You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.

Take me to the main website

TOOS, Maraykanka oo weerarro ku qaaday tobannaan goobood oo ku yaalla Iiraan, halka Iiraan-na ay kaga jawaabtay weerarro ay ku qaadday saldhigyada Mareykanka

Wakaalado warar oo ku dhow ilo militari oo Iiraan ah ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay deegaannada ku dhow Sirik, Bandar Abbas iyo Jask.

Kooban

Tebin toos ah

  1. Ciidamada Yemen ayaa weeraray garoonka Sanca si ay uga hortagaan diyaarad Iran leedahay

    Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegaya in qaraxyo ay ka dhaceen garoonka diyaaradaha ee caasimadda Sanca kaas oo ay maamulaan Xuutiyiinta.

    Wasaaradda Gaashaandhigga ee dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay, taas oo gacanta ku haysa dekedda koonfureed ee Cadan ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay beegsadeen dhabaha ay diyaaradaha ka duulaan, kuna degaan si ay uga hortagaan in diyaarad laga leeyahay Iran ay halkaas ku degto.

    Xuutiyiinta waxaa taageera Iran, halka dowladda fadhigeedu yahay Cadan ay taageero ka hesho Sacuudiga. Faahfaahinta dhacdadan weli si cad looma oga, balse waxay keeni kartaa in ay sii xoogeysato colaadda Yemen oo sannadihii u dambeeyay aheyd mid deggan.

    sii akhri

  2. UK ayaa liiska kooxaha argagixisada ku dartay IRGC

    Dowaldda Beritan ayaa ku dhawaaqday in Ilaalada Kacaanka Iran, IRGC, ay ku dareyso kooxaha la mamnuucay.

    Tallaabadan ayaa IRGC ku dareyso liiska ururada argagixisada, waxayna aheyd arrin muddo dheer Britan laga doodayay. Qaar ka mid xildhibanada iyo siyaasiyiinta UK ayaa hore u dalbaday in sidan la sameeyo.

    Kaddib markii lagu qaaday weeraro bulshada Yahuuda ee UK, waxay dowaldda ansixisay Xeerka Ammaanka Qaranka kaas oo hore uu u ballan qaaday raysalwasaare Kier Starmer.

    Markii hore, sharciyada lagu mamnuucayo kooxaha looguna aqoonsanayo in ay argagixiso yihiin kuma jirin kuwa dowladuhu taageeraan.

    Waxybaaha hadda dambiga ah waxaa ka mid ah in aad taageerto IRGC ama aad ka hadasho fikrad taageerysa.

    sii akhri

  3. Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay halka saamiyada Bariga Dhexe ay hoos u dhaceen

    Qiimaha shidaalka ayaa sare u kacay markii ay furmeen suuqyada Yurub iyo Mareykanka kaddib weerarada u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.

    Saliidda cayriin waxay saakay kor u kacday ku dhawaad 5 boqolkiiba iyadoo fuustada shidaalka ay ka badan tahay 79 doolar. Suuqyda saamiyada dalalka Khaliijka ayaa maanta sidoo kale hoos u dhacday.

    Suuqa saamiyada Sacuudiga ayaa hoos u dhacay 0.2 boqolkiiba. Halka suuqa Dubai uu isna hoos u dhacay 1.4 boqolkiba, waxayna taas keentay in 2.6 boqolkiiba saamiyada bangiga Imaartka uu hoos u dhaco.

    Suuqa Abu Dhabi ayaa isna hoos u dhacay 0.5 boqolkiiba iyo sidoo kale saamiyada banigaga islaamka ee Dubai oo isna hoos u dhacay 1.2 boqolkiiba

    Suuqa saamiyada Qatar iyo kan sarifka ayaa la xiray kaddib geerida amiirkii hore ee Qatar Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani.

    sii akhri

  4. Iran ayaa beenisay sheegashada Trump ee heshiiska nukliyeerka

    Madaxweyne Donald Trump ayaa Axadii u sheegay NBC in Iran ay ogolaatay in ay heshiis nukliyeer ah la gasho Mareykanka intii ay socdeen wadahadalada labada dal.

