Haddii aad qabto xanuunka macaanka, arrintan way ku caawineysaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Socodka muddo saddex daqiiqo ah nuskii saacba ayaa gacan ka geysan karta heerka sokorta dhiigga, sida lagu sheegay tijaabo yar oo lagu soo bandhigay shirka hay’adda Diabetes UK.
Daraasaddan oo lagu tijaabiyay 32 qof oo qaba nooca 1-aad ee xanuunka macaanka ayaa muujineysa in heerka sokorta ay hoos u dhacday markii ay nasasho joogto ah u kala dhexeysiiyeen socod muddo toddoba saacadood ah.
Hay’adda Diabetes UK ayaa sheegay in "nasashada" ay sababi karto isbeddel dhab ah.
Nooca 1 ee xanuunka macaanka wuxuu saameeyaa ilaa 400,000 oo qof oo ku nool UK.
Xaaladdan ayaa dhacda marka difaaca jirka uu weeraro unugyada soo saara maaddada insulin – taasoo keenta inuu sare u kaco heerka sokorta. Dadka waxay u baahan yihiin inay qaataan daawada insulin-ta.
'In marka aad telefoonka qabaneyso aad la socoto'
Muddo dheer kadib xanuunka macaanka wuxuu sababi karaa dhibaatooyin sida kilyaha oo qofka fariista, dhibaato dhanka indhaha ah iyo wadno-istaag.
Dr Elizabeth Robertson, oo ah agaasimaha baaritaanka ee Diabetes UK, oo maalgelisay daraasaddan, ayaa sheegtay in dadka qaba nooca 1 ee macaanka, ay ku adag tahay inay maalin walba xakameeyaan xanuunka.
Waxay intaas ku dartay: "Waa mid aad dhiirrigelin u leh in daraasaddan ay soo jeedineyso in sameynta waxyaabo fudud, oo isbeddel dhab ah sababaya – sida qabashada telefoonka adigoo socda, amaba inaad telefoonka xusuusin ku xirato si aad nasasho u qaadato – si aad uga fogaato inaad muddo dheer fadhiso – ay saameyn ballaaran ku yeelan karaan heerarka sokorta dhiigga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Waxaan ka war dhowreynaa baaritaan dheeraad ah oo lagu ogaanayo faa’iidooyinka muddada dheer ee arrintan."
Dr Matthew Campbell, oo ah baaraha hoggaaminaya daraasaddan kana tirsan Jaamacadda Sunderland, ayaa sheegay inuu la yaabay baaxadda faa’iidooyinka.
Wuxuu sheegay in dadka qaar ee qaba nooca 1 ee sokorta "ay nasashada" u noqon doonto horumar muhiim ah marka ay sameeyaan shaqo jir ahaan oo joogto ah halka dadka kalena ay u noqon karto qaab fudud oo ay ku xakameeyaan heerarka sokorta.
Wuxuu intaas ku daray: "Waxaa muhiim ah, istaraatiijiyaddan ma aha mid kordhin karta heerka khatarta ah ee sokorta taasoo dhacda marka la sameeyo jimicsiga caadiga ah."
Daraasaddan bilowga ah, lama soo bandhigin, waxaana ka qeyb qaatay 32 qof oo qaba nooca 1 ee xanuunka sokorta kuwaasoo dhammeystiray labo jeer oo ay toddoba saacadood oo fadhi ah sameeyeen.
Marka koowaad way fadhiyeen. Marka labaadna waxay toddobada saacadood u dhexeysiiyeen saddex daqiiqo oo socod ah soddonkii daqiiqaba.
Dhiiggooda ayaa lala socday si joogto ah muddo 48 saacadood ah bilowgii mar walba oo ay tijaabada sameynayeen dhammaantoodna waxay cuneen cunno isku mid ah toddobadii saacadood mana aysan beddelin daaweyntoodii insulin-ta.
In nasasho joogto ah loo dhexeysiiyo socodka ayaa waxay sababtay in hoos loo dhigo heerarka sokorta (6.9 mmol/L) muddadii 48 saacadood ahayd marka loo barbardhigo socodka aan nasashada lahayn oo heerka sokorta uu hoos u dhacay (8.2 mmol/L).
Waa maxay xanuunka macaanka?
Xanuunka macaanka waa xaalad qofku la noolaanayo weligii taasoo sababta in heerka sokorta dhiigga qofka ay noqoto mid sarreysa.
Waxaa jira labo nooc:
Nooca 1 - where the body's immune system attacks and destroys the cells that produce insulin
Nooca 2 - waa marka jirku uusan soo saarin insulin ku filan, amaba aysan unugyada jirku ka falcelin insulin-ta.
Nooca 2 ayaa inta badan dadka asiiba.














