ayay sheegtay Masoumeh. Waxay xusuusataa in marar badan la weydiiyey midabka sharabaadadii ay ilmuhu xirnayd, iyadoo ku jawaabtay inay ahaayeen midab kareem u eg. Kadib, ayay sheegtay, Setayesh waxaa lagu aqoonsaday sharabaadadeeda.
Hooyadeed waxay sheegtay in gabadha sagaalka jirka ahayd ay rabtay inay noqoto macallimad.
"Waxay caruusaddeeda saf ugu diyaarin jirtay fadhiga, dabadeedna waxay oran jirtay: 'Anigu waxaan ahay macallimaddiinna. Hadda waxaan dhigtaa dugsiga hoose, sidaas darteed waxaan ahay macallimad.'"
Sida waalidiin badan oo halkan jooga, murugada Masoumeh waxaa ku dhex milantay caro.
"Alle ha baabi'iyo Trump, si dhiigga carruurtan uusan u lumin," ayay tiri Masoumeh.

'Waxay u tageen inay wax bartaan'
Dowladda Iiraan ayaa marar badan ku soo hadal qaadday Minab khudbado, shirar caalami ah iyo warbaahinta ay maamusho dowladda—xitaa waxay diyaarad sidday wada-hadallayaal u bixisay magaca "Minab-168", iyadoo tixraacaysa tirada dhimashada ee ay hore u sheegeen mas'uuliyiintu.
Weerarku wuxuu Jamhuuriyadda Islaamiga ah siinayaa sheeko ka hortag ah oo awood leh, taas oo ay kaga jawaabayso sida Washington u tilmaantay ololaheeda militariga.

Dagaalku wuxuu kala qaybiyey reer Iiraan. Qaar ayaa u dabaaldegay markii duqeymaha cirka ay bilaabmeen, iyagoo ka caraysan taariikhda dowladda ee ah xiritaanka dadka mucaaradka ah iyo adeegsiga xoog dilaa ah intii lagu jiray mowjado isdaba joog ah oo mudaharaadyo ah. Waxay rajaynayeen in cadaadis militari oo dibadda ka yimaada uu ugu dambayn wiiqi karo ama xitaa meesha ka saari karo nidaamka talada haya.
Qaar ka mid ah dadka ka soo horjeeda dowladda ayaa BBC u sheegay inay u arkeen weerarkii Minab inuu ahaa dharbaaxo weyn. Waxay meesha ka saartay fikradda dagaal nadiif ah oo si sax ah loo beegsaday, waxayna u oggolaatay mas'uuliyiinta inay isu soo bandhigaan inay yihiin difaacayaasha shacabka Iiraan ee ka hortagaya weerar shisheeye.
Minab gudaheeda, Amaineh waxay booqataa qabuuraha, iyadoo dhex socota xabaalaha ardaydeedii hore.
Derbi xusuus ah oo u dhow ayaa ku yaalla sawirrada carruurtii, shaqaalihii iyo waalidiintii guriga ka baxay subaxdaas Sabtida ah ee aan dib dambe ugu soo noqon.
Hooyada Setayesh weli waxay fadhiisataa agta xabaasha gabadheeda yar.
"Maxay ahayd dambiga carruurtan? Ma hub bay wateen? Qalin, buug, buug-qoraal iyo boorso dugsi. Wax hub ah ma aysan haysan… Waxay u tageen inay wax bartaan," ayay tiri.











