You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Calooshood-u-shaqeysteyaasha Ruushka oo maxaabiis u adeegsanaya dagaalka Ukraine
Hoggaamiyaha koox calooshood-u-shaqeysteyaal ah oo Ruushka u dhashay ayaa difaacay fikradda ah in maxaabiista loo adeegsado dagaalka Ukraine, kaddib markii muuqaal laga soo duubay uu muujinayay isaga oo xabsi ka qoranaya askar.
Yevgeny Prigozhin, oo ah madaxa kooxda Wagner, ayaa sheegay in kuwa aan dooneyn in ay dambiileyaasha xabsiga ku jira u diraan dagaal ay tahay in ay carruurtooda jiidda hore u diraan.
Muuqaal la soo bandhigay goor sii horreysay ayaa muujinaya isaga oo u sheegaya maxaabiista in la sii dayn doono haddii ay lix bil la shaqeeyaan kooxdiisa.
Kooxda Wagner ayaa la rumeysan yahay inay ka dagaallamaysay Ukraine tan iyo sanadkii 2014.
War qoraal ah oo lagu daabacay baraha bulshada kaddib markii uu muuqaalku aad u faafay ayuu Prigozhin sheegay in haddii uu isaga xabsiga ku jiri lahaa uu "ku riyoon lahaa ama u hammigiisu ahaan lahaa" ku biiridda kooxda Wagner si uu "u bixiyo deynta uu dalkiisa hooyo ku leeyahay".
Wuxuu farriin u diray kuwa aan doonayn inay noqdaan calooshood-u-shaqeysteyaal iyo kuwa aan rabin in maxaabiista ay dagaallamaan.
"Waxaa dagaalka ka qayb qaadanaya shirkado militari oo gaar ah iyo maxaabiista, ama carruurtiinna - go'aansada," ayuu yiri.
Si kastaba ha ahaatee, bayaankiisu si toos ah ugama hadlin muuqaalka baraha bulshada ku faafay ama ma uusan qiran in muuqaalka uu run yahay.
Fiidiyowga oo ay xaqiijisay BBC - ayaa meesha ka saari doona tuhunkii muddada dheer jiray ee ahaa in Ruushku uu ku rajo weyn yahay inuu kordhiyo ciidamada, isagoo qoranaya maxaabiista.
Sharciga Ruushku ma oggola in maxaabiista la sii daayo si loogu beddelo adeeg ciidan ama calooshood-u-shaqeysteyaal, laakiin Prigozhin ayaa muuqaalka ka sheegay in "qofna uusan dib ugu laaban doonin xabsiga" waa haddii ay u adeegaan kooxda Wagner.
"Haddii aad lix bil shaqeyso, xor baad tahay," ayuu yiri. Balse, wuxuu uga digay dadka la shaqaaleysiin doono in ay goostaan ama aysan shaqada ka cararin, isagoo intaas raaciyay: "Haddii aad timaado Ukraine oo aad go'aansato in aad baxsato, waan ku dileynaa".
Fiidiyowga ayaa u muuqda in laga soo qaaday goobta jimicsiga ee xabsiga. Lama garanayo cidda duubtay, goorta iyo sida loo soo dusiyay.
BBC-da ayaa u kuurgashay in muuqaalkan lagu duubay bartamaha Ruushka ee Mariy El Republic. Aaladaha aqoonsiga wejiga ayaa soo jeediyay qofka maxaabiista qoraya inuu yahay Prigozhin, waxaana si gaar gaar ah u xaqiijiyay ilo badan.
BBC-da ayaa horay u ogaatay xiriirka ka dhexeeya kooxda iyo Prigozhin, oo loo yaqaan "cunto-kariyihii Putin" – sababta magacaas loogu bixiyay waa inuu ka soo shaqeeyay maqaayad, iyadoo haddana uu noqday adeege ka tirsan aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka.
Si kastaba, xulafada ka agdhaw Madaxweyne Putin ayaa beeniyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Wagner.