    “Heshiis ayey shalay ogolaadeen, heshiis noo fican. Nukliyeer ma jirayo, tan maya, taa maya. Wax walba way ka hareen” ayuu yiri madaxweyne Trump.

    Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa maanta oo Isniin ah ku tilmaamay hadalka Trump “Gabi ahaan wax aan run aheyn”.

    Dhexdhexaadiyayaasha ayaa wada dadaaladooda ay ku dhexdhexaadinayaan Mareykanka iyo Iran.

    sii akhri

  5. War deg deg ah, Iiraan oo faahfaahisay shirkii Cummaan ka dhacay iyo tallaabo Mareykanku qaaday

    Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Ismail Baqaei, ayaa sheegay in cadaadis uga yimid Maraykanka awgiis aan Iiraan iyo Cumaan u suurtagelin inay gaaraan heshiis ku saabsan habraacyada gaadiidka ee Marin-biyoodka Hormuz.

    Isagoo ka hadlayay shir jaraa'id oo uu qabtay saaka, Baqaei wuxuu sheegay in kulankii wasiirrada arrimaha dibadda ee Iiraan iyo Cumaan ee ka dhacay Muscat Sabtidii, aan wax heshiis ah lagu gaarin.

    Wuxuu yiri:

    "Wadahadalladii ka dhacay Muscat Sabtidii waxay diiradda saarayeen oo keliya Marin-biyoodka Hormuz, gaar ahaan Qodobka 5-aad ee heshiiska is-afgaradka ah “.

    "Maraykanku wuxuu si cad u jebiyay 14-kii qodob ee heshiiska is-afgaradka. Shaki kuma jiro in heshiiskaasi uu hadda galay marxalad qalalaase. Iiraan waligeed ma jebin ballanqaadyadeeda mana aysan bilaabin wax heshiiska ka hor imanaya. Maraykanka ayaa ah dhinaca si joogto ah u jebiya ballanqaadyadiisa."

    Wuxuu sidoo kale sheegay:

    "Maraykanku wuxuu ku degdegay jebinta heshiiska ilaa heer uusan xitaa sugin inuu dhammaado muddadii halka bil ahayd ee lagu sheegay Qodobka 5-aad ee heshiiska."

    Dhanka kale, Ismail Baqaei ayaa sheegay in Iiraan aysan oggolaan doonin codsiga Agaasimaha Guud ee Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ee ku saabsan in la siiyo marin ay ku booqdaan xarumaha nukliyeerka ee dalka.

  6. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo sheegtay in ay soo ridday diyaarad Mareykanku leeyahay iyo faahfaahin

    Iiraan ayaa hadda sheegtay inay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykan leeyahay, taas oo ay sheegtay inay ku jirtay hawadeeda.

    Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Tasnim, ciidamada Iiraan ayaa ogaaday diyaaradaas kadibna soo riday.

    Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in intii u dhexeeyay 12-ka iyo 13-ka Luulyo la fuliyay hawlgallo cusub oo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo lagu sheegay inay ujeeddadoodu ahayd in lagu wiiqo awoodda milatari ee Iiraan ee weerarrada lagu qaado maraakiibta mara Marin-biyoodka Hormuz.

    Iiraan ayaa iyaduna sheegtay inay jawaab ahaan billowday hawlgal milatari oo lagu beegsanayo waxa ay ku tilmaamtay "saldhigyada cadowga", iyadoo adeegsanaysa gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn. Waxay sheegtay in bartilmaameedyada weerarradu ay ku yaallaan Urdun, Kuweyt iyo Baxrayn

  7. War deg deg ah, Maxaa hadda ka socda Marinka-Hormuz?

    Dagaalka ku saabsan gacan-ku-haynta Marin-biyoodka Hormuz ayaa hakiyay dadaalladii lagu doonayay in lagu soo afjaro colaadda ballaaran ee ka jirta gobolka.

