Al-Shabaab iyo jabhadaha kale ee dagaalka ba'an kula jira dowladda Abiy Axmed

Dagaallamayaasha Shabaab
Published

Dowladda Itoobiya ee uu Abiy Axmed hoggaanka u hayo waxaa dagaal kula jira Jabhado gudaha dalkaasi ka dagaallama iyo Al-Shabaab oo dhawaan dagaal ku soo qaaday Koonfurta Bari ee dalka Itoobiya.

Jabhadaha dagaalka kula jira xukumadda Addis Ababa oo isugu jira kuwa horay u jiray iyo kuwo dhawaan la aasaasay waxay ka dagaallamayaan Waqooyiga, Galbeedka, Koonfurta iyo Koonfur bari ee dalkaasi.

Tani iyo markii uu hoggaanka dalka Itoobiya majaraha u qabtay Abiy Axmed 2018-dii waxaa sii badanayey dagaallada Jabhadaha dowladda dhexe ka soo horjeeda, iyaga oo qaarkood ay aasaaseen inta uu Abiy talada dalkaasi qabtay.

Haddaba aan eegno Jabhadaha dagaalka kula jira dowladda Itoobiya:

1. Al-Shabaab

Dagaallamayaasha Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, AFP

Ururka Al-Shabaab ku dhawaad 15 sano wuxuu ka dhaqdhaqaaqaa gudaha dalka Soomaaliya,isagoo oo dagaal hubeysan kula jira dowladda federaalka Soomaaliya, waddamada deriska la ah Soomaaliya iyo Ciidamada Howlgalka ee Midowga Afrika.

Al-Shabaab weerarrada ay ka fuliso gudaha Soomaaliya ka sokoow waxay weerarro qorsheysan ka fuliyeen dalalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya, Itoobiya iyo sidoo kale Ugnada oo aan Somaaliya deris la eheyn balse ay ciidamo ka joogaan.

Haddaba ururka Al-Shabaab labadii toddobaad ee u dambeysay waxay weerarro ku soo qaadeen deegaanno ku teedsan xadka Itoobiya iyo Soomaaliya dhanka Koonfur-Bari ay ka wadaagaan oo ka mid ah Dowlad Deegaanka Soomaalida dalkaasi.

Al-Shabaab waxay marar badan sheegtay iney dagaal ay ku qaadayaan waddan kasta oo ciidan u soo diray gudaha Soomaaliya ama garabsiiyo dowladda Soomaaliya.

Dagaallo toddobadyadii u dambeeyey ku dhex maray aagga Caato iyo Feerfeer labada dhinacba waxay kala sheegteen inuu midba midka kale qasaara lixaad leh u geystay, walow sheegashadaasi ilo madax bannaan oo xaqiijinaya aysan jirin.

Al-Shabaab weerarrada ay ku soo qaadayso Itoobiya ee sii xoogeysanaya waxay culeys hor leh ku keeneysaa dowladda Abiy Axmed oo mar horeba la daala dhacaysay la dagaalanka jabhadaha gudaha dalkaasi ka dagaallamaya.

2. TPLF

Dagaallamayaasha fallagada TPLF
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Fallaagada TPLF ama Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay oo la aasaasay 1974-kii waxay ka mid tahay Jbahadaha dagaalka hubeysan kula jira dowladda Abiy Axmed oo ka arrimiso dalkaasi.

TPLF oo ay leeyihiin qowmiyadda Tigreega wuxuu ka mid ahaa afar urur siyaasadeed oo ku bahoobay xisbigii la oran jiray EPRDF oo ku dhawaad 27 sano dalkaasi soo hoggaaminayey, waxayna Tigreegu iyo dowladda dhexe is khilaafeen markii uu Abiy xilka Ra'isal wasaarannimada qabtay oo taladii dalkaasi ay ka wareegtay TPLF.

Khilaaf in mudda ah soo jiitamayay oo u dhaxeeyey dowladda Tigreega oo uu hoggaamiyo xisbiga TPLF iyo dowladda dhexe ee Addis Ababa wuxuu isu beddelay dagaal hubeysan.

Dagaalkaasi oo qarxay 3-da bisha November 2020-kii ilaa haatanna socda, welina aan wax xal ah laga gaarin waxaa ku dhintay kumanan qof, malaayiinna way ku barakaceen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dagaalka Waqooyiga Itoobiya ku dhawaad 20-ka bilood ka socday wuxuu si weyn u wiiqay dhaqaalaha iyo horumarka dalka Itoobiya.

