You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ciidamada badda ee mareykanka oo markii ugu horeysay Iran u adeegsaday qalab iyo hub cusub
Ciidanka Mareykanka ayaa sheegay inay markii ugu horreysay adeegsadeen doonyo aan naaquuda lahayn oo hal-mar oo kali ah weerar loo adeegsado ama ah ismiidaamin.
Doomahan is-wada ayay militariga Mareykanku adeegsadeen intii lagu jiray weerarro ay ku qaadeen bartilmaameedyo ku yaalla Iran. Doonyahan ayaa loo naqshadeeyay inay burburiyaan bartilmaameedka marka ay ku dhacaan.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in doomahan aan naaquudaha lahayn loo adeegsaday hawlgallo lagu beegsaday goobo ciidan oo Iiraan leedahay oo ku dhow Marinka Hormuz.
Weerarrada cusub oo billowday 12-kii July ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo kala duwan oo ku yaalla Iran, kuwaas oo ay ku jiraan nidaamyada difaaca hawada, xarumaha raadaarka xeebaha, iyo awoodaha gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Sida ay sheegtay CENTCOM, hawlgalladan waxaa lagu fuliyay diyaaradaha dagaalka, maraakiibta ciidamada badda, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee hal-mar weerarka ah, iyo markii ugu horreysay doonyaha badeed ee aan duuliyaha lahayn ee hal-mar weerarka geysta, si loo yareeyo awoodda Iran ee carqaladeynta maraakiibta caalamiga ah ee mara Marinka Hormuz.
Horaantii bishii June, ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in doon aan naaquuda lahayn loo adeegsaday samatabbixinta laba xubnood oo ka tirsanaa shaqaalaha diyaarad qumaatiga u kaca ah oo milatari oo Mareykan ah, kaddib markii ay ku burburtay xeebaha Cumaan. Tani waxay ahayd mid ka mid ah tusaalooyinkii ugu horreeyay ee si rasmi ah loo shaaciyo oo muujinaya in doon aan naaquuda lahayn ay fulisay howlgal samatabbixin.
Haddaba su'aashu waxay tahay, maxay yihiin doomaha aan lahayn cid wadda ee badda, sidee bay u shaqeeyaan, maxayse doorkooda dagaalka badda ee casriga ah u sii kordhayaan?
Waa maxay doomaha aan naaquudaha lahayn ee Mareykanka?
Inkastoo Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) uusan shaacin magaca ama nooca doonida badeed ee aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsaday weerarradii ka dhacay Iran, haddana Corsair ayaa loo arkaa mid ka mid ah tusaalooyinka ugu caansan ee nidaamyadan oo ay isticmaalaan Ciidamada Badda Mareykanka.
Waxay ahayd mid ka mid ah tusaalooyinkii ugu horreeyay ee hawlgal samatabbixin ah oo ay sameeyeen doon aanu cidi wadin oo faahfaahinteeda la shaaciyay.
Sida uu sheegay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Iran ayaa soo ridday diyaarad qumaatiga u kaca ah oo nooca Apache ah oo Mareykanku leeyahay, xilli ay ku dhoweyd Marinka Hormuz.
Kaddib dhacdadaas, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in howlgal samatabbixin ah lagu fuliyay iyadoo la adeegsanayo doon aan naaquuda lahayn oo nooca Corsair ah, isla markaana shaqaalihii saarnaa diyaaradda lagu soo badbaadiyay qiyaastii laba saacadood gudahood.
Sida lagu sheegay bogga internetka ee shirkadda fadhigeedu yahay gobolka Texas ee soo saarta doomahan aan naaquudaha lahayn, Corsair waa doon dhererkeedu yahay 24 fiit, waxay ku socon kartaa xawaare gaaraya 40 mayl saacaddii, waxaana ay qaadi kartaa culays dhan 1,000 rodol.
Brian Clark oo ah khabiir ku takhasusay doomahan is-wada ee meelaha fog laga hago kana tirsan Hudson Institute, ayaa sheegay in "Corsair ay le'eg tahay doon kalluumeysi, ay leedahay sagxad siman, loona naqshadeeyay qaadista xamuulka. Waxa kale oo ay u badan tahay inay qaadi karto saddex ilaa afar qof."
Brian Clark ayaa intaas ku daray in doonta Corsair ay ku qalabaysan tahay kaamiro soo bandhigta muuqaalka deegaanka ku xeeran. Waxa kale oo ay leedahay raadaar u sahlaya hagidda masaafo dheer iyo qalab elektaroonik ah oo lagu qabto isgaarsiinta, kaas oo loo adeegsado ururinta xogaha sirdoonka.
Dhanka kale, Dr. Stacie Pettyjohn, oo ah khabiir ku takhasustay arrimaha milatariga Mareykanka kana tirsan Center for a New American Security (CNAS), ayaa sheegtay in:"Doonta Corsair ay adeegga ku jirtay sanado badan.
Ciidamada Badda Mareykanka waxay haystaan ku dhowaad 50 doon oo noocan ah."
Waxay intaas ku dartay:"Badanaa waxaa loo adeegsadaa ogaanshaha iyo kormeerka miinooyinka badda, balse Ciidamada Badda Mareykanka ayaa weli tijaabooyin ku wada doomaha Corsair ee ku sugan Marinka Hormuz, si loo qiimeeyo awoodaha iyo howlaha ay qaban karaan."
Ciidamada Badda Mareykanka ayaa maamula Maritime Drone Task Force 59, oo ah cutubkii ugu horreeyay ee ciidamada badda ee Mareykanka si gaar ah ugu heellan adeegsiga nidaamyada aan duuliyaha lahayn. Cutubkan waxaa la aas aasay sannadkii 2021, waxaana Mareykanku bilaabay inuu geeyo Bariga Dhexe bishii March.