Dhegeyso: Dowladda Soomaaliya oo BBC uga warrantay dagaalladii ugu dambeeyay ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
Published
Waqtiga akhriska: 1 daqiiqo
Xaaladda ayaa maanta deggan deeggaannadii shalay lagu dagaallamay ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaase xalay la soo weriyay duqeyn xagga cirka ah oo lala beegsaday gaadiid ay wateen al-Shabaab meel ku dhaw maagalada Daaru Nimca.
Khasaare lixaad leh ayay dhaliyeen dagaallada iyo duqeymaha gobolladaasi ka dhacaya, waxaana meelaha qaar wali lagu arkayaa maydad yaalla.
Haddaba si aan u helno warrarkii ugu dambeeyay ee aagagga dagaalka, waxa uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan khadka taleefanka ku wareystay taliyaha ciidamada dhulka ee milatariga Soomaaliya Janaraal Sahal Cabdillaahi Cumar oo kamid ah saraakiisha hoggaaminaysa dagaalka ka socda gobolladaas.