    Iiraan ayaa ballan qaaday inay dib u furi doonto marin-biyoodkaas, sida ku cad heshiiskeeda ku-meel-gaarka ah ee ay la gashay Washington, balse waxay sii wadday inay rasaas ku furto maraakiib ganacsi oo ay ku eedeysay inay isticmaalayaan waddo aan la oggolayn.

    Milatariga Maraykanka ayaa sheegay in wareeggii ugu dambeeyay ee duqeymaha uu sii wiiqay awoodda Iiraan ee ay ku weerari karto maraakiibta caalamiga ah. Waxa kale oo uu ku adkaystay in isu-socodka maraakiibta uu weli ka sii socdo marin-biyoodkaas.

    Maamulka Trump ayaa doonaya in arrintaas ay dhacdo si hoos loogu dhigo qiimaha shidaalka ka hor doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka.

    Dadaallo ay sameeyeen dhexdhexaadiyayaal si loo xalliyo khilaafka dhammaadkii toddobaadka ayaa fashilmay. Waxaana muuqata muhiimadda weyn ee uu marin-biyoodku u leeyahay Iiraan; mas’uuliyiin sare oo Iiraani ah ayaa sheegay in ilaalinta gacan-ku-hayntiisa ay ka muhiimsan tahay xitaa tobannaan bambo oo nukliyeer ah.

    Waxaa la aaminsan yahay in labada dhinac midna uusan doonayn inuu dib ugu laabto dagaal buuxa, balse falanqeeyayaashu waxay sheegayaan inay hadda ku jiraan xaalad ah kororka xiisadeed oo la xakameynayo.

  8. War deg deg ah, Iiraan oo dhankeeda farrin u dirtay Mareykanka

    Afhayeenka Baarlamaanka Iiraan Maxamed Bagher Ghalibaf, oo ah madaxa ugu sarreeyay kooxdii Markeynka Maraykanka wadahadalka la gashay, ayaa Axaddii sheegay in xilligii "heshiiska halka dhinac ah" uu dhammaaday.

    Wuxuu qoraal uu soo dhigay barta X ku yiri:

    "Waxaan idiin sheegnay: haddii aad ballantiinna ilaalin weydaan, qiimaha waad bixin doontaan. Xaqiiqadu way soo dhowaatay."

    Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale ku eedeysay Maraykanka inuu sababay "soo noqoshada amni-darrada" ee ka jirta Marin-biyoodka Hormuz.

    Dhanka kale, wareysi taleefan oo kooban oo uu Axaddii siiyay wakaaladda Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isaga oo ka hadlayay Iiraan yiri:

    "Waan garaacaynaa."

  9. War deg deg ah, Hoggaamiyaha kooxda RSF iyo walaalihiis oo dil toogasho ah lagu xukumay

    Maxkamad ku taalla magaalada Port Sudan ee dalka Suudaan ayaa ku xukuntay hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee RSF, Maxamed Hamdan Dagalo oo loo yaqaan "Hemedti", xukun dil ah isagoo maqan, kadib markii lagu helay eedeymo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo dagaal, dambiyo ka dhan ah aadanaha, iyo weerarro lagu qaaday rayidka.

    Go’aanka maxkamadda oo la soo saaray 12-ka Luulyo 2026, ayaa noqday xukunkii ugu weynaa ee ilaa hadda lagu rido hoggaanka RSF tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye ee Suudaan sannadkii 2023.

    Kiiska ayaa si gaar ah diiradda u saaray dilkii dhacay Juun 2023 ee loo geystay guddoomiyihii gobolka Galbeedka Daarfuur, Khamis Abbakar. Waxaa lagu eedeeyay in ciidamada RSF ay afduubteen kadibna dileen, kaddib markii uu ku eedeeyay ciidamadaas inay geysteen xasuuq.

