Maxaa ku khasbay Ereteriya inay u yeerto oo ay heegan geliso ciidamadeeda keydka?

Published

Dowladda Eritrea ayaa heegan gelisay ciidamadeeda iyadoo u yeertay ciidamadeeda keydka kuna amartay in ay agabkooda ciidan soo qaataan.

Abaabul ciidan ayaa ka socda dalka Eritrea, kaasoo looggu yeeray ciidanka keydka, illaa da'da 55 jirka, si ay qeyb uga noqdaan ciidanka, sida ay wararku sheegayaan.

Maalintii Khamiista, qaar badan oo kamid ah dadka ku nool caasimadda Asmara, ayaa ogeysiisyo la siiyay, waxaa saacado gudahood loo qaaday jiidaha hore ee soohdinta uu waddankani la wadaago gobolka Tigray ee Itoobiya, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen BBC Tigrinya.

Ciidamada kaydka ah ee ku sugan meelo badan oo dalka ka mid ah, ayaa sidoo kale loo sheegay inay iska xaadiriyaan xafiisyadooda guud.

Dhawaanahan ayaa waxaa sii xoogeysanayay isu soo baxyada ka socda meelo badan oo ay Asmara ka mid tahay. Ciidamada ammaanka, ayaa dadka joojinaya, si ay u hubiyaan in laga reebay ka qeyb galka ciidamada iyo in kale.

Qaar kamid ah kuwa kaydka ah, ayaa loo sheegay inay keenaan sahaydooda, sida bustayaal iyo weelasha biyaha.

Waxaa la arkayay Hooyooyin, Caruur iyo Xaasas ooyaya, iyagoo sagootinayay wiilashooda, aabayaashood ama walaalahooda iyo si guud.

Abaabulkii ugu dambeeyay, ayaa abuuray cabsi laga qabo in colaada ka aloosan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ee dariska la ah ay ka sii darto.

Haddaba Faysal Rooble oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika ayay BBC-da weydiisay waxa hadda keenay in Ereteriya ay u yeerto ciidmada keydka ah.

Faysal ayaa ku sababeeyay saddex arrin inay Ereteriya ku qasabtay abuubulka ciidan.

Dhallinyaro qaxday

1: Faysal ayaa sheegay in baryahaanba ay jireen warar sheegayay in dhalinyarada reer Ereteriya xooggeeda ay dalka qaxeen sidaa darteedna aysan haysan ciidamo ku filan oo u babac-dhiga dagaalka Tigray.

“Tallaabadan Ereteriya ee abaabulka ciidan waxay muujineysa inay hadda u baahan tahay xoog u dagaallama, xooggaasina aysan haynin, marka waa arrin xasaasi ah.” ayuu yiri

Baqdinta Afwarqi

2. “Midda labaad waxa la sheegayay in waligeedba ay Ereteriya ka baqaneysay haddii ay TPLF guuleysato inaanu Isaias sii jireyn, taassina waxay madaxweyne Afewerki ku dhalisay werwer aad u xooggan uu muddo dheer kawaday Tigreega.”

Jabhadda hubeysan

3: “Waxaa jirta jabhad hubeysan oo Ereteriya ka soo jeedda oo saldhig ku leh gobolka Tigray kuwaas oo muddooyinkan dambe soo xoogeystay marka arrinta ugu muuhimsan ee baqashada ayaa taasi ah sababtoo ah wax uu ogyahay in haddii u dagaalka sii socda uu uu khatar ugu jiro in maleeshiyaas ay isaga meesha ka tuuraan.”

Waxaa uu intaa ku daray in gudaha Ereteriya ay ka jirto gocasho badan iyo caburin muddo soo jirtay.

“Waxaa jira dad badan oo careysan, haddii uu dagaalka TPLF ku guuleysan waayana isaga ayay ku qarxeysaa.”

Dagaallada u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo ciidamada Tigreega, ayaa dib u billowday bishii hore, kaddib shan bilood oo xabbad joojin bini’aadinimo ah ay jirtay.

Hoggaamiyeyaasha Tigray-ga, ayaa ku eedeeyay dowladda Eritrea inay la safatay ciidamada Itoobiya, ee ku sugan qaybaha galbeed ee xadka ay wadaagaan.

Madaxda dowladaha Itoobiya iyo Eritrea kama aanay jawaabin eedeymaha loo soo jeediyey, laakiin mas'uuliyiinta Eritrea waxay ku eedeeyeen ciidamada Tigrayga inay qorsheynayaan inay weerar kusoo qaadaan.

Ciidamada Ereteriya oo garab ka helaya ciidamada dawladda Itoobiya, ayaa wajigii hore ee dagaalka kula dagaalamay ciidamada Tigreega gobolka Tigray. Waxaa lagu eedeeyay gabood-falo, taasoo saraakiisha Eritrea ay beeniyeen.

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay ciidamada difaaca Eritrea, iyo ururka PFDJ ee haysta talada dalkaas, taasoo jawaab u ah ku lug lahaanshaha colaadda Itoobiya.