Gabadha TikTok caanka ka ah ee guusha u horseedday Imran Khan

Xigashada Sawirka, MANAHIL/GETTY IMAGES
Kaddib Twitter, WhatsApp iyo Facebook, siyaasadda dalka Pakistan waxaa hadda saamayn wayn ku leh Tiktok oo jiho cusub u yeelay.
Xisbiyada siyaasadda ee waddankaas ayaa si wayn ugu tiirsan Tiktok oo dhallinyaro badan ay ku xiran yihiin.
Raysul Wasaarihii hore ee Pakistan, oo xilka laga qaaday kaddib markii uu baarlamaanka codka kalsoonida ka waayay, ayaa hadda u muuqda mid dib usoo labokacleeyay.
Dhawaan waxa ay xisbigiisa Tehreek-e-Insaaf guul taariikhi ah ka gaareen doorasho ku celis ah oo ka dhacday gobolka Punjab.
Balse warbaahinta Pakistan ayaa hadda tabinaysa in waxyaabaha guusha u horseeday Imran Khan uu ka mid yahay Tiktok.
Mucaaradkiisa waxa ay horay ugu tilmaami jireen in uu yahay "Raysul Wasaaraha baraha bulshada".
Markii xilka laga qaaday kaddib waxaa olole siyaasadeed u sameeyay dhallinyaro taageero badan ku leh bulshada isticmaasha baraha bulshada, gaar ahaan Tiktok oo waayadii dambe ay shacbiyaddiisa sii banayso.
Dadka caanka ah ee dhinaca Tiktok ku garab istaagay Imran Khan waxaa ka mid ah gabar lagu magacaabo Manahil Malik.

Xigashada Sawirka, MANAHIL
Manahil waxa ay leedahay cinwaan TikTok ah oo ay ku taxan yihiin qiyaastii 8 milyan oo ruux.
Waxa ay sheegtay in ay taageerayaasheeda u dirtay farriin ay uga codsanayso 'inay taageeraan xaqa ayna doorashada ku celiska ah ugu codeeyaan xisbiga Imran Khan'.
Manahil ayaa ku doodday in maadaama ay tahay qof caan ka ah TikTok ay mas'uuliyad ka saaran tahay inay shacabka ku wargeliso waxa wanaagsan.
Hase yeeshee xisbiga PTI ka hor, ururro kale oo siyaasadeed iyo kuwo diimeed ayaa TikTok u adeegsaday si ay fikradahooda ugu faafiyaan, teegeero dheeri ahna ugu raadsadaan.
Ururrada ku tiirsanaa boggan ka mid ah baraha bulshada waxaa ka mid ah Muslim League-Nun iyo Tehreek-e-Labaik.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Mid ka mid ah dadka u ololeeya ururka Muslim League-Nun activist, oo lagu magacaabo Saud Butt ayuu hadda ka hor si wayn ugu faafay muuqaal uu ka sameeyay xisbigiisa.
Markii ay booliska u xireen bishii August ee 2020-k sababo la xiriira inuu shacabka kiciyayna waxay taageerayaashiisa muujiyeen caro aad u wayn.
Sidaas si la mid ah, markii uu xisbiga Tehreek-e-Labaik Pakistan billaabay ololihiisa uu ku joojinayay badeecooyinka Faransiiska kaddib markii la faafiyay sawirro lagu aflagaaddeeyay Nabi Muxammad NNKH, waxaa si wayn loogu taageeray TikTok.