    Sidoo kale, 15 mas’uul sare oo kale oo ka tirsan RSF, oo ay ku jiraan walaalaha Hemedti ee Abdelrahim Dagalo iyo Algoney Dagalo, ayaa iyaguna lagu xukumay dil iyagoo maqan.

  10. War deg deg ah, Iiraan oo qaadday weerarro culus oo hadda ah iyo dhowr iyo dhowr dal oo ay beegsatay

    Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa baahisay in Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay sheegeen inay weerareen nidaamyada raadaarka ee Cumaan, taas oo ay ku tilmaameen qayb ka mid ah weerarradooda aargoosiga ah ee ay kaga jawaabayaan Maraykanka.

    Hadalkan ayaa daba socda bayaano hore oo ay IRGC ku sheegtay inay sidoo kale weerarro ku qaadday goobo ku yaalla Baxrayn, Kuweyt iyo Urdun.

    IRGC waxay sheegtay in weerarradan ay jawaab u yihiin weerarro uu Maraykanku xalay ku qaaday tobannaan xarumood oo ciidan oo ku yaalla Iiraan.

  11. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan iyo walalkiis oo Qadar u safray

    Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif iyo walaalkiis, Ra’iisul Wasaarihii hore Nawaz Sharif, ayaa u ambabaxay Qadar iyagoo ku tagayo booqasho rasmi ah oo hal maalin ah.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa la kulmi doona Amiirka Qadar, Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani, isagoo uga tacsiyeyn doona geerida Amiirkii hore ee Qadar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani.

    Safarka waxaa sidoo kale ku weheliya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ishaq Dar, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Nawaz Sharif.

    Pakistan ayaa hore u shaacisay maalin baroor-diiq qaran kaddib geerida Amiirkii hore ee Qadar.

    Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani ayaa geeriyooday shalay. Wuxuu ahaa Amiirka Qadar intii u dhexeysay 1995 ilaa 2013, wuxuuna geeriyooday isagoo 74 jir ah.

    Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani waxaa lagu xusuustaa inuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii door weyn ka qaatay dhismaha Qadar casriga ah. Intii uu talada hayay, dalka wuxuu gaaray koboc dhaqaale oo aad u ballaaran.

    Sidoo kale, sannadkii 1996, isaga oo amarkiisa laga duulayo ayaa la aasaasay shabakadda warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera, oo maanta ka mid ah warbaahinta ugu caansan dunida.

  12. War deg deg ah, Taliye hore oo Mareykanka oo sheegay qorshaha Trump ee Hormuz iyo waxa uu sameyn karo

    "Haddii Madaxweynaha Maraykanka, oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada, uu bixiyo amarka, ciidamada Maraykanku waxay awood u leeyihiin inay la wareegaan gacan ku haynta marin-biyoodka Hormuz."

    Wareysi uu siiyay CBS News, Jeneraal McKenzie wuxuu sidoo kale kaga hadlay suurtagalnimada in la qabsado Jasiiradda Kharg, isagoo sheegay in qorshahan lagu beegsan karo kaabayaasha muhiimka ah ee jasiiradda.

    Wuxuu sheegay in si loo xakameeyo Marin-biyoodka Hormuz, ay lagama maarmaan noqon doonto in maraakiibta ciidamada badda ee Maraykanka la geeyo halkaas.

    "Ciidamada Badda ee Maraykanku ma jecla hawlgal noocaas ah, balse waxay leeyihiin awood ay ku fuliyaan haddii loo baahdo," ayuu yiri.

    Taliyihii hore ee CENTCOM ayaa sidoo kale sheegay in inkastoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku baaqay xal diblomaasiyadeed oo lala gaaro Iiraan, haddana hoggaanka Tehran ay inta badan uga jawaabaan cadaadis milatari.

    Wuxuu yiri:

    "Haddii aad rabto inaad Iiraan ka hesho tanaasul, waa in cadaadis toos ah lagu saaraa dowladda. Cadaadiskaas waa inuu noqdaa mid ay u arkaan arrin muhiim ah oo khatar ku ah jiritaankooda, si ay u beddelaan mowqifkooda."

