Atirisho Ciraaqi ah oo wargeys caan ah ku haysata arrin layaab leh

Inas Daalib

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published

Atirisho u dhalatay dalka Ciraaq ayaa sheegtay inay maxkamad la tiigsan doonto wargeyska the Economist, kadib markii uu sawirkeeda u adeegsaday maqaal uu uga hadlayay sababta ay dumarka Carabta ah uga “buuran” yihiin ragga.

Inas Daalib ayaa sheegtay in sawirkeeda si khaldan loo isticmaalay, aan fasax la weydiisay isla markaana lagu xadgudbay xorriyadeeda gaarka ah. Waxa ay ku doodday in sawirka aanu ahayn mid dhab ah oo wax laga bedalay.

Atirishadan caanka ah ee sidoo kale martigelisa barnaamij telefishin ka baxa ayaa waraysi ay bixisay ku sheegtay inay dalka UK ka bilowday dacwad ka dhan ah wargeyska.

The Economist oo ah wargeys todobaadle ah ayaan ka jawaabin eedeynta loo jeediyay.

Maqaalka wargeyska oo cinwaan looga dhigay: Maxay Dalalka Carabta Dumarka uga Buuran Yihiin Ragga, ayaa la daabacay dhammaadkii bishii July, waxaana lagu muujiyay sawir Inas laga qaaday sagaal bilood ka hor xilli ay ku sugnayd bandhig ka dhacay Ciraaq.

Sababaha ayuu maqaalku ku sheegay in faqriga iyo xayiraadda ay bulshadu saartay haweenka ee ka dhigay guryo joogga ay kamid yihiin waxyaabaha cayilka u horseeday dumarka Carabta.

Sabab kale ayuu maqaalku ku tilmaamay in ragga qaarkood u arkaan haweenka buuran  inay ka qurux badan yihiin kuwa kale.

“Ciraaqiyiinta ayaa inta badan Inas Daalib u arka haweeney buuran oo qurxoon,” ayaa lagu sheegay maqaalka.

Atirishada ayaa maqaalka ku tilmaantay mid “aflagaado ku ah dumarka Carabta, gaar ahaan kuwa Ciraaq,” iyadoo su’aal ka keentay sababta uu wargeyska u danaynayo dumarka buuran ee Carabta ah oo aanu u eegin haweenka noocaas ah ee ku nool Yurub iyo Maraykanka.

Iyadoo la hadlaysay telefishinka Al-Carabiya ee uu maalgeliyo Sacuudiga ayaa waxa ay Inas sheegtay in “farriimo cay ah” loo soo diray kadib markii uu soo baxay maqaalka.

Waxa ay sidoo kale u sheegtay jariiradda New Lines inay caafimaad qabto, kuna faraxsan tahay qaabka jirkeeda.

Inas Daalib oo 42 jir ah ayaa kamid ah atirishooyinka ugu caansan Ciraaq, waxaana barteeda Instagram kala socda 9 milyan oo qof.

Maqaalka the Economist ayaa waxaa dhaliilay qaar kamid ah dadka adeegsada baraha bulshada oo ku tilmaamay mid “cunsurinimo iyo ceebeyn kula kacay dumarka Carabta.”