Maxay dad badan u aadaan dibadda si ay takaasi u wadaan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaa jira fursado shaqo oo wanaagsan oo laga helo dibadda, Pakistan waxaa ku badan dadka shaqo doonka ah halka fursadaha shaqo ay yar yihiin.
Dr. Arham Sulaiman wuxuu kamid yahay dhakhaatiirta ka howlgasha Pakistan wuxuu isku dayaya in uu fursad shaqo ka raadsado dalalka dibadda.
Arham wuxuu yiri "xitaa haddii aad Pakistan shaqo ka hesho, mushaarka ma wanaagsana, sababtana waa dhibaatooyinka ka taagan dalka sida sicir-bararka baahay, xaaladuhuna maalinba maalinta ka dambaysa way ka sii darayaan, nabad-gelyo ma jirto, cashuur aad u badan ayaa dadka laga qaadaa, balse adeeg fiican kama heleysid dalka".
Dr. Arham oo kaliya ah ma qabo fikraddan, laakiin kulan kasta oo aad maanta fadhido, waxa hubaal ah in aad maqlayso hadallo ku saabsan dadka aadaya dalka dibaddiisa. Waxaa la arkayaa dhalinyarada oo ka sheekeynaya fursadaha shaqo ay ka heli karaan dibadda halka dadka da' dhexaadka ah ay u muuqdaan inay ka qoomameynayaan maxaad u aadi weysay dibadda markii aad dhalinyaro aheyd?.
Dhinaca kale, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay waaxda British Council sanadkan, 68 boqolkiiba dhalinyarada Pakistan ma doonayaan inay ka baxaan dalkooda , laakiin dhinaca kale, kaliya dhamaadka bishii February ee sanadkan, in ka badan laba boqol oo kun oo qof oo dhashay Pakistani ayaa ka baxay dalka oo u jiheystay dhinaca dibadda.
Haddii aad si degdeg ah u eegto baraha bulshada, waxaad ogaan doontaa in meel kasta laga hadal hayo qalalaasaha siyaasadeed iyo hoos u dhac dhaqaale ee Pakistan.
Shaki kuma jiro in Pakistan ay hadda wajaheyso caqabado siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba, laakiin miyay kuwan yihiin sababaha dhabta ah ee ka dambeeya in dhalinyaro badan ay dibadda aadaan? maxay arrintani uga dhigan tahay mustaqbalka Pakistan?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cabsida soo wajahday haweenka
Haddaynu eegno tirada dadka u dhashay Pakistan ee u qaxaya dibadda, sida ku cad xogta xafiiska arrimaha socdaalka iyo shaqaalaynta dibadda, sanadkii 2021, tirada dadka aaday dibadda waxay ahayd qiyaastii 288 kun, taas oo kor u kacday in ka badan saddex jeer 800,000 sannadkii 2022-dii.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Hadda, labadii bilood ee ugu horreysay ee sanadkan in ka badan laba boqol oo kun oo qof Pakistani ah ayaa u haajiray dibadda.
Caafimaadka, waxbarashada iyo shaqaalaysiinta ayaa ah baahiyaha aasaasiga ah ee lagu go'aamiyo horumarka ama hoos u dhaca ku yimaada waddan, iyadoo dadka dabaqadaha dhexe iyo kuwa saboolka ah ee Pakistan aysan adeegyo ku filan oo ay noloshooda ku maareeyaan.
Culayska daynta ee dalka ayaa kor u kacday ilaa heer laga yaabo in dalka ay geliso halis dhaqaale oo daran, dhalinyaro badan waxay rumeysan yihiin is mustaqbalkooda uu halis ku jiro.
Nabiha Shahram, oo ku takhasusay cilmiga arrimaha bulshada, fadhigooduna yahay magaalada Lahore ayaa sheegtay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay dhacdooyin qaar oo dalka ka dhacay sida musiibadii Jidka, kiiskii Noor Moghadam iyo dhacdadii Islamabad F-nine Park ay casbi xooggan ku abuurtay dumarka.
"In dumarka aysan ka faa'ideysan karin fursadaha shaqo ee yaalla dibadda maadama ay joogaan gudaha Pakistan" ayay tiri Nabiha Shahram.
Nabiha Shahram ayaa sheegtay in 'tayada waxbarashada kulliyadaha iyo jaamacadaha dowladda ay hoos u dhacday dhowrkii sano ee la soo dhaafay. Waxaa jira dareen xooggan oo ay qabaan da' yarta oo ah in haddii aan halkan sii joogno, aan marnaba waxbo laga qaban karin dhibaatooyinka ka dhex taagan bulshada.
Caqabadaha ay wajahayaan dhalinyarada
Dhawrkii sano ee la soo dhaafay waxa kale oo jiray dhalinyaro isku dayay in ay bilaabaan ganacsi iyaga u gaar ah kuwaasoo ku nool dalka Pakistan , laakiin waxa ay sidoo kale la kulmeen caqabado kala duwan.
Waxaa dhalinyaradaas kamid ah Asad, kaas oo xarun qaabilsaneyd barnaamijyada Software ah ku lahaa magaalada Rawalpindi afartii sano ee la soo dhaafay. xaruntan waxaa laga sameyanayay baarnaamijiyo isugu jiro apps casri ah kadibna dhaqaale ayaa kasoo galayay , sidoo kale suuqgeyn ayuu ku sameyn jiray ganacsigiisa.
Si kastaba ha ahaatee, lixdii bilood ee la soo dhaafay, waxay la kulmeen caqabado kala duwan, oo ay ka mid yihiin bangiyada oo xaddiday lacagaha lagal soo baxo oo ka dhigay $ 30,000 sannadkiiba, kadib dhibaatooyinka ka dhashay qiimaha lagu kala sarifto dollarka.

Dhalinyarada aada dibadda ee kaxeeya takaasida
Dr. Anbar Dar oo ka tirsan jaamacadda Manchester ayaa BBC-da u faahfaahiyay arrintani. Waxa uu sheegay in 10-kii ilaa 15-kii sano ee la soo dhaafay ay soo badanayeen dhalinayarada ka imaaneysa dalka Pakistan ee tageysa dibeda, qof kastaa wuu ka fekeraa in uu dibadda yimaado si uu u helo fursad shaqo.
Wuxuu yiri, "Waxaan arkay dhallinyaro badan oo Pakistani ah oo dalaka dibadda tagay oo takaasi kaxeysa ama ka shaqeeya maqaayadaha qaar, laakiin waxay u maleynayaan in mustaqbalkoodu uu halkan ku wanaagsan yahay marka loo barbardhigo nolosha ka jirta Pakistan".
"Dadka waxay rabaan inay nabad ku noolaadaan, waxayna dareemayaan inaysan amni ka heli karin Pakistan sababtoo waxay la' yihiin waxyaabaha aasaasiga ah"
"Haddii fikradda ka guuxeysa maskaxda dhalinyarada ay tahay inay aadaan dibadda , markaas waxay diiradda saari doonaan fursadaha ay dalka uga soo dhaqaaqi lahaayeen baddalkii ay sii joogi lahaayeen Pakistan oo ay ka shaqeyn lahaayeen horumarkiisa.". ayuu yiri Dr. Anbar Dar.















