You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ruushka iyo afar dal oo kale oo lacag ku bixinaya in carruur la dhalo
Madaxweynaha Ruushka ayaa isbuucan soo saaray amar uu dib ugu cusboonaysiinayo abaal-marinta "Hooyooyinka halyeeyada ah", taasoo ay sanadkii 1944-kii abuurtay dowladdii Midowga Soviet.
Abaalmarintan ayaa loogu talagalay si qoysaska loogu dhiirrigeliyo in ay carruur badan yeeshaan.
Putin ayaa Isniintii sheegay in billadda oo u dhiganta lacag iyo waxyaabo kale oo qiime leh la siin doono hooyo kasta oo dhasha 10 carruur ah.
Waxay tallaabadan qayb ka tahay dadaal wax looga qabanayo hoos u dhac wayn oo ku yimid kororka tirada shacabka Ruushka.
Warbaahinta caalamka oo ay ka mid yihiin Wargaysyada Washington Post iyo Express ayaa shaaciyay warka ku saabsan wareegtada kasoo baxday madaxweynaha Ruushka oo hadal-hayn caalami ah dhaliyay.
Madaxtooyada Moscow ayaa tallaabadan qaadday xilli ciidamada Ruushka ay dagaal ka wadaan waddanka Ukraine oo ay weerar ku qaadeen dabayaaqadii bishii February ee sanadkan.
15,000 oo askari oo u dhashay Ruushka ayaa ilaa hadda lagu dilay dagaalka Ukraine halka qiyaastii 45,000 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Hase ahaatee la islama xiriirin abaalmarintan lasoo celiyay iyo saamaynta dagaalka Ukraine.
Marka laga soo tago Ruushka waxaa jira dalal kale oo ku dhiirrigeliya qoysaska si ay carruur u yeeshaan, kuwaasoo qaarkood waalidiinta u ballan qaada lacag iyo xannaanayn, sida lagu xusay maqaal uu daabacay wargayska Money.
Finland
Waddanka Finland oo ka mid ah dalalka qaaradda Yurub ee ay ku yartahay tirada carruurta cusub ayaa abaalmarin dheeri ah ku bixiya in carruur la dhalo.
Tan iyo sanadkii 2013-kii, cunug walba oo ku dhasha magaalada Lestijärvi ee dalkaas waxaa hooyadiis la guddoonsiinayay lacag dhan €10,000.
Lestijärvi waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu dadka yar waddanka Finland.
Estonia
Estonia oo a mid ah waddamada Yurub ayaa in muddo ah lacag ku bixisa kordhinta carruurta la dhalo, iyadoo dowladdu ay si gaar ah uga farxiso qoysaska ilmaha badan leh.
Qoyska reer Estonia ah ee haysta saddex carruur ah waxaa bil kasta la siiyaa lacag dhan €520, taasoo dhiirrigelinaysa in carruur badan la yeesho.
Waddankan waxa uu 15-kii sano ee lasoo dhaafay ku guulaystay inuu sare usoo qaado tirada carruurta dhalata.
Japan
Dalka Japan ayay tirada carruurta cusub ee dhalata heerkii ugu hoosaysay ka gaartay afar iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafay gudahooda, sida uu sheegay wargayska Business Insider.
Balse meelaha horumarka ugu fiican ka sameeyay tirada carruurta dhalata waa deegaannada lacagta abaalmarinta ah laga siisyo hooyooyinka ilmaha cusub dhala.
Mid ka mid ah magaalooyinka dalkaas, oo lagu magacaabo Ama, oo ka tirsan jasiiradda Nakanoshima, ayaa waalid kasta oo cunuggooda ugu horreeya dhala laga siiyaa lacag dhan 100,000 yen (oo u dhiganta $940 doolar).
Marka ay gaaraan cunugga afaraad waxaa la siiyaa 1 million yen (oo u dhiganta qiyaastii $9,400 oo doolar).
Australia
Wargayska Money ayaa sheegay in Australia ay ka mid tahay dalalka ku dadaala in ay sare u qaadaan tirada carruurta cusub, inkastoo aan la sheegin lacag cayiman oo la siiyo waalidiinta ilmaha cusub dhala.
Waxaase uu dalkan ka mid yahay waddamada xannaanaynta gaarka ah siiya waalidiinta ilmaha haysta, kuwaasoo ay dowladdu ka caawiso waxyaabo badan.