Putin oo farriin u diray Raysal wasaareyaasha UK iyo Canada

Putin oo feera qaawan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u jawaabay raysal wasaaraha Boqortooyada Ingiriiska oo kula kaftamay in uusan Putin qaadi lahayn duullaanka Ukraine haddii uu haweeney ahaan lahaa. Boris Johnson ayaa sidoo kale ku kaftamay sawirada shaati la’aanta ah ee Putin ee horey loo faafiyay.

Hoggaamiyaha awoodda badan ee Ruushka Putin ayaa ku tilmaamay in madaxda reer galbeedka oo uu ku jiro Boris Johnson ay "u ekaan doonaan wax laga yaqyaqsoodo" haddii ay soo bandhigaan sawiro ay feero qaawan yihiin.

Putin ayaa hadalka sheegay kadib markii shir jaraa’id oo uu ku qabtay Turkmenistan oo uu booqasho ku joogo. Waxa uu ku sheegay madaxda reer galbeeda kuwo cabtooy ah oo qamriga iska badiyay islamarkaasna aanan sameyn dhir-dhis iyo ciyaaro.   

"Ma hubo inay dhar la’aan muujin karaa calooshooda iyo inta ka sarreysa. Laakiin waxay ila tahay inay noqon lahayd aragti iyo sawir laga yaqyaqsoodo," ayuu yiri Putin. Waxa uu intaa ku daray in qamriga iyo dhaqamada kale ee xun oo la iska joojiyo, jimicsi, jirdhis iyo ciyaaraha ay horsed u yihiin in qofku uu noqdo mid qurux badan.

Putin ayaa iska qaado sawiro uu shaati la’a yahay xilliyada uu safrayo iyo xitaa isaga oo faras fuushan, ama kaluumeysanaya.

Raysul wasaare Johnson oo la hadlay warbaahin laga leeyahay dalka Jarmalka ayaa toddobaadkii hore sheegay in duullaanka Ruushka ee Ukraine yahay in duulaankaas "waallida ah" uu yahay "tusaalaha saxda ah ee ragganimada sunta ah". Wuxuu ku taliyay in haweenka lagu badiyo u dhiibista xilalka sare.

Putin

Xigashada Sawirka, AFP

"Haddii Putin uu haweeney ahaan lahaa, taas oo uu iska cad yahay in uusan ahayn, laakiin haddii uu ahaan lahaa, uma maleynayo inuu billaabi lahaa dagaal waalli ah iyo duullaan awood muujis ah iyo rabshad,” ayuu yiri Johnson.

"Haddii aad rabto tusaale fiican oo ah ragannimada sunta ah, waa waxa uu ka samaynayo Ukraine."

Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa sidoo kale ku kaftamay sawirada oo feero qaayan yahay Putin ee Internetka ku faafay.

Boris Johnson ayaa sidoo kale sheegay in iyadoo hoggaamiyeyaasha G7 ay "si quus ah" u doonayaan in la soo afjaro dagaalka Ukraine, haddana in hadda uusan jirin "wax heshiis ah".

Raysul wasaare Johnson wuxuu sheegay in Reer Galbeedku ay ku qasban yihiin in ay taageeraan istaraatiijiyadda milatari ee Ukraine, si madaxweyne Volodymr Zelensky ay ugu suurtagasho inuu gaaro “mawqifka ugu wanaagsan ee suurtagalka ah” ee wadaxaajoodka Ruushka “marka ugu dambeyn ay wadahadalladu yimaadaan”.

Kulanka Nato ee Madrid ayaa yimid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Turkiga uu heshiis la gaaray dalalka Finland iyo Sweden, taasoo meesha ka saartay caqabaddii ugu dambeysay ee ku gadaanneyd inay ku biiraan Gaashaanbuurta Nato.