You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Muxuu yahay "Roobka madow" ee ay ka cabanayeen dadka ku nool xaafad ku taalla Moosko
Dagaallada ayaa lagu arkaa arrimo la yaab leh oo aan hore loo arki jirin, mar kasta oo ay sii daba dheeraadaanna waxay la yimaadaan waxyaabo ku cusub bulshada alagu dul dagaallamayo.
Wax u eg sidii baraf madow ayaa cirka ka soo daatay magaalada Moscow ee casimadda dalka Ruushka. Arrintan ayaa timid ka dib markii Ukraine ay 200 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weerartay warshad saliidda sifaysa oo Ruushku leeyahay.
Qiiq madow ayaa cirka isku shareeray. 17 qof ayaa ku dhaawacantay duqeynta diyaarada, sida uu sheegay gudoomiyaha gobolka Andrei Vorobov.
Dadka deggan koonfurta bari ee Moscow ayaa BBC-da u sheegay in waxan madow uu sababay "calaamado madow oo aan wanaagsanayn oo aan ka go'I karin dharkayaga".
Saraakiisha Moscow, si kastaba ha ahaatee, waxay diideen inay xaqiijiyaan wax "roobka saliidda ah".
Si kastaba ha ahaatee, kanaalka Telegram oo laga soo galay aagga ay dhibaatadu ka dhacday ayaa ugu baaqaya dadka deegaanka inay xirtaan daaqadaha oo ay aagga ka daadgureeyaan carruurta, waayeelka iyo dadka neefta qaba.
Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in 1,000 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah iyo afar gantaal oo laga leeyahay dalka Ukraine laga hortagay lana burburiyay 24 saac gudahood.
Bakhaar shidaal oo ku yaalla Koonfurta Rostov ayaa la weeraray, waxaana la dilay hal qof, ayuu yiri.
Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in duqeymaha ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay jawaab u ahaayeen weerarkii todobaadkii hore uu soo qaaday Ruushka ee ka dhacay magaalada Kiev.
"Ma doonayno dagaalkan, waligeen ma doonayno," Zelensky ayaa yiri.
"Haddii Ukraine gubato, Mooskana waa guban doontaa," ayuu yiri.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa isna sheegay in weerarrada ka dhanka ah Ukraine ay si aad ah u kordhayaan. Hadallada oo kaliya kuma filna, waxa uu sheegay in uu horay u rumaysnaa arrintaas.
Warshadda sifaynta saliidda ee Kapponya ayaa la weeraray saddex jeer muddo bil gudaheed ah.
Labo jeer ayaa todobaadkan la weeraray. Muuqaalo kala duwan ayaa muujinaya cirka oo uu qiiq ka buuxo, iyo muuqaalo kala duwan oo muujinaya daasado kaydka saliidda ee qaraxa laga soo saaray oo cirka lagu tuuray.
Burburkii diyaaradda Drone-ka ayaa ku dul dhacday dhismaha, waxaana uu dab qabsaday dukaamada ku xigay.
Afar garoon diyaaradeed oo ku yaal magaalada Moscow ayaa la xiray. In ka badan 500 oo duulimaad ayaa la joojiyay.
Saraakiisha dowladda Ruushka ayaa warbaahinta dalkaasi ka mamnuucay isticmaalka sawirrada, balse waxaa la faafiyay muuqaallo muujinaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo dul heehaabaya gelin hore oo ay cadceeddu soo jeeddo.
Sannadkii 2023-kii ayay ahayd markii Ukraine ay soo gashay 500 oo km oo xuduudda Ruushka ah, waxayna bilowday inay weerarto Moscow. Tan iyo markaas, Ukraine waxa ay xoojisay gantaalada riddada dheer iyo dayaaradaha aan duuliyaha lahayn.