  13. War deg deg ah, Ra'iisul Wasaaraha Ciraaq oo u dhoofay Mareykanka iyo sababta

    Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Cali Zeydi ayaa saaka ka ambabaxay Baqdaad isagoo ku sii jeeda Maraykanka, waxaana safarka ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda si gaar ah dhinaca dhaqaalaha.

    Wasiirka Maaliyadda Ciraaq, Fallah Sari, ayaa sidoo kale qayb ka ah wafdiga safarka.

    Waxaa la filayaa in inta uu booqashada ku joogo Mareykanka oo uu markii ugu horreysay ku tagayo inuu la kulmo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.

    Ilo ku dhow dowladda Ciraaq ayaa sheegay in booqashadu diiradda saari doonto dib-u-habaynta maaliyadda iyo maamulka, horumarinta waxqabadka nidaamka bangiyada Ciraaq, iyo dardargelinta barnaamijyada ballaaran ee casriyeynta dhaqaalaha dalka.

    Tan iyo markii uu xilka la wareegay, Ra’iisul Wasaare Cali Zeydi wuxuu dadaal xooggan ku bixiyay sidii uu ugu qancin lahaa maleeshiyaadka xiriirka dhow la leh Iiraan inay hubka dhigaan.

    Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda iyo maamulka dowladda dhexe ee Ciraaq.

  14. War deg deg ah, Weerarka Mareykanku saaka ku qaaday Iiraan oo khasaare gaystay

    Valiollah Hayati, oo ah ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Khuzestan, ayaa sheegay in ka dib weerarkii uu Maraykanku qaaday aroornimadii saaka oo Isniin ah, madfac uu ku dhacay xarun lagu shubo biyaha waraabka beeraha oo ku taalla magaalada Mahshahr.

    Hayati wuxuu sheegay in weerarkaasi uu ku dhintay waardiyihii xarunta, halka afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

    Waxa uu intaas ku daray in dadka dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaadka, halkaas oo ay ka helayaan daryeel iyo daaweyn.

    Sidoo kale wuxuu sheegay in 2:20 habeenimo ee xalay ay gantaallo Maraykanku soo riday ku dhaceen goobo ku yaalla magaalooyinka Abadan iyo Shadegan.

    Ugu dambayn, Hayati wuxuu sheegay in hay’adaha ay khusayso ay wadaan qiimeyn hordhac ah oo lagu ogaanayo baaxadda khasaaraha ka dhashay weerarrada.

    Sii akhri:

  15. War deg deg ah, Dad badan oo dalka Ingiriiska ugu dhintay kuleyl dartii

    Daraasad ayaa sheegtay in in ka badan laba kun iyo toddoba boqol oo qof ay u dhinteen sababo la xiriira kulaylka intii lagu jiray hirarkii kulaylka ee ka dhacay Ingiriiska iyo Wales bilihii May iyo Juun.

    Cilmi-baarayaal ka kala socday Imperial College London, Xafiiska Saadaasha Hawada ee UK iyo London School of Hygiene and Tropical Medicine ayaa sheegay in heerkulka sare ee ka dhashay isbeddelka cimilada ee uu bani’aadamku sababay uu door weyn ka qaatay tirada dhimashadaas.

    Inta badan dhimashadaas, oo gaaraysa laba kun iyo laba boqol, waxay dhacday intii lagu jiray hirarkii labaad ee kulaylka daran ee bishii Juun, markaas oo heerkulkii ugu sarreeyay uu gaaray 37.7°C.

    Daraasadda ayaa qiyaastay in isbeddelka cimiladu uu ku daray 3 ilaa 4 darajo cabbirka heerkulka ugu sarreeya.

    Dhanka kale, Faransiiska ayaa dhawaan soo sheegay ugu yaraan laba kun iyo shan iyo labaatan dhimasho oo dheeraad ah intii lagu jiray hirarkii kulaylka ee ku fiday guud ahaan Yurub bishii Juun.

