Maxay dalxiisayaashu badanaa u soo garaacaan albaabka guriga gabadhan?

.

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Karin waxay sheegtay inay in ka badan 20 dalxiise u yimaaddeen bishii la soo dhaafay
Published

Dalxiisayaal ka ballansaday halkii ay degi lahaayeen shabakadda guryaha laga sii kiraysto ee Booking.com ayaa markii ay tageen gurigii u ballansanaa, uu noqday guri qoyskii lahaa deggan yihiin oo ku yaalla koonfur-bari London.

Ilaa 20 qof oo socdaalayaal ah oo aan la filayn ayaa soo gaadhay guriga Karin Arsenius ee Plumstead, kuwaas oo dhammaantood filayey in uu yahay guri bannaan oo kiro u joog ah.

"Waxaan u baahanahay kaliya si aan u joojino uun," ayay tidhi Ms Arsenius, oo hadda ka fikiraysa tallaabo sharci ah in ay ka qaaddo cidda ku soo hagaysa dadkan dalxiisayaasha gurigeeda. "Waa xaalad walaaceed leh." Ayay sii raacisay hadalkeeda.

Booking.com ayaa sheegtay in ay raaligelin ka bixisay dadkii ay saamaysay oo ay meesha ka saartay liiskii gurigaas.

37-jirkan ayaa BBC-da u sheegay in bishii la soo dhaafay ay dadku ka yimaadeen dalal ay ka mid yihiin Aljeeriya, Canada, India iyo Mareykanka.

Waxay sheegtay in ay u egtahay in ay u malaynayso in bog wax laga ballansadaa uu gurigeeda ka mid yahay liiska guryaha bannaan ee ay hayaan.

Karin waxay qolkeeda fadhiga uga samaysay sariiro ay ku seexdaan saddex dumar ah oo u dhashay dalka Argentina ka dib markii ay awoodi waayeen inay raadsadaan meel ku haboon habeenkaas.

Waxa ay sheegtay in xilli xilliyada ka mid ah arday ku soo hagaageen, oo kolkii ninkeedu isku deyey in ardaydaas caawiyo, isaga oo la raadiyey goob ay seexdaan waa ay ku soo hungoobeen, maadaama goobaha la seexdo ee ka ag dhaw xaafaddooda oo dhami ay ahaayeen kuwo buuxa.

“Ma haysan meel ay aadaan, waxaana isku daynay dhammaan hoteellada xaafadda laakiin mid walba waa la ballansaday," ayay tiri Karin.

.

Xigashada Sawirka, ,

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Ugu dambeyntii waxaan u sheegnay in aannaan ku qanacsayn in aan u ogolaanno in ay iska baxaan xilligaa habeennimada ah oo meel ay seexdaan raadiyaan. Markaa, keliya waxaan ku qasbanaannay in aan u dhigno sariiro qolka fadhiga oo ay halkaas joogaan”.

Sabrina Salomé Schneider, oo 31 jir ah, ayaa BBC-da u sheegtay in ay ku noqotay ‘lama filaan’ in ay ku soo aadaan guri la deggan yahay.

"Qoysku waxay isku dayeen inay na caawiyaan, laakiin illaa iyo hadda waxaan lacagtayadii ka sugaynaa Booking.com maadaama aan wali lacag ku bixinayno sidii aan u heli lahayn hoy cusub," ayay tidhi Ms Schneider.

Sannadkii hore, haweeney ku nool waqooyiga London ayaa sheegtay in dalxiisayaal ay ku soo degeen gurigeeda gaarka ah taasoo keentay in Booking.com ay ka saarto liiska gurigaas.

Xilligaas war qoraal ahaa oo ka soo baxay shirkadda ayaa u dhignaa in ay ka xun yihiin waxa dhacay.

“Waxaanu xaqiijin karnaa in gurigan gabi ahaanba laga saaray goobtayada, dhammaan macmiishii ay saamaysayna waxa la xidhiidhay xubin ka tirsan kooxda adeegga macmiisha, si aanu uga cudur daaranno oo aanu u soo bandhigno wixii taageero ah ee loo baahan yahay ee la xidhiidha soo celinta dadkaas khaldamay, dib u dejinta iyo khidmadaha dheeraadka ah, anaguna dabcan waanu kordhinaynaa adeegayaga ku aaddan. Raaligelin dhab ah ayaannuna siinaynaa milkiilaha guriga