Gabar kale oo “Iran loogu dilay“ arrin layaab leh

Dibedbaxyada Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Gabar kale oo ardayad ah ayaa lagu soo warramay inay ku dhimatay gacanta laamaha amniga ee dalka Iran, kadib markii ay diiday inay qaado hees lagu ammaanayo xukuumadda.

Arrintan oo la sheegay inay dhacday 13-kii bishan ayaa dhalisay kacdoon shacab oo horleh, kaasoo ka dhan ah xukuumadda Tehran.

Ururka macallimiinta Iran ayaa sheegay in Asra Panahi oo 16 jir ah ay geeriyootay kadib markii gabdhaha dhigta iskuulka sare ee Shahid ee ku yaalla magaalada Ardabil ay diideen inay qaadaan hees lagu ammaanayo hogaamiyaha ruuxiga ah, Aayatullah Cali Khamenei.

Askarta dowladda oo iskuulka ku sugnaa ayaa garaacay gabdhaha diiday inay qaadaan heesta, waxaana falkaas ku dhaawacmay hablo ay kamid tahay Asra oo Jimcihii la soo dhaafay ku geeriyootay cisbitaalka.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa beeniyay in laamaha amniga ay sababeen geerida gabdhaas, waxaana nin sheegay inuu adeer u yahay oo ka hadlay telefishin ay dowladdu leedahay uu tilmaamay inay u dhimatay wadno xanuun ay ku dhalatay.  

Dibedbaxyada Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Gabdhaha iskuullada dhigta ayaa noqday xoog ka dhan ah xukuumadda Tehran, kadib markii ay xabsi ku dhimatay Mahsa Amini oo booliska anshaxa ay u xireen inay si khaldan u xiratay xijaabkeeda.

Dibedbaxyada ka dhashay geerida Mahsa oo lagu eedeeyay laamaha amniga ee dalkaas ayaa muddo todobaadyo ah ka socday Iran, waxaana ay gilgileen xukuumadda awoodda badan ee dalkaas.

Ururka xuquuqda aadanaha ee Iran ayaa sheegay in 215 qof oo ay kamid yihiin 27 carruur ah ay ku geeriyoodeen dibedbaxyada ka dhashay geerida Mahsa Amini.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Aayatullah Cali Khamenei ayaa ku andacooday in Maraykanka, Israa’iil iyo kuwa taabacsan ee gudaha dalkaas ay mas’uul ka yihiin dibedbaxyada.

Dowladda Iran ayaa inta badan xakameysa noolasha dumarka, waxaana jira boolis u qaabilsan xaqiijinta inay raacaan nidaamka u degsan.