Shaqada jikada 'waa sida adiga oo aadaya dagaal'

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shaqaalaha cuntada ka kariya jikooyinka xarumaha iyo shirkadaha waaweyn ayaa "dhibaato adag" ka mara karinta cunto macaan oo abaal-marin leh, sida lagu sheegay daraasad cusub.
Baarayaasha ayaa ogaaday in cunto-kariyeyaasha qaar uu dhaawac ka soo gaaro digsiga kulul iyo inay gubto saliidda ay wax ku dubaan, taasina ayba ku faanaan si ay u caddeeyaan inay ka adag yihiin shaqadooda.
Mid ka mid ah ayaa baarayaasha ku yiri "markaan shaqada aadayo waxaan dareemaa sida "inaan dagaal u socdo".
Si kastaba, baarayaasha ayaa sidoo kale ogaaday in cunno-kariyeyaal badan ay weli xanuunka u arkaan "sharaf".
Baaritaankan, oo ay sameeyeen Cardiff University oo UK ah iyo Emlyon Business School oo Faransiiska ku yaalla, ayaa waxaa lagu saleeyay wareysiyo lala yeeshay ilaa 62 cunno-kariyeyaal ah oo ka shaqeeya UK iyo meelo kaleba.
Qaar badan ayaa sheegay in billowga shaqadooda ay la kulmaan tacaddiyo jir ahaan iyo aflagaaddo, midkood ayaa sheegay in "lagu xiray gudaha faranjeer, la dharbaaxay isla markaana laad lala dhacay".
"Aniga oo da’ yar waxaan dareemay kelinnimo. Aad baan u daallanaa. Uma baran tacaddiga aan la kulmay," ayuu yiri.
Cunno-kariyeyaasha qaar ayaa sheegay inay la kulmeen imtixaan adag, sida inay maalin walba gacmahooda ku fiiqaan "ilaa 150 aargoosato ah."
"Taasi gacmahaaga ayay jarjareysaa sababtoo ah waxay leeyihiin qolof ku dureysa ," ayay yiraahdeen.
Cunno-kariye kale ayaa sheegay in cuntada wejiga looga daadin jiray haddii ay khalad sameeyaan.
Heerka cadaadiska ayaa sababay in qaarkood ay xanuunsadaan, maaddaama laga yaabo inay ilaa 20 saacadood jikada ku jiraan.
Cunno-kariye kale ayaa sheegay in ninkii uu u shaqeynayay "uu soo qabtay toorreyda roodhiga lagu jaro isla markaana uu qoorta ka saaray iyadoo shaqaalaha kale ay eegayaan."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Balse iyadoo uu jiro cadaadiskaas, baarayaasha ayaa sheegay in sida ay aaminsan yihiin cunno-kariyeyaal badan, "jirkaaga oo ay ka muuqdaan dhaawacyada mindida iyo gubasho ... ay yihiin wax ay ku farxaan."
Midowga cunno-kariyeyaasha ayaa yiri: "Sida ay qabaan qaar badan oo ka mid ah cunno-kariyeyaasheenna, waa nooca jirka la doonayo – waa jirka cunno-kariye hadaf leh, howl-kar ah, oo ad adag".
Arrintan darteed, ayaa qaar badan ay u sii shaqeeyaan xitaa haddii uu soo gaaro dhaawac.
Mid ka mid ah ayaa yiri: "Waxaan mindi isaga jaray faraheyga dhexdooda sanado kahor. Dhiig ayaa ka soo burqanayay. Waxaan ku duubay maro [howsheyda ayaana sii watay],".
Cunno-kariye kale ayaa sheegay in calaamadda gubashada iyo dhaawacyada mindida sartay ee saaxiibbadiis ay isla shaqeeyaan loo arko "wax wanaagsan oo muujinaya inay ku shaqeeyaan cadaadis".
"Waxaan ula jeedaa, mar walba sida kale ayaan u dhignaa... xoogaa sida fiican ayaad u fekereysaa. Waad ogtahay in xaqiiqdu ay tahay inaad dhib ku qabto, balse ma oggolaaneysid inaad taas aaminto. Ma sameyn kartid," ayay yiraahdeen.
Cadaadiska iyo shaqada badan ee ka jirta jikooyinka waaweyn ayaa waxaa lagu soo bandhigay aflaanta sida The Menu iyo Boiling Point.













