Xamza Yuusuf: Waa kuma ninka Muslimka ah ee loo doortay hoggaamiyaha Scotland?

Xamza Yuusuf

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Xamza Yuusuf ayaa loo doortay in uu baddalo Nicola Sturgeon si uu u noqdo hoggaamiyaha xisbiga SNP isla markaana u qabto xilka wasiirka koowaad ee Scotland.

Muddo dheer ayaa loo arkayay in uu ahaa murashaxa ugu cad cad ee u taagnaa jagada ugu sarreysa ee xisbiga oo sidoo kale ay kula tartamayeen siyaasiyiin ay ka mid tahay Ms Sturgeon qudheeda.

Ninkan oo ahaa Xog hayaha caafimaadka ayaa taageero ka helay tiro xildhibaanno ah oo ka badan kuwa u codeeyay murashaxiintii loollanka kula jiray.

Ku xigeenka wasiirka koowaad John Swinney ayaa saadaaliyay in tallaabadan au horseedi doonto guul, isagoo yiri: "Mr Yuusuf waxa uu dhammeystiri doonaa geeddi socodkeenna madaxbannaanida".

Waxa uusan shaki ku jirin in uu yahay murashaxa ugu khibradda badan saddexda siyaasi ee u taagnaa xilka hoggaanka, maadaama uu kasoo shaqeynayay dowladda tan iyo sanadkii 2012, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin xog hayaha caddaaladda iyo wasiirka gaadiidka.

Taageerayaashiisa ayaa sheegay in uu yahay nin ku fiican dhinaca wadahadalka uuna yahay qofka ugu mudan xilka si uu u mideeyo xisbiga.

Waa kuma Xamza Yuusuf?

Xamza iyo qoyskiisa

Xigashada Sawirka, AVERAGE AP

Marka Xamza oo 37 jir ah la xaqiijiyo in uu yahay Wasiirka Koowaad ee Scotland waxa uu taariikhda ku geli doonaa in uu yahay hoggaamiyihii ugu horreeyay ee kasoo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay oo ku jira dowladda maamul wadaagga.

Waxa uu sidoo kale noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah ee hoggaamiya xisbi weyn oo ka dhisan UK.

Xamsa aabihiis waxa uu asal ahaan kasoo jeedaa dalka Pakistan. Waxa uu qaxootinnimo ku tagay Scotland sanadihii 1960-meeyadii xilligaas oo uu soo kaxeystay qoyskiisa.

Hooyadiis waxa ay ka dhalatay qoys kasoo jeeda Koonfurta Aasiya oo ku nool dalka Kenya.

Mr Yuusuf waxaa lagu yaqaannay in uu inta badan ka hadlo tacaddiyada cunsuriyadda ee uu la kulmi jiray.

Waxaa lagu khasbay in uu booliksa waco ka dib markii sida la sheegay uu helay hanjabaado xilliga uu billaabanayay artanka xilka hoggaanka xisbiga.

Nin 25 jir ah iyo haweeney 35 jir ah ayaa loo xiray arrintaas, waxaana lagu soo oogay dacwad.

Yuusfu waxa uu wax ku bartay iskuul si gaar ah loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Glasgow, halkaas oo uu labo sano uga dambeeyay hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee Scotland, Anas Sarwar.

Sida uu kusoo galay siyaasadda

Xamza Yuusuf

Xigashada Sawirka, AVERAGE AP

Ka dib markii uu cilmiga siyaasadda ku bartay Jaamacadda Glasgow waxa uu muddo kooban ka shaqeeyay xarun telefoonnada laga hago ka hor inta uusan noqon caawiye baarlamaan isagoo xog haye u ahaa xildhibaanka ka tirsan SNP MSP ee lagu magacaabo Bashir Ahmad. Markii dambena waxa uu kaaliye u ahaa Alex Salmond.

Mr Yuusuf waxaa sanadkii 2011 loo doortay xubin xisbiga MSP u qaabilsan gobolka Glasgow. Hal sano ka dib Mr Salmond ayaa u dallacsiiyay inuu noqdo wasiirka u qaabilsan Yurub iyo horumarinta caalamiga ah.

Sanadkii 2016 ayuu noqday wasiirka gaadiidka ka dib markii u uku guuleystay doorasho ka dhacday Glasgow oo uu uga adkaaday siyaasiga xisbiga shaqaalaha.

Xilligaas waxa uu noqday murashaxii ugu horreeyay ee kasoo jeeda qowmiyadaha laga tirada badan yahay oo ku guuleystay xubin baarlamaanka Scotland loogu matalayo degmo.