Taliban oo qaaday tallaabo ay dhibsadeen Reer Galbeedka

Xigashada Sawirka, Reuters
Laba iyo toban qof oo ay kamid yihiin saddex dumar ah ayaa lagu karbaashay garoon kubadda cagta lagu dheelo oo ku yaalla dalka Afghanistan, halkaas oo ay u daawasho tageen kumannaan qof.
Kooxdaas ayaa lagu helay dembiyo ka dhan ah “anshaxa wanaagsan”gaar ahaan gogol dhaaf iyo dhac, sida uu mas’uul ka tirsan Taliban u sheegay BBC-da.
Waxaa la rumaysan yahay in muddo bil gudaheed ah ay ururkaas Islaamiga ah markii labaad fuliyeen karbaashka fagaarayaasha lagu fuliyo.
Tallaabadan ayaa u muuqada mid soo celinaysa qaabkii ay Taliban dadka u ciqaabi jirtay xilligii ay Afghanistan ka talin jirtay ee sanadihii sagaashameeyadii.
Cumar Mansuur Mujaahid oo ah afhayeenka Taliban u qaabilsan gobolka Logar oo ah halka uu ka dhacay karbaashka, ayaa sheegay in saddexda dumarka ah la sii daayay kadib markii la karbaashay. Waxa uu intaa raaciyay in qaar kamid ah ragga loo taxaabay xabsiga.
Ragga iyo dumarka ayaa lagu dhuftay 21 ilaa 39 karbaash. Mas’uul kale oo ka tirsan ururkaas ayaa sheegay in tirada ugu badan ee la oggol yahay ay tahay 39 karbaash.
Sagaal iyo toban qof oo kale ayaa todobaadkii la soo dhaafay lagu karbaashay gobolka Takhar ee waqooyiga Afghanistan, sida ay warbaahintu ku warrantay.
Karbaashka laga fuliyay gobolka Logar ayaa ku soo beegmaya todobaad kadib markii hogaamiyaha ruuxiga ah ee Taliban, Hibatullah Akhundzada uu garsoorayaasha maxkamadaha faray in dembiyada qaar lagu ciqaabo shareecada Islaamka.
Inkastoo aanu ururka Taliban qeexin waxa ay yihiin dembiyadaas, ayaa haddana waxaa suuragal ah in dembiilayaasha lagu fuliyo ciqaab isugu jirta toogasho, gacan goyn ama in dhagax nafta looga jaro.

Taliban ayaa markii ay xukunka Afghanistan la wareegtay sanadkii hore waxa ay ballanqaaday in dalkaas ay u xukumi doonto si qunyar socodnimo ah, balse waxaa muuqata in ururka uu soo celiyay nidaamkii hore ee looga bartay.
Intii u dhexaysay sanadihii 1996-2001, Taliban ayaa lagu dhaliilay in goobo fagaaro ah oo uu kamid yahay garoonka kubadda cagta ee Kabul ay ka fulisay karbaash iyo xukunno kale.
Reer Galbeedka ayaa ku doodaya in Taliban ay ka baxday ballanqaadkeedii ahaa inay ilaalin doonto xuquuqda dumarka Afghanistan, oo ay go’aanno adag dul dhigtay haweenka dalkaas, isla markaana ay gacan bir ah ku qabatay kuwa dalbaday inay helaan xuquuqda ka maqan.
















