Dowlad Goboleed afar caasimadood yeelanaya

Dowlad Goboleedka ama Dowlad Deegaanka Koonfur Galbeed ee dalka Itoobiya oo bilooyin ka hor la aasaasay ayaa la soo baxay go’aan ka duwan deegaannadii horay dalkaasi uga jiray.
Deegaannada kale ee 10-ka ah mid weliba wuxuu leeyahay hal caasimad oo arrimaha deegankaasina looga arrimiyo.
Balse Dowlad Deegaanka ama Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed maalintii shalay ahayd baarlamaanka deegaankaasi wuxuu hor geeyey sharci lagu ansixinayo afar caasimad uu deegaankaasi yeelanayo.
Deegaankaasi oo dhawaan ismaamul ahaan loo aqoonsaday oo ka kooban 6 gobol waxaa baarlamaanka loo soo jeediyey 4 caasimad ee oo ah xaruumaha 4 gobol iney noqdaan caasimadaha uu deegaankaasi yeelanayo.
Sharciga baarlamanaka la horgeeyeyna waxaa lagu sheegay magaalada Bonga iney noqoneyso caasimadda siyaasadda iyo halka uu ku yaallo xafiiska madaxweynaha deegankaasi.
Magaalada Terchaa oo ah caasimadda labaad waxay xaruun u noqoneysaa baarlamaanka deegaankaasi.
Magaalada Miizaan oo ah caasimadda seddexaad waxay xaruun u noqoneysaa hay’adaha garsoorka deegaankaasi.
Halka Magaalada Tepi oo ah caasimadda afaraad ay xaruun u noqoneyso Aqalka Guurtida oo ay leeyihiin qabaa’illada deegaankaasi sameystay.
Sida oo kale waxaa sharcigaasi lagu sheegay in afartaasi magaalo si caddaalad ah loogu qaybinayo xafiisyada deegaankaasi uu leeyahay.
Ujeeddadu maxay tahay
Madaxweynaha Dowlad Goboleedkaasi oo faahfaahin ka bixiyey sharcigan afarta caasimad looga sameynayo deegaankaasi wuxuu sheegay:
1- Si uu horumarka u noqdo mid gobollaada oo dhan gaaro
2- In Meesha laga saaro kheyraadka dhan in hal magaalo la isugu geeyo oo ay magaaladaasi keligeed hormarto
3- Iney shacabka deegaankaasi adeegyada dowliga oo ay u baahan yihiin halka ugu dhow ay ka helaan iyaga oo aan magaala gaar ah adeeg u doonan
4- Shacabka deegaankaasi si looga muujiyo iney deeganka wada leeyihiin oo ay cid gaar ah aysan lahayn.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Halka dadka qorshahan dhaliisha u soo jeedinaya ay sheegayaan caasimadaha afarta uu deegaankaasi yeelanayo inay shacabka dhibaata ku noqoneyso adeeg kasta oo ay u baahdaan ay ku qasbanaanayaan iney afarta casimadood u kala safraan sidaana uu kharash iyo wakhti badan kaga baxayo.
“Qaab dhismeedka noocaan ah waxaa adeegsada waddamada horumaray gaar ahaan kuwa reer galbeedka maadaama ay magaalooyinkooda marka horaba ahaayeen kuwo horumarsan oo aan wax badan u bahneyn, balse magaalooyin yaryar adeeg noocaasi iney bixiyaan caqabada badan ayaa lagala kulmi doonaa,” ayuu yiri Dayamo Daale oo muddo badan ka soo shaqeeyey qaab dhismeedka deegaannada.
Su’aasha kale ee ay soo jeedinayaan dhinacyada go'aankan dhaliilo waxay tahay shuruudaha afartaasi magaalo lagu doortay iyo sababta looga tagay 2 gobol caasimadahooda maadaamaa uu ismaamulkaasi uu 6 gobol ka kooban yahay.
Sida oo kale waxaa jira dad badan oo qaab dhismeedkaasi u riyaaqay oo aaminsan kheyraadki hal magaalo la isugu geyn lahaa in afar magaalo loo qaybiyo ay magaalooyinkaasi faa’ido badan u yeelaneyso horumarna uu u horseedayo.
Hase yeeshee, go’aankan cusub uu dowlad deegaanka Koonfur Galbeed uu ku yelanayo afarta caasimadood faa’idada ay yeelan karto iyo caqabadaha ka iman kara intaba waxaa la ogaan doonaa marka uu go’aankaasi si buuxda u dhaqan galo.
Dalka Itoobiya oo ka kooban 11 Dowlad Goboleed iyo 2 ismaamul magaalo, intii uu xilka qabtay Abiy Axmed waxaa qaab dhismeedka deegaannada ku soo biiray deegaanka Sidaama iyo Deegaanka Koonfur galbeed.














