Taliban oo haweenka dalkooda ku soo rogay amar dhaliyay caro caalami ah

Haweenka Afghanistan ayaa tallaabadan walaac ka muujiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Amar ka soo baxay Taliban oo haweenka looga mamnuucay in ay u shaqeeyaan hay’adaha aan dowliga ahayn ayaa waxaa cambaareeyay  Qaramada Midoobey iyadoo ku tilmaantay tallaabadaasi mid xadgudub ku ah xuquuqda aas-aasiga ah .

Hoggaamiyaasha Islaamiga ah ayaa sheegay in haweenka u shaqeya hay’daha samafalka ay baal mareen habka lebiska Islaamka oo aaney xijaab xiran.

Wareegtadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii haweenka ardayda ah laga mamnuucay jaamacadaha.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale dhaleeceeyay tallaabadan isagoo sheegay in ay tahay "mid dhibaato ku ah shacabka Afgaanistaan".

Haweenka Afgaanistaan ee ka shaqeeya hay’adaha aan dawliga ahayn ee biila qoysaskooda ayaa  BBC-da u sheegay in ay dareemayan cabsi isla markaana aaney haysan cid caawisa

Mid ka mid ah haweenkaas ayaa tiri: "Haddii aanan aadi karin shaqadayda, yaa masruufi kara qoyskayga?" Mid kale oo ah qofka kaliya ee qoyskeeda masruufa ayaa warkan ku tilmaantay mid “naxdin leh” waxayna ku adkaysatay inay u hoggaansantay xeerka labiska adag ee Taliban.

Haweeney saddexaad ayaa su’aal galisay “Akhlaaqda Islaamka” ee Taliban, iyadoo sheegtay inay hadda ku dhibtoon doonto bixinta biilasha iyo quudinta carruurteeda.

"Dunidu way ina eegaysaa oo waxba ma samaynayso," ayay tiri gabar kale oo la waraystay. BBC-da ayaa qarisay magacayada haweenkaan iyadoo la ilaalinayo amnigooda,

Amarkan ayaa Sabtidii ka soo baxay Wasaaradda Dhaqaalaha waxaana uu ku socoday hay’adaha samafalka ee dalka iyo kuwa caalamiga ah. Wasaaradda ayaa ku hanjabtay inay laali doonto shatiga hay'ad kasta oo aan si degdeg ah u fulin amarkan.

Waxay sheegtay in haweenku ay ku xad gudbeen shareecada Islaamka iyagoo ku guuldareystay inay xirtaan xijaabka.

Tallaabadan ayaa dhalisay caro caalami ah, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu sheegay inuu aad uga walaacsan yahay, isagoo intaa ku daray inay " carqaladeyn doonto gargaarka muhiimka ah iyo badbaadinta nafta ee malaayiinta qof".

"Haweenku waxay udub dhexaad u yihiin hawlaha bini'aadantinimo ee aduunka, go'aankani wuxuu noqon karaa mid dhibaato u geysta dadka Afgaanistaan," ayuu yiri Mr Blinken.

Caro ayaa ka dhalatay amarkan ay Talibanku soo rogeen

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxaa sidoo kale lagu tilmaamay "jebin cad oo lagu sameeyay mabaadi'da bini'aadantinimada" sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sidaasi sheegay.

 Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa dalka waxa ay ku leeyihiin barnaamijyo badan oo dhanka gargaarka iyo horumarinta ah. Shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan Kooxda Arrimaha Bani'aadamnimada ee dalka ayaa la qorsheeyay Axadda maanta ah si ay uga jawaabaan arrintan.

Shaqaale ka tirsan Save the Children ayaa BBC-da u sheegay in ururku uu qorsheynayo inuu la kulmo mas'uuliyiinta Taliban, iyagoo sheegay in haddii haweenka loo diido inay shaqeeyaan markaas ay tahay in qaar ka mid ah NGO-yada la xiro.

Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in haweenka Afgaanistaan ay si toos ah u heli waayaan gargaarka, haddii ururada loo ogolaado inay shaqaaleysiiyaan rag oo kaliya. Xeerarka Taliban ayaa ka hor istaagaya ragga inay la shaqeeyaan haweenka.

Shaqaale dumar ah ayaa "muhiim" u ahaa gaaritaanka haweenka iyo gabdhaha kale, ayay tiri Melissa Cornet oo ka socotay hay’adda Care International.

Waxay intaas ku dartay: "La'aantood, xaaladda bini'aadantinimo waxaa laga yaabaa inay si degdeg ah u sii xumaato, maadaama dalka intiisa badan uu durba wajahayo heerar nafta halis gelinaya oo gaajo ah."

Laanta koonfurta Aasiya ee Amnesty International ayaa mamnuucidda ku tilmaantay "isku day kale oo laga xumaado oo lagu doonayo in haweenka laga tirtiro goobaha siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha" ee Afgaanistaan.

Mid ka mid ah dhakhaatiirta ka shaqeysa waqooyiga magaalada Mazar-i-Shariif iyo tuulooyinka fogfog ee u dhow ayaa sheegtay inay "ka murugoon tahay oo ay aad uga xun tahay amarkan".

Waxay saadaalisay "dhibaato aad u weyn oo ay wajihi karaan haweenku" maadaama haweenka isku dayaya inay helaan dawooyin, aaney "si buuxda ugu sheegi karin dhibaatooyinkooda ragga".

Dhanka kale, mid ka mid ah imaamyada dalka Afghanistan – oo magaciisa aan qarinnay ayaa BBC – da u sheegay in Taliban "aysan ka go'neyn qiimeynta Islaamka".

"Islaamku  ma oran raggu wax ha bartaan, dumarkuna ma shaqayn karaan, ama raggu waa shaqayn karaan, dumarkuna ma shaqayn karaan, go'aankan waanu ku wareernay."

Tan iyo markii ay dib ula wareegeen gacan ku haynta dalka sannadkii hore, kooxdu waxay si joogto ah u xakamaysay xuquuqda haweenka - inkastoo ay ballan qaaday in xukunkeedu uu ka jilicsanaan doono kii la 1990-meeyadii.

 Iyo sidoo kale mamnuucida haweenka ardayda dhigata jaamacadaha - oo hadda ay dhaqan galiyeen ilaalo hubaysan - dugsiyada sare ee gabdhaha ayaa wali xiran inta badan gobolada.

 Haweenka ayaa sidoo kale laga hor istaagay inay galaan jardiinooyinka iyo goobaha jimicsiga, iyo meelaha kale ee dadweynaha.