  16. War deg deg ah, Qiimaha saliidda caalamka oo kor u kacday

    Qiimaha saliidda ayaa kor u kacay in ka badan 4% maanta ii Isniin ah, kaddib markii Mareykanku qaaday tallaabooyin adag oo ka dhan ah Iiraan, isla markaana Tehran ay billowday weerarro aargoosi ah.

    Saliidda nooca Brent Crude ayaa kor u kacday 4%, iyadoo gaartay $79.11 halkii foosto, sida ay sheegtay Reuters.

    Sidoo kale, saliidda nooca U.S. West Texas Intermediate, ayaa iyana kor u kacday 4%, iyadoo gaartay $74.36 halkii foosto.

  17. War deg deg ah, Degdeg: Iiraan oo beegsatay dhowr xaruumood oo Mareykanku leeyahay

    Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa sheegay inay weerareen qaar ka mid ah xarumaha dayactirka ee Ciidanka Cirka Mareykanka ee ku yaalla Baxrayn.

    War-saxaafadeedkiisa, IRGC wuxuu ku sheegay in wajigii labaad ee hawlgallada ka dhanka ah Mareykanka, ay subaxnimadii maanta bartilmaameedsadeen "xarumaha dayactirka iyo hagaajinta diyaaradaha qumaatiga u kaca, hangarka diyaaradda dagaalka elektaroonigga ah ee P-8, iyo xarunta taliska iyo maamulka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee saldhigga Sheekh Ciise ee Baxrayn.

    War kale oo dheeraad ah oo ku saabsan weerarka lagu qaaday haamaha shidaalka ee saldhigga cirka ee Amiir Xasan ee Urdun, IRGC waxay sheegtay inay sidoo kale bartilmaameedsadeen "haamaha shidaalka iyo nidaamka difaaca hawada ee Patriot" ee saldhigga Cali Al-Saalim ee Kuweyt, iyo sidoo kale "nidaamka raadaarka istaraatiijiga ah ee FPS" ee saldhigga Axmed Al-Jaabir .

    Maalmihii u dambeeyay, xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ee la xiriirta gacan ku haynta Marin-biyoodka Hormuz ayaa sii kordhaysay.

  18. Ilaalada Kacaanka Iiraan oo sheegtay inay weerarro aargoosi ah ku qaaday saldhigyo Mareykan ah

    Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay weerarro aargoosi ah ku qaaday saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla Baxrayn, Kuwait iyo Urdun, iyagoo sheegay inay burburiyeen bartilmaameedyo ku yaalla dalalkaas.

    Bayaan ay IRGC soo saartay subaxnimadii Isniinta ayaa lagu sheegay in:“Dhowr kayd oo waaweyn oo gantaallo ah iyo haamo shidaal oo ku yaalla Saldhigga Cirka ee Prince Hassan ee Urdun ayaa dab qabsaday kadib markii lagu dhuftay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn.”

    IRGC ayaa sidoo kale sheegtay in, iyadoo ka jawaabaysa weerarradii Mareykanka ee Axaddii iyo subaxnimadii Isniinta, “wajigii labaad ee howlgalkeeda aargoosiga” ay beegsatay xarumo muhiim ah oo lagu dayactiro laguna farsameeyo diyaaradaha qumaatiga u kaca, hangar ay ku jirtay diyaarad dagaal elektaroonig ah oo nooca P-8 ah, iyo xarun lagu hago laguna maamulo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Mareykanka ee ku taalla Baxrayn.

    Dhanka kale, wakaalado warar oo xiriir la leh Ilaalada Kacaanka ayaa soo sheegay qaraxyo ka dhacay Kuwait.

    Bayaan saddexaad oo ay IRGC soo saartay subaxnimadii Isniinta waqtiga Tehraan ayaa qaraxyadaas ku tilmaamay kuwo la xiriira weerarro lagu qaaday saldhigyada Mareykanka ee Kuwait.

