Sarkaalkii u shaqeynayay hay’adda Duulista Hawada ee lagu dilay Muqdisho oo UK shahaado lagu gudoonsiiyey

Markii uu waxbarashadaasa dhameeyey, xaaskiisa Sucaad Axmed Cabdi,  oo ka hadlaysay dareenkeeda qalin jabinta ayaa BBC u sheegtay.

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Markii uu waxbarashadaasa dhameeyey, xaaskiisa Sucaad Axmed Cabdi, oo ka hadlaysay dareenkeeda qalin jabinta ayaa BBC u sheegtay.
Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Waxaa Jimcihii 28 June 2024 lagu qabtay dalka UK xafaladda qalin jabinta Cabdinaasir Muuse Dahble ee Jaamacada Cranfield University Bedford halkaasi oo ay ka soo qayb galeen xaaska ,caruurta , qoyska ,ardayda iyo maamulka jaamacadda. Waxaa la gudoonsiiyey shahaadada labaad ee heerka jaamacadda ee Master xaaskiisa Sucaad Axmed Cabdi ,Iyadoo Muqdisho.

Bishii Febraayo ee 2024 ayaa lagu dilay Muqdisho Cabdinaasir Muuse Dahable oo ka mid ahaa hawlwadeennada hay’adda duullimaadyada rayidka ee Soomaaliya. Geerida Cabdinaasir ayaa loo arkay mid aan caadi ahayn oo ah dil ula kac ah.

Dadka yaqaanay ayaa marxuumka ku sifeeyey nin si hufan u yaqaanna shaqadiisa maamulka hawada, isagoo takhasuskiisa ku soo qaatay UK.

Kiiska Cabdinaasir Muuse Dahable ayaan wali wax natiijo ah laga soo saarin oo ku saabsan sida loo dilay iyo cida dishay sida ay xaaskiisu sheegatay, Sucaad.

"Cadaalada ayaanu wali raadinaynaa , wali maanu helin, kaligayna waxba ma qaban karo, waa in dadku i caawiyaan oo wax ila qabtaan."

Haddaba Cabdinaasir Muuse Dahable oo 32jir ahaa, wuxuu muddo ku dhow 8 sanno ka shaqaynaayay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya. Waxuu ka mid ahaa 42 shaqaale ah oo Hay’adda Qaramada Midoobay ee Duulista Hawada ee ICAO ay ka qaadatay magaalada Hargeysa, laguna tababaray dalka Kenya.

Waxa uu ka shaqeeyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe muddo ka hor inta uusan u wareegin xafiiska laga hago diyaaradaha ee Muqdisho ay ku leedahay Hay’adda Duulista.

Fasax waxbarasho oo dheer kadib, waxuu ku soo noqday Soomaaliya bishii December ee sanadkii tegay, isaga oo dib ugu laabtay shaqadii uu u hayay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, Grandfield University

Qoraalka sawirka, Fasax waxbarasho oo dheer kadib, waxuu ku soo noqday Soomaaliya bishii December ee sanadkii tegay, isaga oo dib ugu laabtay shaqadii uu u hayay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

September 2022 ayuu ka mid noqday koox dhallinyaro ah oo ku ku guuleystay Chevening Scholarship oo ah deeq waxbarasho oo Dowladda Ingiriisku bixiso, oo muddo sanad lagu qaato shahaadada labaad ee Jaamacadda.

Fasax waxbarasho oo dheer kadib, waxuu ku soo noqday Soomaaliya bishii December ee sanadkii tegay, isaga oo dib ugu laabtay shaqadii uu u hayay Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

Cabdinaasir waxu ahaa, Aabbo dhalay laba gabadhood, waxaanu adduunka kaga tagay iyaga hooyadood Sucaad oo sheegtay in wali xasuustiitiisii ay ku taagan tahay.

“daqiiqadahii ugu danbeeyey ee Cabdinasir noloshiisu waa midaan waligay ilaabayn oo inta aan noolahay iga hadheeyn, dad uu garanayo oo qolkiisa soo galay ayaa jidh dilay oo si arxano darro ah u dilay , anigu cidna iskama eeedaynayo ,waxaa jira cadeeymo dhab ah oo la hayo iyadoo Cabdinaasirna uu cadeeyey cidda ay yahiin dadkii u hanjabi jiray “

Qalin jabinta Cabdinaasir ee UK

Dahable

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Dadka yaqaanay ayaa marxuumka ku sifeeyey nin si hufan u yaqaanna shaqadiisa maamulka hawada, isagoo takhasuskiisa ku soo qaatay UK.

Cabdinaasir Dahableh ayaa wuxuu ka helay dalka UK deeqda waxbarasho ee la yidhaa Chevening 2022-2024 taasi oo ay dawlada Britian siiso ardayda dibadaha ,iyadoo takhasuskiisu ahaa maamulka hawada, waqitga waxabarashadiisa ayuu ku qaatay tababaro iyo aqoon kor loogu qaaday xirfadiisa maamulka hawada.

Markii uu waxbarashadaasa dhameeyey, xaaskiisa Sucaad Axmed Cabdi, oo ka hadlaysay dareenkeeda qalin jabinta ayaa BBC u sheegtay.

“Waxay ahayd murugo iyo mid xanuun badan in aan guddoomo shahaadadiisa Masterka, iyadoo gabadh yar oo uu dhalay oo aanay waligood kulmina ila socoto”

Cabdinasir ayaa intii uu joogay Uk waxa uu sameeyey xidhiidho ka dhaxaysay isaga iyo hay’ada duulista ee UK sida ay xaaskiisu sheegtay Sucaad

“waxaa uu noqday xadhig isku xidha hay’adaha duulimaadyadda ee UK iyo Soomaaliya isagoo isku duba riday laba shir oo kala duwan oo ay yeesheen”

Kiiskani halkuu ku danbeeyey

Mas'uuliyiin badan oo xukuumadda federlaaka Soomaaliya oo ka hadalay kiiskan ayaa sheegay in wali baadhitaan uu socdo iyadoo dadkii loo xidhxidhayna markii dilku dhacay la sii daayey.

Dhanka xukuumadda Somaliland iyo qoyska Cabdinaasir Muuse Dahbale ayaa iyana eedayn u jeedayay dawlada federaalka ee Soomaaliya ku saabsan kiiskani.