Xiisad u dhaxeysa Sacuudi Carabiya iyo Xuutiyiinta oo sii xoogeysanaysa

Xigashada Sawirka, Reuters
Warbaahinta Axios ayaa ku warrantay in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan, uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ka codsaday taageero haddii tallaabo militari laga qaado Xuutiyiinta, kadib markii ay soo baxeen tuhunno sheegaya in diyaarad laga leeyahay Iran ay isku dayday inay hub iyo khubaro militari u gudbiso kooxdaas iyada oo sii mareysa garoonka diyaaradaha ee Sanca.
Warbixintu waxay sheegtay in garoonka diyaaradaha la duqeeyay, halka Xuutiyiintuna ay kaga jawaabeen weerar ay ku beegsadeen Garoonka Diyaaradaha ee Abha ee Sacuudiga. Sida lagu sheegay warbixinta, tani waxay ahayd weerarkii ugu horreeyay ee ay si rasmi ah u sheegtaan inay ku qaadeen Boqortooyada Sacuudiga tan iyo markii uu billaabatay abbad-joojintii aan si rasmi ah loo shaacin ee sanadkii 2022.
Arrimahan soo cusboonaaday ayaa mar kale sare u qaaday su'aalaha ku saabsan mustaqbalka xabbad-joojinta iyo suurtagalnimada in xaaladda gobolka ay mar kale sii xumaato.
Iska hor imaadkii ugu horreeyay ee militari oo toos ah oo dhexmara Xuutiyiinta iyo Sacuudiga

Xigashada Sawirka, Reuters
Hawlgalka militari ee loo bixiyay "Duufaanta Go'aanka"ee la bilaabay sanadkii 2015 ma ahayn iska horimaadkii ugu horreeyay ee dhex mara Boqortooyada Sacuudiga iyo dhaqdhaqaaqa Ansaar Allah eeXuutiyiinta.
5-tii November 2009, dagaalyahanno ka tirsan Xuutiyiinta ayaa gudaha u galay tuulada xuduudda ku taalla ee Al-Khoba, oo ku taalla gobolka Jazan ee koonfurta Sacuudiga.
Weerarkan ayaa qayb ka ahaa isku day lagu doonayay in lagu qabsado buurta Jabal Dukhan, xilli uu socday waxa loo yaqaan "Dagaalkii Lixaad" ee u dhexeeyay Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.
Dhacdadaasi waxay horseeday in ciidamada Sacuudigu si toos ah ugu lug yeeshaan dagaalka ka dhanka ah Xuutiyiinta, taasoo calaamad u noqotay bilowgii iska horimaadyada tooska ah ee u dhexeeya labada dhinac, sanado ka hor faragelintii ballaarneyd ee isbahaysiga Carabta ee la bilaabay sanadkii 2015.
Boqortooyada Sacuudiga ayaa kaga jawaabtay weerarka iyada oo qaaday duqeyn cirka ah oo lagu beegsaday boqolaal dagaalyahan oo rasaas ku furay ciidamada ilaalada xuduudda. Saddex maalmood kadib, Riyadh ayaa ku dhawaaqday inay dib ula wareegtay gacan ku haynta buurta Jabal Dukhan.
Dagaalladu waxay sii socdeen illaa bishii Febraayo 2010, kadibna Sacuudigu wuxuu bilaabay inuu u arko dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta inuu yahay khatar amni oo ka iman karta xuduuddiisa koonfureed.

