Ducaale oo ka hadlay sababta ay dowladdiisa ciidammo ugu direyso Kongo

Xigashada Sawirka, Duale Twiter
In ka badan 100,000 oo qof ayaa guryahoda ka cararay halka tobanaan qofna la dilay ka dib markii uu dib u qafrxay dagaal u dhaxeeya ciidamada Kongo iyo fallaagada M23. Waa dagaalkii ugu muddada dheeraa sidoo kalana ugu dhimashada badnaa.
Hada se ciidamada Kenya ayaa ku biiraya dagaalka si ay u taageeraan milatariga Kongo, xasiloonidana dib loogu soo celiyo dalkan qaniga ku ah macdanta.
Muxuu dagaalka ku saabsan yahay?
Dagaalka dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa billowday 30 sannadood ka hor waxaana tan iyo markii uu bilowday ku dhintay dad ka badan lix malyan oo qof halka 4.5 malyan oo qofna ay guryahoodii ka carareen.
Sannadkii la soo dhaafay dagaalka ayaa mar kale cirka isku shareeray iyadoo ciidamada ammaanka ay la dagaalmayaan in ka badan 100 koox oo hubeysan kuwaas oo ku sugan bariga bariga dalka inkastoo ay joogaan ciidamo nabad ilaalin oo ka socda Qaramada Midoobay.
Fallaagada M23 iyo ciidamada Congo ayaa midba mid kale ku eedeeyay inuu bilaabay dagaalka hadda aloosan.
Xiisadan cusub ayaa waxay horseedday in madaxweyne Félix Tshisekedi uu ciidamada ugu baaqo inay tabaraan dhalinyaro ka barbar dagaalanto si ay u taageeraan ciidanka.
Saameynta dagaalka kuma eka Kongo oo keliya balse waxa uu sidoo kale xumeeyay xiriira diblomaasiyadeed ee Rwanda iyo dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo.
Kongo ayaa dalka ay dariska yihiin ku eedeeysay inay baritaareyso fallaagada M23 balse Ruwanda waa ay iska fogeysay eedeyntaaasi, xitaa toddobaadkii hore waxay ceyrisay safiirkii Ruwanda u fadhiyay Congo.
Jabhadda mucaaradka ee M23 oo la aasaasay 10 sannandood ka hor ayaa waxay ku doodeysaa inay difaaceyso danada owmiyadda Tutsiga eek u nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo kuwaas oo ka soo horjeeda maleeshiyada Hutu.
Madaxweyne Ruwanda Paul Kagame ayaa talada dalka la wareegay isagoo ah madaxa ciiamada Tutsi ee la dagaalamayay xagjiriinta Tutsiga ee gowracay boqolaal kun oo qof oo ka tirsan Tutsiga xilligii xasuuqii Ruwanda ee sannadkii 1994-tii. Kuwa badan oo ka mid dadkaasi xasuuqa geystay ayaa waxay u carareen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ka dib markii xoogaggii Kagame ay Ruwanda la wareegeen.
Isku day lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadii u dambeysay, ayay hogaamiyayaasha ururka Bariga Afrika (EAC) isku raaceen in loo diro ciidamo qaboojiya dagaalka ka socda bariga DR Congo, bilo uun ka dib markii dalkaas uu ku biiray ururka Bariga Africa.
Imisa askari ayaa tagi doona DR Congo?

Xigashada Sawirka, AFP
Ma jirto tiro cayiman oo ku saabsan tirada ciidamada la geyn doono. Waxaan ilaa hadda ognahay in afar waddan oo kaliya - Kenya, Uganda, South Sudan, iyo Burundi - ay askartooda u dirayaan.
Kun askari oo Kenyan ah ayaa ku biiri doona dhiggooda Burundi oo horraantii bishii Ogosto gaaray DR Congo si ay howlgalka wadajirka ah ugala soo horjeedaan fallaagada. Ma cadda in Tanzania ay ciidamo geyn doonto iyo in kale.
Saraakiisha ciidamada ayaa ka gaabsaday in ay shaaciyaan tirada askarta ay la geyn doono Kongo, sababo la xiriira dhanka ammaanka iyo istaraatiijiyada.
Askarta Burundi ayaa hadda saldhig ku leh Luberezi oo u dhow Bukavu ee Koonfurta Kivu. Ciidamada Kenya ayaa la dejin doonaa meel u dhow Goma ee Waqooyiga Kivu waxaana ay ka amar qaadan doonaan Ciidamada ururka Bariga Afrika.
Rwanda sidoo kale waxay xubin ka tahay EAC laakiin waxaa la isku raacay inaysan wax ciidan ah u dirin Kongo.
Maxay ciidamada Bariga Afrika uga duwan yihiin howlgalka Qaramada Midoobay?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Doorka ciidamada gobolka Bariga Afrika ayaa si cad loo qeexay kaas oo noqon doono inay bartilmaameedsanayaan kooxaha hubaysan.
Qaramada Midoobay ayaa hawl gallo nabad ilaalineed ka fuleneysay DR Congo tan iyo sanadkii 2000 waxana ay markii hore ku koobnayd ilaalinta rayidka iyo taageeridda hawlgalada ciidamada Congo.
Si kastaba ha ahaatee, Qaramada Midoobay ayaa markii dambe ansixisay abuurista ciidamo dagaal oo loo igmaday fulinta howlgallada weerarrada ah ee lagu nabadeynayo kooxaha hubeysan ee gobolka.
Dad badan oo reer Congo ah ayaa si weyn u dhaleeceeya howlgalka Qaramada Midoobay, ee loo yaqaan Monusco, iyaga oo ku eedeeyay in 13,000 oo ciidamadeeda ah ay ku guuldareysteen in ay ka difaacaan fallaagada.
Horaantii sanadkan waxaa dhacay dibad baxyo lagu hoobtay oo looga soo horjeeday Qaramada Midoobay.
Falanqeeyayaasha ammaanka ayaa sheegaya in ciidamada Bariga Afrika iyo Monusco ay u baahan doonaan inay si dhow isula jaanqaadaan haddii la doonayo inay wax qabad yeeshaan.
Waa maxay danaha ay Kenya ka leedahay DR Congo?
Kenya ayaa gacan weyn ka geysatay sidii ay heshiis nabadeed oo joogto ah uga dhex dhalin lahayd DR Congo iyo fallaagada.
Bishii Luulyo, Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta - oo door muhiim ah ka qaatay in DR Congo ay ku biirto ururka EAC bishii Maarso - ayaa loo magacaabay fududeynta wadahadallada nabada iyo kormeerka fulinta heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay ku heshiiyeen Nairobi.
Maaddaama ay tahay dalka ugu dhaqaalaha badan Bariga Afrika, Kenya waxa ay aad u danaynaysay in ay horumariso xiriirkeeda ganacsi ee gobolka oo dhan iyada oo loo marayo ganacsi iyo maalgashi.
Dhanka kale, wasiirka Gaashaan dhigga Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa bartiisa Twitter soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo ciidamada Kenya ay u direyso DRC Congo ka dib markii uu ka qeyb galay xafladda sagootintooda: “Kenya, iyada oo raadinaysa in ay hogaamiso kobaca gobolka Bariga Afrika, waxa ay danayn qoto dheer oo joogto ah u leedahay ilaalinta nabadda Geeska Afrika iyo guud ahaan qaaradda Afrika.”
"Waxaan aad uga shaqeynaynay sidii aan beesha caalamka ugu abaabuli lahayn inay taageerto ciidamada bariga Afrika," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Kenya Aadan Ducaale oo munaasabadda ka hadlayay.












