Qaar ka mid ah shaqaalaha jaamacadda Havard oo lagu eedeeyay ka gacansiga xubnaha dadka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maareeyihii hore ee qolka meydadka lagu kaydiyo ee jaamacadda Havard kulliyaddeeda caafimaadk ee Maraykanka, iyo shan shaqaale oo kale ayaa noqday eedaysaneyaal, kadib markii lagu soo dacweeyay in ay iibsanayeen xubnaha jirka aadmiga oo lasoo xaday isla markaana ay sii gadayeen.
Cedric Lodge ayaa ku eedaysan in uu halka lagu kaydiyo jirka biniaadmiga ee kulliyadda caafimaadka uu kala baxay “madaxyo, maskax, maqaaar iyo lafaha” aadmiga kadibna uu kusii iibiyay internetka.
Sida lagasoo xigtay gal dacwadeed ay maxakamaddu diyaarisay, Cedric iyo xaaskiisa denise ayaa iibsadeyaal ku kala sugan gobollada Maraykanka ee Pennsylvania iyo Massachusetts ka gaday qaar ka mid ah xubnaha aadmiga. Sida lagusoo werinayo waxay ganacsiga noocan ah wadeen intii u dhaxaysay sannadihii 2018 illaa 2021.
Eedaysaneyaasha ayaa kasoo hor muuqday maxkamadda Federaalka ee New Hampshire arbacadii, waxayna diideen in ay ka jawaabaan weydiimaha saxaafadda.
lamaanaha ayaa lagu dacweeyay maleegidda iyo iyo ka ganacsiga alaab lasoo xaday. Haddii lagu helo dambiga lagu soo oogay, midkiiba wuxuu muteysan doonaa 15 sano oo xarig ah.
Dacwad oogayaasha ayaa ku andacoonaya in Lodge uu ka faa’ideystay jagadiisa maamule ee Barnaamijka Ku-deeqidda Anatomical ee kulliyadda Caafimaadka ee Harvard, oo mas’uul ka ah jarjarista iyo maaraynta xubnaha aadmiga ee loogu deeqay cilmi-baarista caafimaadka.
Ardeyda kuliyadda waxay adeegsadaan jirka lagu deeqay si ay wax ugu bartaan oo ay ku celceliyaan hababka caafimaadka. Marka kulliyadda la dhammeeyo iyadoo la isticmaalayo meydka, waxaa badanaa lagu aasaa qabuuraha caafimaadka ee jaamacadda ama waa la gubaa - iyada oo hadhaaga ay dib ugu celiyaan qoysaska.
“Mararka qaar Lodge wuxuu u ogalaanayey dadka qaar in ay galaan qolka lagu kaydsho xubnaha biniaadmiga ee jaamacadaa si ay uga doortaan halkaas qaybta jirka ee ay iibsanayaan,” ayaa ku qornayd bayaan kasoo baxay xafiiska dacwad oogaha ee Maraykanka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Katrina Maclean oo degan magaalada Salem ee gobolka Massachusetts, iyo Joshua Taylor oo ka soo jeeda West Lawn, Pennsylvania ayaa lagu soo waramayaa inay iibsadeen xubnaha jirka. Waana eedaysaneyaal iyo sidoo kale laba qof oo kale oo ay dib ugasii iibiyeen alaabta.
Marka la eego dacwad oogista bishii Oktoobar ee sannadkii 2020, Maclean waxay ku iibsatay wejiyo la kala guray lacag gaareysa $ 600 oo doolar taasoo ay damacday inay maqaar ka samayso.
Maclean waxa ay leedahay bakhaar lagu magacaabo Kat's Creepy Creations, kaas oo baraha bulshada ay muujinayaan in si gaar ah loogu sameeyo boombalooynka oo ay ka dhigto nooc laga argagaxo.
Lama garanayo in qaybaha jirka aadmiga loo isticmaalay alaabtan. Eedeynta ayaa lagu sheegay in Maclean ay keydisay oo ay ku iibisay haraaga dukaankeeda.
Dhanka kale, Joshua Taylor, ayaa lagu eedeeyay inuu 39 lacag-bixinno elektaroonig ah siiyay Denise Lodge si uu ugu beddelo xubnaha jirka, taasoo ka badan $37,000 oo doolar, muddo afar sano ah.
Xeer-ilaaliyeyaashu waxay caddayn ahaan u soo bandhigeen rasiidka halka wax lagu kala iibsado ee Paypal oo $1,000 doolar ah taas oo lagu gatay "madax ku lamabaraysnaa 7".
"Dambiyada qaar ayaa ka hor imaanaya fahamkeena," Xeer Ilaaliyaha Degmada Gerard M. Karam ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. "Xatooyada iyo ka-ganacsiga haraaga bani'aadamku waxay ka hor imaanayaan nuxurka waxa inaga dhigaya bini'aadam."
George Q. Daley, oo ah madaxa kuliyada caafimaadka ee jaamacadda Harvard, ayaa sheegay in uu aad uga naxay markii uu maqlay in wax aad u dhib badan ay ka dhici karaan jaamacadayada “waxana uu xaqiijiyay in shaqada Cedric Lodge ay dhamaatay 6-dii May.
"Aad baan uga xunnahay xanuunka uu warkani u geysan doono qoysaska ku deeqay jirka dadkooda iyo kuwa aan jecelnahay, kulliyadda Caafimaadka Harvard waxay ballan-qaadaysaa inay garab istaagi doonto inta lagu jiro waqtigan murugada leh."
















