Hay'adaha gargaarka oo ka digaya masiibooyin ay cimilada El Niño keento oo Soomaaliya ka dhaca

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Hay'adaha gargaarka ayaa digniino gooni gooni ah ka soo saaray masiibooyin ka dhaca Soomaaliya, kuwaasoo ka imaanaya cimilada loo yaqaano El Niño.

Hay'adda IRC oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in cimilada El Nino ay keeni karto khatar ah inay dhacaan daadad, kulayl daran, cudurro dillaaca iyo abaar soo food saarta min Afrikada Bari ilaa iyo Aasiya todobaadyada soo socda.

Meelaha ay hay'adda farta ku fiiqday waxaa ka mid ah dalalka Kenya, Uganda, Soomaaliya, Bangladesh, Pakistan iyo Afgaanistaan oo ay ku tilmaantay inay noqon doonaan meelaha ugu daran.

Waxay intaa ku dartay in xogta Juun ee Soomaaliya ay tilmaantay in 60% ay jirto fursad roobab ka badan celceliska koonfurta iyo koonfur-galbeed, qolyaha saadaasha sameeyana waxay eegayaan xogta soo bixi doonta 15 Luulyo taas oo go'aamin doonta maalgelinta iyo qorsheynta ficillada la filayo.

"Dhibaatooyinka is-daba-joogga ah ee abaarta iyo barakaca ayaa ka dhigay 4.8 milyan oo qof oo ku nool Soomaaliya inay u baahdaan gargaar degdeg ah, tiradaas oo la filayo inay kor u kacdo iyadoo daadadka El Niño ay sii xumeeyeen abaarta bilaha soo socda. Daadad sannadkii 2023-kii ayaa burburiyay ku dhawaad 13,000 oo tan oo dalag ah waxayna burburiyeen magaalooyin iyo magaalooyin dhan, khubaraduna waxay ka digayaan in duufaan taa la mid ah ay waxyeello badan geysan doonto markan" ayey hay'addu ku sheegtay war saxaafadeedka.

Waxay kaloo intaa ku dartay in roobab ka da'a dhulka sare ee Itoobiya iyo roobabka xilliga dayrta ay sare u qaadi karaan heerka biyaha ee webiyada Soomaaliya. Waxay kaloo ka digtay in biyaha oo wasakhooba ay keeni karaan khatar aad u sarraysa oo ah in shuban iyo daacuun uu dillaaco.

Hay'adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO ayaa dhawaan ka digtay in Soomaaliya ay u diyaar garowdo xilli qallayl ah ilaa iyo Oktoobar, taasoo ay daba socoto dayrta la filayo Oktoobar ilaa Disembar oo lala xiriirinayo cimilada El Niño.

FAO ayaa ku talinaysa in:

- La cusboonaysiiyo diyaar garowga ka hirtagga daadadka dhulka webiyada iyo qorshayaasha daadguraynta.

- in la eego oo la dayactiro meelaha jilicsan ee jiinka webiyada Jubba iyo Shabeelle.

- In la ogaado oo la diyaariyo meelaha taagga ah.

- In lagu sii tala galo sahayda muhiimka ah ee degmooyinka looga cabsi qabo daadadka.

- In la isla qaato lacagaha ku baxaya iyo bilaabidda qorshayaal ka hor xilliga dayrta.

- Adkaynta digniinaha xilliyada hore la sameeyo ee bulshooyinka iyo hanaanka war isgaarsiinta.

- Iyo hanaan balaaran oo xukuuumaddu ay hormuud ka noqoto isku xirkiisa.

Hay'adda cimilada ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabiyo (WMO) ayaa horraantii bishan sheegtay in Xaaladaha cimilada El Nino ay durba billowdeen, waxayna saadaashu sheegtay in ay sii xoogaysanayaan muddada u dhashaysa Luulyo ilaa Siteembar.

El nino ayaa ah nooc cimilo ah oo ka dhalata heerkulka badweynta basifigga, taasoo dhacda 2dii sano ilaa todobadii sanaba mar, waxayna ka dhalataa badweynta Baasifigga, ayadoo raacda dhulbaraha kana timaada Australia, socotana ilaa iyo Latin Ameerika.

Adduunka oo dhan ayey saamaynteedu gaartaa, gobollada qaarkoodna waxay ku keentaa roobab aad u badan, halka qaar kalena ay roobabku ku yaraadaan.

Caadiyan Afrikada bari ayaa xilliyada cimilada El Niño waxaa lagu arkaa cimilo qallalan bartamaha sannadka, taasoo ay daba socoto cimilo qoyan oo roobab leh inta u dhaxaysa Oktoobar ilaa Disembar.