Ninka Biden ka careysiiyey ee Muslimiin ku laayey Mareykanka oo la qabtay

s

Xigashada Sawirka, AFP

Published

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu IsniintIi sheegay “inuu aad uga carooday aadna uga xumaaday dilalka foosha xun ee dhacay”, wuxuuna intaa ku daray “weerarradan neceybka ku saleysan ee noocan ah inuu Mareykanka boos uga bannaaneyn”.

Booliska magaalada Albuquerque ee gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka ayaa sheegay shaqsiga koobaad ee looga shakiyey dilka 4 qof oo Muslimiin ah iney gacanta ku soo dhigeen.

Maxammed Sayid oo 51 jir oo ay booliska Isniintii soo qabteen waxaa lagu soo eedeeyey inuu laba qof dilay, baaritaan ay gurigiisa ku sameeyeenna ay ka soo saareen dhowr qori oo kuwa gacanta ah.

Boolisku magaaladaasi waxay sheegeen iyaga oo kaashanaya dambi-baarayaasha iney ka shaqeynayaan sidii ninkan Afghanistan u dhashay dacwad looga soo oogi lahaa.

Maxammed Sayid

Xigashada Sawirka, POLICE HANDOUT

Dilalkaasi ayaa dhacay  9-kii bilood ee la soo dhaafay.

Taliyaha booliska gobolkaasi Harold Medina wuxuu Talaadadii sheegay gaari lagu tuhmayey inuu ninkaasi wato oo ay dabagal ku sameeyeen iney ninkaasi ku soo qabteen.

Baarayaasha kiisaskan dilka gacanta ku haya waxay sheegeen iney dhici karto dilalkaasi iney xiriir la yeeshaan khilaaf shaqsiyadeed.

Shaqsigan looga shkisan yahay dilka oo Mareykanka sanada badan ku noolaa wuxuu ka soo jeedaa dalka Afghanistan.

Seddex ka mid ah Muslimiinta la dilay oo ka soo wada jeedo dalka Pakistan hal masjid ayey ku cibaadeysanayeen.

Waxayna boolisku sheegeen in raggan si gaadma ah lagu soo weeraray rasaasna lagu furay sidaana ay ku dhinteen.

Halka qofka afaraad oo la dilay bishii November ee kalhore uu ka soo jeedo dalka Afghanistaan.

Maxamed Afzaal Xuseen

Xigashada Sawirka, Reuters

Boolsikuna waxay sheegeen qabashada ninkaasi iney gacan ka geysatay xogta ay shacabka booliska la soo wadaageen.

Xogta ay boolisku baahiyeen waxay ku sheegeen guriga Maxammed Sayid markii ay baareen iney ka heleen xog muujineyso dilaaga iney isyaqaanneen balse khilaaf shaqsiyadeed oo u dhaxeeyey uu dilka ka dhashay.

Balse xogta ay boolisku Talaadadii baahiyeen laguma sheegin ninka dilka geystay inuu yahay Muslim Sunni ah, ninka la dilayna loo bartilmaameedsaday isaga oo ka xumaaday inuu gabadhiisa uu guursado nin Shiica ah.

Duqa magaalada Albuquerque Tim Keller war murtiyeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay inuu rajeynayo hay’adaha amnigu iney ka shaqeynayaan badbaadada dadka ay cabsi geliyeen dilalkii ugu dambeeyey ee dhacay.

Afhayeenka xaruunta Muslimiinta New Mexico wuxuu BBC u sheegay dilka inuu ahaa mid aragagax geliyey bulshada Muslimka ee magaaladaasi ku nool.