You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Rag loo xiray inay YouTube uga hadlayeen arrimaha Islaamka
Saddex xubnood oo ka tirsan urur dhanka diinta iyo dhaqanka ah oo ka dhisan waddanka Baxrayn kaas oo u dooda in si furan looga doodo arrimaha Islaamka ayaa lagu xukumay xabsi.
Waxaa lagu dacweeyay sharci dambi ka dhigaya in qofka uu "ku jeesjeeso" mid kamid ah qoraallada diimaha ee Bahrain laga aqoonsanyahay, kuwaas oo ay ku jiraan Qur’aanka iyo Baybalka.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in raggan loo maxkamadeeyay xorriyadda hadalka iyo xaqa ay u leeyihiin inay muujiyeen waxa ay aaminsanyihiin.
Ururkan ayaa sheegtay in kiiskan uu sii huriyay rabshadaha ka dhanka ah xubnahiisa.
Barnaamijyo taxane ah oo lagu baahiyey barta Youtube-ka ayuu ururkan Al-Tajdiid ku soo bandhigay su’aalo la xiriira aragtida sharciga Islaamka iyo fikradaha ay soo saareen culimada Islaamka.
Kooxdan ayaa ah Shiico Muslimiin ah, iyadoo Shiicaduna ay yihiin aqlabiyadda waddanka Baxrayn, walow qoyska talada haya uu yahay Muslim Sunni ah.
Hasayeeshee culimada Shiicada ayaa si cad uga soo horjeestay ururkan, iyagoo shaqada ururkaas ku tilmaamay gaf iyo xadgudub, waxaana ay ku baaqeen in xubnaha ururka Al-Tajdiid la takooro.
Dacwad ka dhan ah ururkaasi ayaa markii dambe la gudbiyay, iyadoo Xeer Ilaalintu ay sheegtay in kiiskan loo keenay “si loo difaaco diinteena suuban” iyo in “laga hortago in fidno lagu faafiyo bulshada dhexdeeda”. Waxay dalbadeen in ciqaabta ugu sarraysa sharciga Baxrayn kooxdaasi la marsiiyo.
Ururka Al-Tajdiid – oo macnihiisu yahay dib u cusboonaysiin – ayaa ka jawaabay eedaha loo soo jeediyay maxkamadda horteeda ayeyna ka sheegeeen: “Fikradaha waa in looga hortagaa fikrado kale, mana ahan in sharciga dowladda loo adeegsado in lagu cabburiyo dadka”.
Maxkamaddu waxay hadda ku xukuntay saddexda eedaysane ee kala ah Jalal al-Qasab, Redha Rajab iyo Maxamed Rajab – min hal sanno oo xarig ah iyo ganaax lacageed. Xukunka ayaa la hakiyay, illaa ay soo dhamaanayso dhagaysiga rafcaanka.
Al-Tajdeed ayaa sheegay in dacwadda maxkamaddu ay uga sii dartay olole ka socda masaajidda iyo baraha bulshada, kuwaas oo dhiirigelinaya xadgudubyada gacanta iyo afka ah ee ka dhanka ah xubnaha ururkaasi.
Intii ay socotay dacwadda, hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ku baaqday in meesha laga saaro eedaha sidoo kalana la joojiyo hadallada xanafta leh ee sababaha diimeed darteed ay dadweynuhu ugu cambaareynayaan Al-Tajdiid.
Dalka Baxrayn waxa uu gobolka Khaliijka ku dhexleeyahay sumcad ah inay dulqaad u muujiso diimaha. Waxay 2021 furtay kaniisadda ugu weyn ee gobolka, ee Our Lady of Arabia Cathedral. Sidoo kale waxaa ku nool bulshada Yuhuudda keliya ee Khaliijka.
Hasayeeshee heerkeeda xuquuqda aadanaha ayaa muddo dheer waxaa dhaleecaynayay kooxaha u dooda xuquuqul insaanka iyagoo ku eedeeyay inay takoorto Shiicada aqlabiyadda ah. Maamulka ayaa diiday arrintaasi, balse kooxda ugu weyn ee mucaaradka Shiicada ah ee Al Wefaq ayaa weli xayiraad ay ka saaran tahay inay ka qaybgalaan doorashooyinka.