Shirkad duulimaad oo madaxdeeda ku amartay inay raraan boorsooyinka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda diyaaradaha Australia ee Qantas ayaa ka dalbatay shaqaalaheeda haya xilalka sare inay u wareegaan qeybta boorsooyinka, xilli ay shirkaddu wajahayso shaqaalo yari baahsan.
Madaxa hawlgelinta ee Qantas ayaa doonaya 100 oo si mutadawacnimo ah uga shaqeeya garoomada Sydney iyo Melbourne oo kamid ah kuwa ugu waaweyn dalka Australia.
Hawlaha looga baahan yahay shaqaalahaas ayaa waxaa kamid ah inay dejiyaan boorsooyinka ama ay saaraan diyaaradaha iyo sidoo kale inay wadaan gaadiidka boorsooyinka qaada ee gudaha garoomada.
Sida inta badan shirkadaha diyaaradaha ee dunida, Qantas ayaa la daalaa-dhacaysa inay duulimaadyadeeda dib u bilowdo kadib markii la furay xuduudaha Australia.
“Kiisaska cudurka Covid ee bulshada dhexdeeda ah iyo caqabadaha ka taagan helitaanka shaqaalaha ayaa si weyn u sameeyay hawlaha shirkadeenna,” ayuu yiri madaxa hawlaha Qantas, Colin Hughes oo intaa raaciyay in 200 oo kamid ah shaqaalaha sarsare loo wareejin doono shaqooyinka hoose.
Maamulayaasha iyo shaqaalaha haya xilalka sare ee shirkadda ayaa laga codsaday in todobaadkiiba saddex ilaa shan maalmood ay ka shaqeeyaan qeybta boorsooyinka.
Qoraalka loo diray shaqaalaha Qantas ayaa lagu sheegay in dadka hawshaas qabanaya looga baahan yahay inay dhaqaajin karaan shandado culayskoodu gaarayo 32 kilogram midkiiba.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Qantas ayaa kamid ah shirkadaha diyaaradaha ee saameynta ballaaran ay ka soo gaartay xuduudaha xiran, waxaana shirkadda ay fariisisay diyaarado badan.
Sidoo kale, tan iyo markii uu bilowday xanuunka Covid, Qantas ayaa shaqada ka joojisay kumannaan kamid ah shaqaalaheeda, gaar ahaan kuwa u qaabilsan hawlaha gudaha garoomada.
Bishii la soo dhaafay, shirkadda ayaa raali-gelin bixisay kadib markii ay rakaabkeeda ka cawdeen in laga lumiyay boorsooyinkooda.
Australia ayaa kamid ah waddamada sida adag u xakameeyay socdaalka markii uu dillaacay xanuunka Covid. Tallaabooyinka xakameynta ah ayaa shacabka waddankaas laga qaaday bishii November 2021.















