Maxay tahay tallaabada uu Erdogan qaaday ee sababtay in madaxweynaha Israa’iil uu luuqadda Turkiga wax kusoo qoro?

Erdogan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Danjiraha Israa’iil u qaabilsan Turkiga, Irit Lillian ayaa magaalada Ankara warqadaheeda aqoonsiga ku guddoonsiisay madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdoğan. Arrintan ayaa sababtay qiiro aad u weyn.

Lillian ayaa gudbinta warqadaheeda uu kala wareegay Erdogan uga hadashay barteeda Twitter-ka, iyadoo ku qeexday in ay ahayd “xaalad qiiro leh”.

Waxa ay intaas ku dartay in ay fileyso horumarro kale oo mustaqbalka laga gaaro bogga cusub ee u furmay xiriirka labada waddan.

Turkiga iyo Israa’iil ayay muddo dheer ka dhaxeysay xurguf diblomaasiyadeed oo salka ku heysa arrimo badano o ay labada dowladood isku maan dhaafeen.

Dhanka kale, tallaabadan uu madaxweyne Erdgan ku aqbalay safiirka Israa’iil u dirsatay Ankara ayaa si weyn uga farxisay madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, oo dareenkiisa dibadda usoo bixiyay.

Sariirka Israa'iil iyo Madaxweynaha Turkiga

Xigashada Sawirka, TWITTER

Madaxweyne Herzog ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirro laga soo qaaday munaasabadda taariikhiga ah ee ay ku kulmeen danjiraha waddankiisa iyo Madaxweynaha Turkiga.

Sidoo kale waxa uu soo raaciyay qoraal ku qoran luuqadda Turkiga oo uu ku muujinayo sida uu ugu farxay in danjiraha u jooga Turkiga, Lillian, iyadoo ku sugan Ankara lagu soo dhaweeyay muusigga astaanta qaranka ee Israa’iil.

“Waxaan sugayaa in aan warqadaha aqoonsiga ka guddoomo Safiirka Turkiga ee Israa’iil. Tani waa tallaabo weyn oo loo qaaday hagaajinta xiriirka Israa’iil iyo Turkiga,” ayuu ku yiri qoraalka.

“Aad bey u farxad badan tahay inaan Ankara mar kale ka maqlo HaTikvah [muusigga astaanta qaranka ee Israa’iil],” ayuu sii raaciyay.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

Dhammaadka X boggan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Bishii lasoo dhaafay, Turkiga ayaa magacaabay safiirka u qaabilsan Israa’iil, iyadoo jagadaas loo xushay Danjire Şakir Özkan Torunlar. Hase ahaatee Torunlar ayaan weli la kulmin Madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa shaaciyay in dhawaan la filayo in uu Torunlar warqadihiisa aqoonsiga la hor tago Madaxweyne Herzog

Mid ka mid ah tallaabooyinkii ugu waaweynaa ee lagu hagaajinayo xiriirka Israa’iil iyo Turkiga ayaa la qaaday bishii August ee sanadkan sii dhammaanaya, 2022, xilligaas oo ay hoggaamiyeyaashu isku afgarteen in dib loo furo safaaradaha Ankara iyo Tel Aviv.

Muddo afar sano ah labadan waddan ma lahayn danjireyaal ay isweydaarsadeen.

Bishii September ayey dowladda Israa’iil shaacisay in ay danjiraheeda Turkiga u fadhin doona u magacowday Irit Lillian.

Madaxweynaha Israa’iil ayaa bishii March booqasho ku tagay magaalada Ankara, iyadoo safarkaasna uu xigay kii uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu's, bishii May ku tagay Israa’iil.

Raysul Wasaaraha Israa’iil, Yair Lapid ayaa sidoo kale Turkiga booqday bishii June, taasoo sii xoojisay xasilinta xiriirka labada dal.

Tan iyo 2018-kii, Turkiga iyo Israa’iil ayaa isku xumaa marka la eego dhinaca diblomaasiyadda. Israa’iil ayaa xiriir dhow la leh Isbahaysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ee NATO, kaasoo Turkigana uu xubin muhiim ah ka yahay.