Maxay tahay sababta dadka Pakistan ay Carrafadaan uga baqayaan cunista hilibka?

Iyadoo ay soo dhowdahay Ciidul-Adxaa ayaa dad badan oo reer Pakistan ah waxay ka walwalsan yihiin fayrska lumpy ee ku dhaca xoolaha. Ganacsatada iyo dadka xoolaha suuqa keena ayaa dareemaya walaac xooggan.
Qaar ka tirsan ganacsatada xoolaha keena suuqa Lahore ayaa BBC-da u sheegay inay wajahayaan xaalad adag . Waxayna intaa ku dareen in dadka beerlayda ah iyo ganacsataduba ay sugayeen sanadka oo dhan munaasabadda Ciidda, balse ay sanadkaan aad uga xun yihiin sida uu xaalku yahay.
Tiro badan oo ah xoolaha Pakistan una badan Lo’da ayaa laga helay cudurka Lumpy, kuwaasoo ku dhaqan gobollo kala duwan.
Markii hore wuxuu ka soo billowday gobolka Sindh, kaddibna wuxuu ku faafay xanuunka qaybo kale oo ka tirsan dalka gaar ahaan gobollada ay ku badan yihiin dadka dhaqda Lo'da.
Ilaa iyo hadda cudurkan wuxuu dilay kumannaan xoolaha Pakistan ah, wuxuuna sidoo kale saameeyay malaayiin kale.
Muxumed Akram oo ka mid ah dadka xoolaha keenay suuqa magaalada Sheikhupura Mandi si uu u iibiyo 12 neef oo lo’ ah ayaa markii suuqa uu yimi waxaa uga dhacay dhowrkii neef ee uu soo safarsaday fayraska Lumpy.
Lo'daas oo uu soo waday dhowr boqol oo kiilo mitir, ayuu maalmihii la soo dhaafay la fadhiyay suuqa, sababtoo ah ma awoodo inuu laabto ilaa ay ka bogsadaan neefafka uu suuqa keensaday.
Akram ayaa BBC-da u sheegay in sanadkan aysan lo'du faa'iido u lahayn dhibaato mooyaane.
Wax badan Muxumed kalama socda sida uu lo’diisa cudurku ugu dhacay, balse wuxuu ka warqabay, iyadoo xoolo badan oo deegaankiisa ku noolaa ay u dhinteen cudurkan, isla markaana ay xanuunsadeen. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in ganacsadaha uu xanaaneeyo neef walba oo uu doonayo inuu suuqa geeyo si uu u iibiyo, balse aysan jirin cid ogaan karta cudurka ku dhacaya iyo saameynta uu ku yeelan karo.
Wuxuu sheegay in xoolaha uu suuqa keeno ay uga baxday lacag badan xilli waliba qiimaha shidaalku uu sare u kacay.
“Waxaan ku dadaalnaa sanadka oo dhan dhaqashada xoolaha, kaddibna waxaan sugnaa ciidda si aan lacag fiican u helno, lacagtaasna waa tan sanadka oo dhan aan kharash gareyno,” ayuu yiri Akram.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Muxuu yahay cudurka Lumpy? sidee ayayse xooluhu ula xanuusadaan?
Fayraska Lumpy waa cudur ku dhaca maqaarka, isla markaana keena barar, waxaana inta badan uu ku dhacaa xoolaha, wuxuna jiray in ka badan qarni.
Dr Cabdullaahi Arejo, oo ah barafasoor ku takhasusay daawaynta xoolaha oo la shaqeeya jaamacadda Sindh ayaa BBC-da u sheegay in sida bani'aadamku u haleelo furuqa ama bus-bus-ka, uu cudurkaani ugu dhaco xayawaanka .
Waxa jira cudur kaas la mid ah oo keena finan ka soo baxa jirka xoolaha kuna faafa gudaha jirka sida carrabka.
Dr. Arejo ayaa sheegay in cudurkan markii ugu horreysay laga helay Afrika sanadkii 1929-kii. Waxaa ku xigay warbixinnada cudurkan ee dalalka Hindiya, Sri Lanka iyo Indonesia.
Xoolaha uu ku dhaco cudurkaan si fudud ayaa loo aqoonsan karaa. Neefka cudurka qaba ayaa qandho badan lagu arkaa, daaqa iyo cabista biyahana wuu joojiyaa. Neefka waxaa yaraada dhaq-dhaqaaqiisa. Sidoo kale, waxaa maqaarka ka soo baxa nabarro waaweyn oo gaaraya ilaa 4 cm.

Sida uu ku faafo
Dhaqaatiirta xoolaha ee dalka Pakistan ayaa sheegaya in cudurkaan uu ku faafo qaab fudud oo neefku uu ugu gudbin karo kan kale.
Dr. Atiq, oo ka mid ah dhaqaatiirta xoolaha ayaa sheegay in duqsiga marka uu dul-fuulo nabarka neefka xanuusan, kaddibna uu ku dego neef aan cudurka qabin uu sidaas ku qaadi karo xanuunka.
Isaga oo BBC-da arrintan uga warramaya, Dr. Rehman, oo xubin ka ah waaxda xannaanada xoolaha ee Punjab oo loo xilsaaray cudurka, ayaa sheegay in cilmi-baaris ay ku sameeyeen cudurka ay ku ogaadeen inuu ka yimid dhanka dalka Hindiya maaddaama labada dal ay xudduud wadaagaan.
Hoos-u-dhaca hilibka
Kaddib markii sawirrada lo'da xanuunsan ay aad ugu faafeen baraha bulshada, waxaa hoos u dhacay cunista hilibka lo'da ee magaalada Karachi, waxaana sare u kacay cunista hilibka digaagga, taasoo keentay in qiimaha digaagga uu sare u kaco.
Xoolaha maaddaama ay xanuusanyihiin lama qali karo, lamana iibsanayo, waana sababta ay dad badan hadda uga walaacsan yihiin sida uu xaalku noqon doono Ciidul-Adxaada foodda nagu soo haysa, markaas oo dadka Muslimiinta ah intii awoodda ay qalaan/gowracaan xoolo.
















