Askari isagoo direyska xiran dumarka kufsan jiray oo laga fashilay xeelad uu adeegsanayay

Published

Askari ka tirsan booliska dalka Britain ayaa muddo 20 sano ah tacaddiyo kufsi ah u geysanayay dumarka isagoo ku labisan direyska ciidanka booliska oo walibana hubaysan.

Waxa uu dulmanayaashiisa ku dhihi jiray waxaa tihiin addoomadayda isagoo kufsiga ciqaab kale ugu dari jiray oo ay ka mid tahay jirdil.

Askarigan oo lagu magacaabo David Carrick ayaa dumarkan u sheegi jiray in aanay cidna aaminayn haddii ay arrintooda la wadaagaan maadama hadalkoodu aanu wax micna ah samaynayn marka la barbar dhigo kan booliska taasoo uu ula jeeda in maxakamaddu ay u hiillin doonto isaga.

Ninkan oo la xiray ayaa ilaa hadda lagu helay 49 eedayn oo ku saabsan 12 dulmane inta la ogyahay. Dambiyadaas ayaa dhacay intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2021.

Ka dib markii uu qirtay dambiyadan ayey booliska magaaladu raalligalin ka bixiyeen inay ku guul darraysteen aqoonsiga dambiilaha direyska xiran. Sarkaal sare oo ka tirsan booliska ayaa sheegay in ficillada uu sameeyay Carric ay ahaayeen wax lama filaan ah.

Carrick ayaa joojiyay kufsiga ka dib markii ay ugu dambeyntii haweenay ka mid ah dadka uu dhibaatada u gaystay go’aansatay inay dacweyso.

Sida la sheegay, haweenaydan ayey iska barteen shabakdda shukaansiga internetka ee loo yaqaanno Tinder, hal sano ka hor. Kulankii ugu horreeyayba Carrick waxa uu haweenaydan tusay warqadda loo jaro qofka lasoo xirayo oo uu sheegay in uu haweenay kale ku raadinayo, waxa uu sidoo kale u sheegay in uu dad badan oo caan ah la kulmay oo raysul wasaaruhu ka mid yahay.

Ka dib marka ay cabitaan isla wadaageen wuxuu haweenayda u qaaday qol hotel halkaas oo sida haweenaydan lagasoo xigtay uu ku kufsaday.

Carrick ayaa diiday eedaymaha markii ugu horeysay ee uu maxakamadda kasoo hor muuqday, balse magaciisa ayaa bulshada dhex galay intii uu ahaa eedaysanaha. Sida uu sheegay  askarigan booliska ee magaciisa la yiraahdo Ian Moore oo baaritaanka hoggaaminayey, dad badan oo kale ayaa soo baxay ka dib markii dacwaddii ugu horreysay la maqlay kuwaas oo iyaguna watay dacwado ka dhan ninkan.

Balse haweenayda arrinta bannaanka usoo bixisay ayaa ogaan doonta in ay noqotay qof dhiirrigeliyay dumar badan oo bannaanka keena ceebta ninkan direeska ku gabbanayay. Waxaa soo baxday in ilaa 3 saldhig oo kale laga dacweeyay ninkan.

Barbara Gray oo ah kaaliyaha madaxa amniga ayaa sheegtay in booliska "looga baahanaa inay mar horeba ku baraarugaan qaab dhaqameedkiisa".

"In aanay taasi dhicin ayaa keentay in tacaddiyadan ninkani gaysanayo ay kordhaan," ayey kusii daraty.

Dhibbanaha ugu horeeyay ee la ogyahay ee  Carrick uu falkan tacaddiga ah kula kacay ayaa sheegtay in “2003dii loo xiray eedaymo been ku salaysan oo uu ka gudbiyey askariga, iyadoo ka dib na kufsi iyo hanjabaad qori caaraddii ah loo gaystay".

Tan iyo markaas dumar badan ayuu u geystay xadgudubyo kufsi iyo dhibaatayn kale ah. Wuxuu ku magacaabay in ay yihiin "dumarkiisa jirka ka ganacsada".

Waxa uu u sheegi jiray dumarka qaar waxa ay xidhaan, halka ay seexdaan iyo waxa ay cunaan si uu ugu caddeeyo inuu la socdo noloshooda oo dhan. Mararka qaarkood waxay gabi ahaanba mamnuuci jireen cuntadooda. Qaarkood wuxuu ka mamnuucay inay la hadlaan rag kale.

Mid ka mid ah haweenka ayaa sheegtay in Carrick uu ku garaacay suunka, mid kalena waxay sheegtay in uu inta badan ku xidhi jiray armaajo yar oo jaranjarada hoosteeda ah.

Saddex dumar ah ayaa xiriir la mid ah 'xakamaynta iyo qasabka'' la lahaa Carrick, booliskuna waxay rumaysan yihiin inay jiri karto tiro intaas ka badan.