3. OLF

Dagaallamayaasha OLF

Jabahadda Xoreynta Oromada ee OLF waxay iyaduna ka mid tahay Jabhadaha dagaalka hubeysan kula jira Dowladda Abiy Axmed ee Addis Ababa ka taliso.

OLF oo ay Oromadu leedahay oo la aasasay 1973-kii waxay ka mid tahay Jabhadaha wakhtiga ugu dheer dagaalka kula jiray dowladaha Itoobiya soo maray laga soo billaaba tii boqortooyada, tii Meles iyo tan uu Abiy Axmed haatan hoggaaminayo.

Jabhadda OLF oo 2018-kii heshiis nabadeed la gashay xukumadda Addis Ababa waxaa soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo sababay in garab ka mid ah jabahadda OLF oo ay dowladda Itoobiya ugu yeerto Onag-Shane ay markale hubka qaataan oo ay dagaal hubeysan dib u billaabaan.

OLF wixii ka horreeyey dowladda Abiy Axmed waxay taageera militari iyo tababarraba ay ka heli jirtay dowladda Asmar iyaga oo saldhigyo ku lahaa gudaha dalka Eritrea.

Jabhaddaasi waxay ka dagaallanta Deegaanka Oromada gaar ahaanna Koonfurta iyo Galbeedka deegaankaasi.

Jabhaddaasi oo gudaha deegaanka Oromada waxaa kula dagaallamo ciidamada federaalka oo kaashanaya booliska gaarka ah ee deegaanka Oromoda uu leeyahay.

4. GLF ama GLA

Dagaallamayaasha GLF

Xigashada Sawirka, Social Media

Jabhadda Xoreynta Shacabka Gambeella ee GLF ama GLA waxaa leh qowmiyadda Anuak Gambeella oo daggan deegaanka Gambella oo ku yaalla galbeedka dalka Itoobiya.

Jabhaddan oo la aasaasay 1985-kii waxay la soo dagaallantay dowladdii Mengistu Hayla-Maryam iyo dowladdii ay Tigreegu hoggaaminayeen waxayna dagaalka joojiyeen 1998-kii markii ay dowladda dhexe heshiis la galeen.

Hase yeeshee, dagaalkooda waxay dib u billaabeen markii uu Abiy Axmed talada dalka Itoobiya la wareegay waxay ka dagaallamaan deegaanka Gambeella oo xadka la leh dalka Suudaanta Koonfureed.

Jabhaddan waxay ka mid ahayd Jabadihii dowladda Itoobiya dagaalka kula jiray ee taageerada ka helayey dalalka Eritrea iyo Suudaan.

5. BPLM

Dagaallamayaasha BPLM

Xigashada Sawirka, Social Media

Jabhadda Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Beni-Shaangul ee BPLM waa Jabhad la aasaasay 1996-kii, hase yeeshee muddo markii ay dagaallamayeen 2005-tii waxay heshiis la galeen dowladda Itoobiya inkasta oo heshiisyadaasi ay marar badan fashilmeen.

Markala waxaa Jabhadda la aasaasay 2018-kii marki ay qowmiyadaha Jabahadda isku bahaystay ee Berta iyo Gumuz ay weerarro aan kala joogsi laheen ay kala kulmeen qowmiyadaha Amxaarada iyo Oromada oo dalka Itoobiya ugu badan dhul beereed badanna ay kala wareegeen.

Waxayna Jabahaddan ka dagaallantaa deegaanka Benishangul-Gumuz oo ku yaalla Waqooyiga-Galbeed ee dalka Itoobiya.

Deegaanka Jabhaddan ay ka dagaallameyso oo uu ku yaalla biyo-xireenka weyn ee ay Itoobiya ka dhiseyso Wabiga Niil ayaa ah mid culeyskiisa si weyn looga dareemayo ciidamo aad u badan oo kuwa federaalka ah in deegaankaasi laga howlgeliyana keenay.

Dalka Itoobiya oo ku yaalla bariga Afrika oo ka mid ahaa waddamada xasiloon ee qaaradda Afrika balse dhowrkii sano ee ugu dambeeyey wuxuu noqday dal ay dagaallada iyo colaadda qowmiyadaha iyo diimaha ku saleysan ay si joogta ah uga dhacaan.