Shan calaamadood oo laga yaabo inaad iska indhatirto balse muujin kara cudur halis ah

Cudur

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Qof kastaa wuxuu leeyahay aragti u gaar ah oo ku saabsan caafimaadkiisa. Dadka qaar waxay dhakhtar u tagaan marka ay dareemaan calaamadaha ugu horreeya, xitaa haddii ay yihiin kuwo fudud, halka kuwo kalena ay sugaan ilaa xaaladdoodu ka sii darto.

Si kastaba ha ahaatee, khubarrada caafimaadku waxay ka digayaan in qaar ka mid ah calaamadaha u muuqda kuwo aan halis ahayn ay noqon karaan astaamo muujinaya cudur halis ah oo u baahan daaweyn degdeg ah.

Ciddiyaha oo midabkoodu is beddelo, dibnaha oo buluug noqda, miisaanka oo si aan la sharxi karin u dhaca iyo khuurada xad-dhaafka ah — dhammaantood waa calaamado aan la iska indhatirin.

Isbeddel kasta oo cusub oo jirka ku yimaada oo sii socda, xitaa haddii uu u muuqdo mid yar, waa in lala socdaa oo la qiimeeyaa.

Qaar ka mid ah cudurrada halista ah, sida kansarka, ayaa marxaladahooda hore laga yaabaa inaysan lahayn wax calaamado ah. Sidoo kale, caabuqyada ay ka mid yihiin HIV iyo cagaarshowga waxay muddo dheer jiri karaan iyada oo aan la dareemin wax calaamado muuqda.

Calaamadaha iyo astaamuhu way kala duwan yihiin

Dhanka caafimaadka, astaan waa xaalad ama isbeddel uu qof kale arki karo ama cabbiri karo, sida finan ama nabarro maqaarka ka soo baxa, qandho ama heerka sonkorta dhiigga oo sare u kaca.

Calaamad, dhanka kale, waa dareen uu bukaanku isagu keliya dareemo, sida xanuun, madax-wareer ama dhagaha oo yeera. Calaamadahan ayaa inta badan noqon kara tilmaamaha ugu horreeya ee dhibaato caafimaad.

Kuwa soo socda waa qaar ka mid ah calaamadaha aan habboonayn in la iska indhatiro.

1. Miisaan-dhac aan la sharxi karin

Miisaanka oo dhaca iyadoo aan wax isbeddel ah lagu samayn habka cuntada ama aan la kordhin dhaqdhaqaaqa jirka wuxuu noqon karaa calaamad muujinaysa cudur halis ah.

Dhakhaatiirtu waxay ku talinayaan in qofku la tashado dhakhtar haddii miisaankiisu hoos u dhaco in ka badan 5% iyada oo aysan jirin sabab muuqata.

Miisaan-dhaca noocan ah wuxuu la xiriiri karaa sonkorowga, qanjirka tayroodhka oo si xad-dhaaf ah u shaqeeya, kansarka, cudurrada wadnaha ama xanuunnada ku dhaca hab-dhiska dheefshiidka.

2. Xanuun ama cadaadis laabta ah

Xanuun

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xanuunka laabta, gaar ahaan haddii uu u gudbo daanka, qoorta, garabka ama qaybta sare ee dhabarka, wuxuu noqon karaa calaamad muujinaysa wadne-qabad.

Tani waa xaalad degdeg ah oo u baahan in si isla markiiba ah loo helo daryeel caafimaad.

3. Ciddiyaha oo midabkoodu is beddelo

Sigaar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa muhiim ah in fiiro gaar ah loo yeesho isbeddellada ku yimaada midabka iyo muuqaalka ciddiyaha, iyo sidoo kale calaamadaha kale ee laga yaabo inay noqdaan digniin hore oo muujinaysa cudurro kala duwan. Xaaladdan, waxaa lagu talinayaa in dhakhtar ku takhasusay maqaarka lala tashado si baaritaan dheeraad ah loo sameeyo, oo ay ku jiraan baaritaanno dhiig, haddii dhakhtarku u arko inay lagama maarmaan yihiin.

Ciddiyaha oo jaalle noqda, buluug isu beddela, caddaada ama yeesha xariijimo aan caadi ahayn waxay muujin karaan dhibaatooyin ku saabsan sambabada, wadnaha, beerka ama kelyaha, ama nafaqo-darro. Haddii isbeddelladani sii socdaan, waxaa habboon in dhakhtar lala tashado.

4. Midabka dibnaha oo is beddela

Dibnaha ama maqaarka oo buluug isu beddela waxay muujin karaan in jirku aanu helayn oksijiin ku filan.

Xaaladdan waxaa sababi kara dhibaatooyin ku dhaca wadnaha ama sambabada, waxayna u baahan tahay in si degdeg ah loo helo daryeel caafimaad.

5. Dhidid habeenkii

Dhidid

Xigashada Sawirka, Everlyne Juma

Inkasta oo dhididka habeenkii ee soo noqnoqda uusan mar walba ahayn mid walaac leh, haddana haddii uu si joogto ah u dhaco wuxuu muujin karaa dhibaato caafimaad.

Dhidid habeenkii oo xad-dhaaf ah oo aan sababtiisa la garanayn, gaar ahaan marka cimiladu kulushahay, wuxuu muujin karaa caabuq, isbeddello hormoonno ama cudurro halis ah sida qaaxada iyo noocyo ka mid ah kansarka.

Haddii calaamadahan ay sii socdaan, waxaa muhiim ah in dhakhtar lala tashado.

Baro inaad dhagaysato jirkaaga

Khubarrada caafimaadku waxay ku talinayaan in qofku caado ka dhigto inuu qoro isbeddel kasta oo ku yimaada jirkiisa.

Haddii calaamad ay sii socoto ama ay kasii darto, qor goorta ay bilaabatay, sida ay isu beddeshay iyo calaamad kasta oo kale oo la socota, ka dibna la xiriir dhakhtarkaaga.

Baaritaan hore wuxuu kordhiyaa fursadaha lagu guuleysan karo daaweynta, wuxuuna gacan ka geystaa ka hortagga dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.