Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yemen oo soo saaray hanjabaad cusub

Kooxda Xuutiyiinta Yemen

Xigashada Sawirka, SCREENSHOT

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta ee Yemen, cabdulmalik al-Houthi, ayaa ku dhawaaqay in kooxdiisu ay diyaar u tahay "heer kasta oo colaadda ah oo sii kordha" marka la eego xiisadaha ka taagan gobolka.

Cabdulmalik al-Houthi ayaa arrintan kaga hadlay khudbad laga sii daayay telefishinka xiriirka la leh Xuuthiyiinta ee Al-Masirah TV.

Wuxuu sheegay inuu la shaqeynayo waxa uu ugu yeeray "in dhidibada loo aaso iska caabinta" oo ku saabsan xaaladaha ka socda Lubnaan, Gaza, iyo tallaabooyinka Maraykanka.

Ereygan waxaa guud ahaan loola jeedaa kooxaha hubeysan ee gobolka ee ay taageerto Iran.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa ka digay in:"Cadawgu uu ku shaqeynayo qorshayaal la shaaciyey oo ujeeddadoodu tahay in la abuuro xaalad loo yaqaan Israa'ii-sha Weyn iyo in la beddelo Bariga Dhexe."

Wuxuu intaas ku daray in khatartan ay saameyn ku yeelan karto goobaha barakeysan ee Islaamka, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla magaalooyinka Makka iyo Madina ee dalka Sacuudiga.

Cabdulmalik al-Houthi ayaa sidoo kale uga digay "dhammaan quwadaha iyo dhinacyada gobolka" inaysan dagaal u gelin magaca Israa'iil, isagoo sheegay inay la kulmi doonaan "cawaaqib xun oo halis ah" haddii ay sidaas sameeyaan.

Wuxuu ku andacooday in Mareykanka ay isku dayayso inay Xuuthiyiinta geliso "dagaal buuxa", kaas oo uu sheegay inuu ugu dambayn dan u yahay Israa'iil.

Si kastaba ha ahaatee, khudbadda laguma soo hadal qaadin hanjabaad cad oo ku saabsan xiritaanka marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab ama beegsiga maraakiibta ganacsiga ee Red Sea.

Horey ayay saraakiisha Xuuthiyiintu uga digeen suuragalnimada sii kordhinta xiisadaha la xiriira Lubnaan, waxaana hoggaamiyaha kooxda uu hore ugu hanjabay in heerka colaadda uu sii kici doono haddii Maraykanka iyo Israa'iil ay dib u bilaabaan dagaal ay la galaan Iran.

Dagaalyahanada Xuutiyiinta ee Yemen

Xigashada Sawirka, REUETERS

Maxay yihin koxda Xuutiyiinta?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xuutiyintu waxay ka soo unkameen ururradii ku jiray colaadda ka dhanka ahayd dowladdii Yemen, balse waxay asaal ahan ku aroorayeen madhabta Zayd oo ka mida madhabyada Shiicada.

Kooxda Zayd waxay tariikh ahaan ku xiriirsamayaan kacaankii Zayid bin Cali Al-Xuseen bin Cali Bin Abii Daalib kuwaas oo ka soo jeeday magaalada Kuufa kana hor yimid taliskii umawiyiinta qarnigii siddeedaad ee miilaadiyada iyo dhimashadiisa oo uu gacantiisa ku dilay guddoomiyihii Khaliifkii Umawiyiinta. Hishaam bin Cabdul Maalik .

Arrimo badan ayaa ka qayb qaatay soo ifbaxa Xuutiyiinta, oo ay ka mid yihiin sababo fikir, siyaasad, taariikheed iyo juquraafi oo ay ku jiraan sheegashada xuquuqda dadka deggan goobaha ay ku badan yihiin Zaydiyiinta.

Sannadkii 1990-kii ayay ahayd markii la abuuray dhaqdhaqaaqii ugu horreeyay ee loogu magac daray "Dhallinyarada Mu'miniinta ah", taasoo ay dabada ka riixaysay xaqiiqada go'doonka ah ee deegaannada Zayd, oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 35 illaa 40 boqolkiiba tirada guud ee dadka Yemen.

Dhaqdhaqaaqa ayaa noqday mid aad loo xiiseeyo kadib markii ay kordheen dhalinyaro taageersan oo ka qayb qaadanaysa dhaq-dhaqaaqa kooxda.

Waxay la koreen nacaybka Israa'iil iyo Maraykanka iyagoo saaladaha Jimacaha ka qaadayey nashiidooyin ka dhan ah.

Maamulka Yemen ayaa dhalinyaradan wax ka qabtay iyagoo xiray kadibna lasii daayay mudo kooban kadibna ay dib ugu laabteen howlahoodii hore.

Hoggaamiyihii ugu horeeyey ee xarakada Xuseen Badar al-Diin al-Xuuti oo uu dhalay wadaad caan ah, waxa uu horraantii siyaasaddiisa ku xidhnaa xisbi yar oo loo yaqaannay "Al-Xaq".

Xisbigani waxa uu laba kursi ka helay baarlamaanka Yemen doorashooyinkii 1993, Xuseen waxa uu ku guulaystay mid ka mid ah kuraastaas intii u dhaxaysay 1993 iyo 1997kii.

Intaas ka dibna, bishii sebtembar 11, 2001 iyo dhacdooyinkii xigay, sida duullaankii Ciraaq, Xuseen Al-Xuuti wuxuu raacay waddo cusub oo ay ka mid yihiin soo noolaynta fikradaha soo noolaynta iimaanka ama "Imperialism-ka," waxaana saamayn ku yeeshay afkaaraha guud ee Kacaanka Islaamigaa ee Iiraan.

Dhaqdhaqaada dhalinyaradii Mu'miniinta waxay markii hore ku ekaayeen difaacidda xaquuqda dadka ku nool magaalada Sacda oo ah halka ay ka soo jeedaan dadka haysta madhabta Shiidada ee Yemen.

Hase yeeshee waxay sii ballaariyeen kooxdan dhalinyarada bixinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo siyaasadda oo ay ku jiraan mucaaradnimada nidaamkii madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax.