You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ciidanka ugu awoodda badan Afrika ayaa shaaca ka qaaday nidaamka gantaalada Ruushka S-300 ee muddo u qarsoonaa
Masar ayaa markii ugu horreysay si rasmi ah dadweynaha ugu soo bandhigtay nidaamka difaaca cirka ee S-300VM ee uu Ruushka sameeyay.
Tallaabadan ayaa timi in ka badan toban sano kadib markii la sheegay in Qaahira ay qalabkan ku heshay heshiis ka badan 1 bilyan oo doolar, kaasoo qayb ka ahaa heshiis hub oo ballaaran oo qiimihiisu ahaa 3.5 bilyan oo doolar oo ay Masar iyo Ruushku kala saxiixdeen sanadkii 2014.
Sida ay sheegtay Insider Africa, Ciidamada Qalabka Sida ee Masar ayaa soo bandhigay nidaamka 9A83ME, kaasoo ah qalab isku dara qaadista, ridista iyo xakamaynta gantaallada, iyo sidoo kale raadaarka hagidda rasaasta.
Soo bandhigiddan ayaa ka dhacday munaasabaddii furitaanka Xarunta Taliska Istaraatiijiyadda Qaranka, oo loo yaqaan "Octagon", ee ku taalla Caasimadda Masar.
Madaxweynaha Masar Cbadul Fatax el-Sisi ayaa xarunta milatariga furay 4-tii July2026. Munaasabadda waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Apache iyo Ka-52, iyo diyaaradaha dagaalka ee MiG-29M, F-16 iyo Rafale.
Sida ay sheegtay Insider Africa, muhiimada ugu weyn ee dhacdadan ayaa ah in ay ahayd markii ugu horreysay ee Masar si fagaare ah u muujiso nidaamka S-300VM. Tani waxay noqotay caddeynta ugu muuqata ee muujinaysa in nidaamkan difaaca hawada ee masaafada dheer uu qayb ka yahay shabakadda difaaca cirka ee Masar.
"Heshiis gantaallo oo Ruushka lala galay,oo ku kacaya in ka badan 1 bilyan oo doolar."
Nidaamkan waxaa loo sameeyay inuu dhexda ka qabto oo uu burburiyo gantaallada riddada gaaban iyo kuwa dhexdhexaadka ah, gantaallada dhulka-ka-dhaca ee riddada dheer, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qalabka dagaalka elektaroonigga ah, iyo hubka hagidda saxda ah leh.
Sida ay sheegayaan warbixinnada dhinaca difaaca, wuxuu awood u leeyahay inuu diyaaradaha ku beegsado masaafo gaareysa ilaa 200 kiiloomitir, halka uu gantaallada ku beegsado masaafo gaareysa ilaa 250 kiiloomitir.
Waxa kale oo uu gaari karaa bartilmaameedyo ku socda joog dhan ilaa 30 kiiloomitir, isla markaana wuxuu awood u leeyahay inuu la socdo khataro badan oo kala duwan isla markiiba.
"Diidmo dheer kadib, ugu dambayn aqbalid."
Wararka ku saabsan iibsashada hubkan ee Masar ayaa markii ugu horreysay soo baxay sanadkii 2014, xilli Qaahira ay doonaysay inay dib u soo celiso xiriirkeeda milatari ee ay la lahayd Moscow, isla markaana ay hesho fursad ay uga iibsan karto hub kala duwan oo ka yimaada ilo badan.
Markii hore, hay'adaha Ruushka ayaa beeniyay in heshiiska la dhammeystiray. Si kastaba ha ahaatee, warbixinno la daabacay sanadkii 2015 ayaa sheegay in Moscow ay bilowday fulinta heshiiskaas.
Sida la sheegay, heshiisku wuxuu ka koobnaa afar baytari oo nidaamka ah, xarumaha taliska, qalabka ridista gantaallada, qaybo kayd ah iyo qalab taageero. Waxa uu qayb ka ahaa xirmo hub oo ballaaran oo bilow ah oo u dhexeysay Ruushka iyo Masar, taasoo qiimaheedu ahaa qiyaastii 3.5 bilyan oo doolar sanadkii 2014, sida ay sheegtay Reuters.
Waqtigaas, shirkadda Rosoboronexport, oo ah dhoofiyaha hubka ee dowladda Ruushka, ayaa sheegtay in dalabyadeeda hubku ay weli xooggan yihiin, inkastoo cunaqabateynno reer Galbeed ah lagu soo rogay Moscow sababo la xiriira arrinta Ukraine.
Warbixinno dambe ayaa sheegay in Ruushku bilaabay keenista qalabka sanadkii 2015, iyadoo sawirro la qaaday bishii Juun 2017 ay muujinayeen qalabka S-300VM oo laga dejinayo Dekedda Alexandria.
Nidaamkan ayaa xoojiyay shabakadda difaaca cirka ee Masar ee laga sameeyay Ruushka, taasoo horey ugu jirtay nidaamyada riddada gaaban ee Tor, gantaallada riddada dhexdhexaadka ah ee Buk, iyo raadaarrada kormeerka ee Protivnik-GE. Kadibna shabakaddaas waxaa lagu daray nidaamyada Pantsir.
Inkasta oo warbixinno dambe ay sheegteen in cadaadis reer Galbeed ah uu sababay in S-300VM lagu kaydiyo meel gaar ah, haddana Qaahira arrintaas si rasmi ah uma xaqiijin.
Soo bandhigidda rasmiga ah ee nidaamkan ee xarunta Octagon ayaa hadda beenisay sheegashooyinkii oranayay in nidaamku uusan waligiis ka mid noqon qalabka milatari ee Masar.
Mas'uuliyiinta Israa'iil ayaa su'aal ka keenay iibsiga
Dhanka kale, iibsashada nidaamkan ayaa soo jiidatay dareenka Israa'iil, halkaas oo saraakiisha amniga ay su'aalo ka keeneen khatarta ay Masar u aragto in nidaamkan looga baahan yahay.
Sarkaal Masri ah ayaa isku dayay inuu yareeyo walaacyadaas sanadkii 2015, isagoo Reuters u sheegay:
"Haddii aan la kulanno xaalad sidan oo kale ah, sababtu waa inaan eegayno dhanka bari, ee ma aha dhanka waqooyi."
Hadalkaas wuxuu u muuqday inuu tilmaamayo in Iran ay tahay khatarta laga fiirinayo, halkii ay Israa'iil ka ahaan lahayd. Si kastaba ha ahaatee, sarkaal ka tirsan sirdoonka Israa'iil kuma qancin, wuxuuna yiri:
"Ma garanayo nooca khatarta ay Masar eegayso marka ay go'aansanayso inay iibsato nidaamkan."
Walaacyadan ayaa sidoo kale la xiriiray xasaasiyadda ka jirta in Masar ay hub waaweyn geyso Jasiiradda Siinaay, halkaas oo qorshayaasha milatari ay weli ku xiran yihiin heshiiska nabadda ee 1979-kii ay Masar iyo Israa'iil kala saxiixdeen.