Xubin jirkaaga ka mid ah ma ugu deeqi lahayd qof aadan aqoon?

Xigashada Sawirka, CERI NELSON
Ceri Nelson, oo 63 jir ah, oo ka shaqeysa banki, ayaa sidaas sameysay. Waxay ka shaqeyneysay ganacsi u gaar ah waxayna ku jirtay nolol fiican, iyadoo waqti yar uun u heysay inay qabato shaqo mutadawacnimo ah.
Maxaa dhiirrigeliyay? "Waxaan ahaa qof aad u faraxsan. Ganacsigu si fiican ayuu u socday. Waxaan is lahaa, runtii waan fiicanahay, balse waxaa ka sii fiicnaan lahayd haddii aan qof caawin lahaa," ayay tiri.
"Waxaan ka dhegeysanayay Jeremy Vine [BBC Radio 2] maalin wuxuuna la hadlayay qof isla sidaas sameeyay, waxaana ku fekerayay, waa wax aan aniga sameyn karo."
Sanad walba, ilaa 1,000 qof oo ku nool UK ayaa doorta inay killidooda ku deeqaan, inta badan qof qoyskooda ka tirsan amaba saaxiib.
Inta badan ku deeqiddan ayaa noqota kaddib geerida, iyadoo in ka badan 2,800 oo dhammaanba xubnaha lagu tallaalay dhalinyarta ku nool UK ay dhaceen sanadihii 2021-22.
Keliya 68 ka mid ah xubnahan la beeray ayaa ka yimid dad nool, iyadoo dadkan aysan ogeyn xitaa cidda loo gelin doono xubinta ay ku deeqeen.
Isla maalintii ay idaacadda dhegeysatay, Ceri, oo ka soo jeedda Porthcawl oo ka tirsan deegaanka Bridgend, waxay wacday Isbitaalka University Hospital of Wales oo ku yaalla Cardiff, kaasoo ku xiriiriyay kooxdiisa xubno ku beeridda.
Waxay sheegtay inay martay baaritaanno badan, kooxdu "aad, ayya u taxadarayeen", mana aysan dooneyn inay nolosheeda khatar geliyaan.
Kaddib ilaa lix bilood oo baaritaanno jir ahaan iyo maskaxiyan ahaan oo "aad u adag", Ceri waxay killideeda ku deeqday xagaagii 2017.
"Waxaan u maleynayaa inaan keliya shaqada fasax ka heystay labo ama sadedx toddobaad. Waxaan sameeyay July waxaana u maleynayaa inaan jiimka dib ugu laabtay September. Wax saameyn muddo dheer ah iguma yeelan sinnaba. Sanad walba waxaan sameyaa baaritaan si aan u hubiyo in killida hartay ay shaqeyneyso, balse wax walba aad ayay u fiican yihiin."
'Farxad ayay i siisay inaan qof caawiyo'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kaddib markii aan arkay in bukaannada killida labadaba kuwa aan weli loo gelin iyo kuwa marka loo geliyay kaddib, waxay sheegtay: "Waxay i siisay farxad ah inaan awooday inaan caawiyo qof oo aan siiyo nolol wanaagsan iyadoo saameyn yar uun ku yeelatay nolosheyda."
Waxay qiraneysaa in gabdhaheeda waaweyn aysan ku qanacsaneyn go’aankeeda ayna isku dayeen inay ka celiyaan. "Way murmeen, ka warran haddii ay killi u baahdaan? Waxaan iri, 'hagaag, adinkaa isku filan. Waxaad leedihiin aabbe. Haddii aad mid u baahan tihiin, waan hubaa inaad ka heli doontaan meel.'
"Weligey wax shallaay ah ma dareemin waxaana ku faanayaa inaan awooday inaan qof caawiyo. Waxaan ahaa 57 jir markii aan sidan sameynayay marka ma ahayn qof da’ yar marka laga reebo saameynta muddada gaabanna gebi ahaanba wax saameyn ah iguma yeelan."
Waxay aaminsan tahay in dadka sida fiican u fekera ay u badan yihiin inay wax ku deeqaan, iyadoo intaa ku dartay: "Aniga waxaan ahayn qof aan la qiyaasi karin.
"Mar haddii aan go’aan gaaro, waxaan ahay qof aan laga celin karin mararka qaarna uma maleynayo inay arrimuhu si hagaagsan u socdaan, balse aniga ima heyn wax walwal ah sababtoo ah baaritaanku wuxuu ahaa mid adag."
Keliya waxa ay ka niyad jabsan tahay ayaa ah inaysan wax xiriir ah la lahayn qofkii ay killida ugu deeqday. Xogta dhan ee ay ka ogtahayna waa magaciisa iyo inuu UK u dhashay.
"Marka waxaan rajeynayaa inuu meel uun joogo oo caafimaadkuna fiican yahay."
'Waxaan rajeynayaa inaan heysan lahaa mid kale oo aan ku deeqo'