Xigashada Sawirka, Reuters
Howlgalkii isbahaysiga Sacuudiga
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sanadkii 2011, Yemen waxaa ka dhacay mudaharaadyo ballaaran oo qayb ka ahaa dhacdooyinkii Guga Carabta, kuwaas oo ugu dambeyn sababay in Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax uu xilka iska casilo bishii Febraayo 2012.
Is-casilaadda ayaa ku timid heshiiskii loo yaqaanay Hindisaha Khaliijka, kaas oo dhigayay in si nabad ah awoodda loogu wareejiyo ku xigeenkiisa, Cabd Rabbuh Mansuur Hadi, in la dhiso dowlad midnimo qaran, isla markaana Saalax la siiyo xasaanad ka dhan ah dacwadaha la xiriira muddadii uu xukunka hayay, iyadoo uu beddelkeeda ka tanaasulayo awoodda.
Kadib markii Hadi uu u baxsaday Sacuudiga, Riyadh ayaa bishii Maarso 2015 billowday Hawlgalka "Duufaanta Go'aanka", iyadoo hoggaaminaysay isbahaysi Carbeed oo taageerayay dowladda Yemen.
Amiirka Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, oo xilligaas ahaa Wasiirka Difaaca, ayaa kormeerayay howlgalada militari.
Isbahaysigaasi waxaa ku jiray Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait iyo Qatar ka hor inta aysan Qatar ka bixin sanadkii 2017 kadib xiisaddii Khaliijka, sidoo kale Masar, Urdun, Morocco iyo Suudaan.
Pakistan, inkasta oo markii hore laga wada hadlay ka qeybgalkeeda, haddana baarlamaanka dalkaasi ayaa bishii April 2015 u codeeyay in Pakistan ay dhexdhexaad ka sii ahaato colaadda.
Kadib markii Hadi uu la wareegay madaxtinimada, Xuutiyiintu waxay ka faa'iideysteen daciifnimada dowladda iyo qalalaasaha siyaasadeed si ay u ballaariyaan saameyntooda militari iyo siyaasadeed ee waqooyiga Yemen.
Arrintan waxay ugu dambeyntii keentay inay la wareegaan caasimadda Sanca bishii Sebtembar 2014. Tani waxay ku timid iyada oo ay jireen isbahaysi aan si rasmi ah loo shaacin oo u dhexeeyay Xuutiyiinta iyo madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax, kaas oo siiyay taageero siyaasadeed iyo mid militari oo u sahashay inay gacanta ku dhigaan hay'adaha dowladda.

Xigashada Sawirka, Wana News Agency/Reuters
Welwelka Riyadh iyo tallaabada loo qaadayo dhinaca dejinta xiisadda
Intii uu socday dagaalka, walaacyada ugu waaweyn ee Sacuudiga waxay ku saabsanaayeen in Xuutiyiintu ay noqdaan awood militari oo joogto ah oo ka dhalata xuduudda koonfureed ee dalkaas, kororka awooddooda gantaallada, adeegsiga Iran ee Xuutiyiinta si ay ugu cadaadiso danaha gobolka, iyo khatarta ku wajahan maraakiibta ku goosha Badda Cas iyo marin-biyoodka **Baab al-Mandab**.
1-dii Abriil 2022, ergayga Qaramada Midoobay ee Yemen, Hans Grundberg, ayaa ku dhawaaqay in labada dhinac ay ku heshiiyeen xabbad-joojin soconaysa laba bilood oo dib loo cusboonaysiin karo. Xabbad-joojintaas ayaa dhaqan gashay 2-dii April, waxaana ay dhigaysay in la joojiyo howlgallada weerarrada ah ee dhulka, badda iyo cirka.
Inkasta oo xabbad-joojintu si rasmi ah u dhammaatay waqti kadib, haddana xaalad degganaansho aan si rasmi ah loo shaacin ayaa sii socotay, waxaana billowday xiriirro toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.
Xabad joojinta waxaa xigay dib u soo celinta xiriirka Sacuudiga iyo Iiraan iyada oo loo marayo dhexdhexaadin Shiinees ah bishii March 2023, Riyadh sidoo kale waxay wadahadallo toos ah la yeelatay Xuutiyiinta si loo helo heshiis joogto ah.
Bishii September 2023, wafdi ka socday Xuutiyiinta ayaa gaaray Riyadh, taas oo ahayd booqashadii ugu horreysay ee noocaas ah ee si fagaare ah loo sameeyo tan iyo markii uu dagaalku billowday.
Wadahadallada oo uu dhex-dhexaadinayay Cumaan ayaa socday muddo shan maalmood ah, waxaana laga gaaray horumar ku aaddan diyaarinta hannaan ama khariidad waddo oo lagu soo afjarayo colaadda.
Si kastaba ha ahaatee, horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriiray garoomada diyaaradaha ee Sanca iyo Abha ayaa mar kale soo jeediyay su'aalo ku saabsan waxa loo arki karo "jilicsanaanta" ama nuglaanta xabbad-joojinta tan iyo markii ay bilaabatay sanadkii 2022.















