Booliska Pakistan oo gaaray guriga Cimraan Khaan si ay u soo xiraan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliiska dalka Pakistan ayaa gaaray guriga uu magaalada Lahore ka deggan yahay Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalkaas, Cimraan Khaan si ay xabsiga ugu taxaabaan.
Iska horimaadyo ayaa halkaas ka dhacay kadib markii booliska iyo taageerayaasha xisbiga Cimraan Khaan ay si toos ah isugu dhaceen.
Weriyeyaasha BBC-da ee ku sugan goobta uu weerarku ka dhacay ayaa sheegay in dhowr askari oo booliis ah oo uu ku jiro taliye ku xigeenka booliska magaalada Islamabad ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi.
Maxkamadda sare ee ku taalla Islamabad ayaa diiday codsiga meesha looga saarayo waaran lagu soo qabanayo Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Cimraan Khaan.
Weriyaha BBC-da Tarhab Asghar ayaa sheegay in dadka taabacsan Khaan ay dhagaxaan ku weerareen booliiska, sawirro uu baahiyay xisbigiisa ayaa muujinayay booliska oo sunta dadka ka ilimeysiisa ku tuuraya guriga Cimraan Khaan.
Booliiska ayaa sunta indhaha ka ilimeysisa ku riday dadkii ku sugnaa halkaas, tiro dad ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay arrintan, weriyaha waxay intaa ku dartay in gawaarida gumardka deg degga ah ay gaareen goobta ay rabshadaha ka dhaceen.
Xiisad ayaa ka taagan dalkaas,Waxaa socda dadaallo lagu doonayo in lagu soo xiro Cimraan Khaan. Hadda, booliisku waxay galeen goob u dhow gurigiisa, markii hore booliska uma suuragelin inay gaaraan halkaas.
Dhanka kale Imran Khan ayaa qoraal uu soo dhigay bogga uu ku leeyahay baraha bulshada ku sheegay in halganka uu sii socon doono xitaa haddii la xiro.
Waxa uu yirii "Booliska waxa ay u yimaadeen in ay xabsiga i geeyaan "waxa ay u malaynayaan in hadii Cimraan Khaan la xiro in bulshada ay iska seexan doonto, adiga iska sii wad in fikrad khaldan aad ka qaadato bulshada".
Wuxuu shacabka ugu baaqay inay u dagaallamaan xuquuqdooda isla markaana uu sii dagaallami doono.
"Waxaad u dagaallantaan xuquuqdiina, ka soo baxa guryaha, Alle wax walba wuu siiyay Cimraan Khaan, waan idiin halgamayaa, nolosheyda oo dhan waan soo dagaallamayay, waana la sii wadi doonaa, laakiin haddii ay wax igu dhacaan xabsiga ayaan ku dhimanayaa, waa inaad caddeysaa arrintaas, bulshadan wey sii dagaallami doontaa Cimraan Khaan la'aantii, waa in aad muujisaan in aan loo dulqaadan doonin addoonsiga ay wadaan tuugadaas kaligood go'aanka iska qaata" ayuu yiri Cimraan Khaan oo war qoraal ah soo dhigay baraha bulshada.

Maxay ku saleysan tahay arrinta?
Maxkamad ku taalla magaalada Islamabad ayaa soo saartay warqad lagu soo xirayo Cimraan Khaan, gurigiisa waxaa gaaray booliska si ay u soo qabtaan.
Xisbiga Pakistan Tehreek-e-Insaf Party (PTI) ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Cimraan Khaan aan wax dambi ah lagu helin, balse ay jiraan tallaabooyin lagu soo xirayo.
In ka badan 80 kiis ayaa lagu soo oogay Cimraan Khaan, afar kamid ah dacwadahaas waxaa la horgeeyay maxkamad.
Imran Khan wuxuu ku nool yahay deegaanka Zaman Park ee dhaca magaalada Lahore, taageerayaashiisa iyo boolis ayaa ku sugan agagaarka gurigiisa, warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in booliska ay isku gadaameen halkaas.
