Xigashada Sawirka, JACQUI ROBINS
Jacqui Robins weligeed kuma fekerin wax ku deeqis kahor inta uusan saaxiibkeed aad ugu xanuunsan dhibaato dhanka dhagax kilayaha uga jiray ah dhaqaatiirtana ay sheegeen inuu u baahnaan doono in killi lagu beero.
Si la mid ah Ceri, haweeneydan 76-jirka howlgabka ah kana soo jeedda magaalada Cardiff waxay nafteeda ku tilmaameysaa inay tahay qof xoogaa xor ah, ayna go’aansatay inay ugu deeqi doono iyada.
Si kastaba xaaladdiisa ayaa hagaagtay mana uusan u baahan in killi lagu beero. Balse markaas waxay warbixin ka heshay hannaanka, feker ayaana ku soo dhacay.
"Markii aan arkay dhammaan, waxaan ku fekeray sababta aan hore ugu sii guda galin? Eeg haddii aan killi ugu deeqi karo qof. Waana sida ay ku bilaabatay," ayay tiri.
"Waxay u muuqatay wax fudud oo la sameyn karo."
Kaddib markii loo sheegay inay killi ugu deeqeyso qof aysan aqoon, bishii May 2014 waxay gashay qalliinka.
Markii hore, dhammaanba xiriirka Jacqui iyo qofkii ay ugu deeqday killida si taxadar leh ayaa looga dhigay mid qarsoon, balse tan ayaa fududaatay markii ay waqti ka soo wareegatay.
"Kaddib sanad ama labo waxaan awooday inaan u diro kaar oo aan ku saxiixo Jacqui, isagana wuxuu ku soo saxiixay Wayne. Kaddibna waxaan ka sii wada hadalnay nolosha qoyska, kaddibna saddex sano kahor, waxay dheheen haddii aad daneyneyso, qofkaad ugu deeqday wuxuu jeclaan lahaa inuu kula hadlo, kula kulmo."

Xigashada Sawirka, JACQUI ROBINS
Wayne iyo xaaskiisa Linda ayaa u safray Cardiff waxayna Jacqui iyo seygeeda Roger u kaxeeyeey casariye.
"Waxay dhabtii ahayd sida kulanka saaxiib hore. Inkastoo xitaa aan weligey indhaha saarin isagana sidoo kale.
"Waxay ahayd laab is gelin iyo illin naga timid, gaar ahaan isaga," ayay tiri Jacqui.
"Waxay siisay nolol. Wuxuu ku sugnaa xaalad xun oo caafimaad wuxuuna ku sugnaa xaalado niyad-jab ah isagoo sugaya aniga ayaana siiyay tan sagaalaad, 10 sano kadib waxaa loo sheegay inuu wax intaa ka badan u baahan yahay."
Iyadoo ku deeqday killideeda markii ay jirtay 67 sano, Jacqui waxay sheegtay in qalliinka iyo ku noolaanshaha hal killi aysan saameyn yar ku yeelan caafimaadkeeda.
"Weligey xanuun Makala kulmin qalliinka. Waxaan rajeynayaa inaan heysan lahaa mid kale oo aan bixiyo, sababtoo ah sidaas ayay u fududdahay."














