Fars News Agency: Weerar gantaallo oo Mareykan ah ayaa ka dhacay meel u dhow Isbitaal lagu daweeyo Carruurta qabta Kansarka
Wakaaladda wararka ee Fars News Agency ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in dhowr gantaal oo Mareykan ah ay "ku dhaceen meel u dhow isbitaal lagu daweeyo carruurta qaba kansarka."
Warbaahintu waxay qortay in "saacadihii la soo dhaafay, dadka magaalada Ahvaz ay arkeen weerarro gantaallo ah" oo ka dhacay goobo kala duwan.
Fars waxay sheegtay:
"Mid ka mid ah weerarradan, dhowr gantaal ayaa ku dhacay aagga ku dhow Isbitaalka Baghaei, kaasoo ah goob lagu bixiyo daaweynta kiimoterabiga ee bukaannada kansarka, gaar ahaan carruurta qaba kansarka."
BBC-da si madax-bannaan uma xaqiijin karto warkan, sababo la xiriira inaysan si toos ah u heli karin xog gudaha Iran ah.