    IRGC waxay bayaankeeda saddexaad ku sheegtay:“Waxaan beegsanay haamaha shidaalka iyo nidaamka difaaca cirka ee Patriot ee saldhigga Mareykanka ee Ali Al Salem ee Kuwait, iyo sidoo kale nidaamka raadaarka istiraatiijiga ah ee FPS ee saldhigga Ahmad Al-Jaber si buuxda u burburisay” bartilmaameedyadaas.,”

    Wakaaladaha wararka gudaha Iiraan sida Tasnim iyo Fars ayaa sidoo kale baahiyay sawirro ay ku sheegeen inay muujinayaan weerarka lagu qaaday saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Baxrayn, hase yeeshee sawirradaas weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

  19. CENTCOM waxay ku dhawaaqday inay soo gabagabeysay duqeymihii ay ka wadeen Iiraan

    Qiyaastii shan saacadood kadib markii ay ku dhawaaqday bilowga wareeg cusub oo duqeymo cirka ah oo lala beegsaday bartilmaameedyo ku yaalla Iiraan, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu soo gabagabeeyay howlgalka weerarrada oo la fuliyay aroornimadii Isniinta, 12-ka Luulyo.

    Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka CENTCOM, weerarradan ayaa lagu beegsaday tobannaan bartilmaameed oo ku yaalla goobo kala duwan, iyadoo la adeegsaday hub si sax ah u hago bartilmaameedka, si loo yareeyo awoodda Iiraan ee ay ku sii wadi karto weerarrada ka dhanka ah maraakiibta caalamiga ah ee mara Marinka Hormuz.

    CENTCOM ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay beegsadeen nidaamyada difaaca cirka ee Iiraan, xarumaha raadaarka ee xeebaha, awoodaha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn , iyo sidoo kale doomaha yaryar ee militariga.

    War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in howlgalka lagu adeegsaday diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, maraakiibta ciidamada badda, diyaaradaha ismiidaaminta ah ee aan duuliyaha lahayn, iyo markii ugu horreysay doomaha ismiidaaminta ah ee aan cidina wadin.

    CENTCOM waxay sidoo kale sheegtay:“Marinka Hormuz waa marin-biyood muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, mana aha marin ay Iiraan maamusho.”

    Taliska ayaa xusay in ciidamada Mareykanka ee gobolka ay si buuxda ugu diyaar garoobeen ilaalinta xorriyadda maraakiibta ganacsiga ee isticmaala marinkaas, inkastoo, sida ay hadalka u dhigeen, ay jiraan “falal gardarro ah, handadaado, dhibaateyn iyo bayaanno aan sharci ku dhisnayn” oo ay ku eedeysay Iiraan.

  20. Iran oo ku hanjabtay inay jawaab adag ka bixin doonto weeraradii xalay ee Mareykanka

    Iyadoo laga jawaabayo weerarradii cusubaa ee Mareykanka ee dhacay Axaddii iyo wareeg kale oo weerarro ah oo dhacay aroornimadii Isniinta waqtiga Gacanka Faaris, wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee dalka ay tahay inay ka jawaabaan weerarradaas si waafaqsan go'aannada Golaha Sare ee Amniga Qaranka iyo Baarlamaanka Iiraan.

    Mr Gharibabadi ayaa qoraal uu ku baahiyay barta X ku yiri: “Iyadoo la sii wado istaraatiijiyadda jawaabta adag ee ka dhanka ah gardarro kasta oo militari oo lagu soo qaado dalka, waxaa lagama maarmaan ah in la dejiyo xeer cad oo hore u qeexaya jawaabta adag ee dowladda haddii isku day lagu beegsado Hoggaamiyaha Sare ee Kacaanka Islaamiga ah ama mas’uuliyiinta militariga iyo dowladda.

    Hadalkan ayaa yimid iyadoo xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Mareykanka ay sii kordhayso, kadib weerarro isdaba joog ah oo labada dhinac ay isku qaadeen.