Tagaasida duula: Waxaa suuragal ah in tagsi duulaya aad raacdo seddax sano gudahooda

Xigashada Sawirka, Ethan Pines/The Forbers Collection
Dad badan waxaa maskaxdooda ku soo dhici kara in ay is waydiiyaan halka ay ka timid fikradda tagsiga duula, kaas mar laga arki jiray muuqaallo taxane ahaa oo la oran jiray The Jetsons.
Muuqaalladan waxaa la baahin jiray 1960-meeyadii, waxay ka shekeyn jireen qoys ku noolaa magaalo, waxayna ahayd in mustaqbalka shaqada lagu aado tagaasida duusha.
Labaatan sano ka dib qarniga 21-aad, fikraddii seyniska aheyd ayaa rumowday, taas oo daah uu ka rogay filimkii The Jetsons.
Waxaana lagu wadaa in la soo saaro 430,000 oo tagaasida duusha ah, marka la gaaro 2040, kuwaas oo si rasmi ah u howlgeli doono, sida ay sheegayaan wararka.
Waxaa sidoo lagu wadaa in ay soo ifbaxaan diyaaradaha Drones-ka ee duuliyaha uusan saarnayn, oo dadka guryahooda ugu geyn doono wixii ay doonaan.
Waxaa la filayaa in arrintaas ay billaabato marka la gaaro sannadka 2028.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maadama ay suuqa qabsan doonaa mustaqbalka, tagaasida duusha iyo Drones-ka waa in loo sameeyo garoomo yar yar oo ku degi karaan, si magaalooyinka ay uga yaraadaan saxmadda iyo ciriiriga ka dhasha aaladahaas.
Garoomadan waxaa loo bixin doonaa 'Skyports' si dadka dalbada ay uga qaadaan goobahaas.
Shirkadda Joby Aviation ee fadhigeedu yahay gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa garwadeen ka ah dadaallo lagu sameeynayo tagaasida duusha, haatan waxay sameysay ilaa 1,000 tijaabo ah oo ku saabsan tagaasida duusha ee loo yaqaano eVTOL.
Waxay shirkaddan ku rajo wentahay in waaxda duulaamdka Mareykanka ay ka heli doonto ogolaansho iyo ansixin ku saabsan howlgelinta tagaasida duushada si howshan u bilowdo sannadka 2024.
Tagsiga duulaya ee ay tijaabisay shirkaddan waxay qaadi karaan afar qof oo rakaab ah, wuxuu jari karaa masaafo dhan 322km saacadiiba.

Xigashada Sawirka, Bradley Wentzel
"Waxaan saadaalineynaa in adeegeena dhanka hawada ee tagaasida ay isaga kala gooshi doono goobaha dadka ay ku badan yihiin sida magaalooyinka iyo xarumaha shaqo," ayuu yiri Oliver Walker-Jone, oo ah afhayeen u hadlay shirkadda Joby.
"Waxaan la shaqeyneynaa maamulada magaalooyinka si adeegyadeena uu ugu xirnaado gaadidyada kale, si garoomadeena looga ag dhiso tareenada, garoomada diyaaradaha iyo goobaha kale".

Xigashada Sawirka, Urban Air Port
Shirkadda Joby waxay horraan iskaashi u la sameysay shirkadda teknooloojiyadda Reef ee qaabilsan adeegyada goobaha la dhigto baabuurta kuwaas oo siiyay garoon yar oo tagaasidan duusha la dhigo karo.
Sidoo kale waxay heshiis la galeen shirkado kale si loogu ogolaado in halkaas ay ka sameystaan goobo laga raaco tagaasidan.
Magaalooyinka Houston, Los Angeles iyo Orlando ayaa horey u shaaciyay qorsheyaal ay ku sameynayaan xarumo laga raaco ama ay ku degaan tagaasida duula iyo adeegyada kaleba.
Duqa magaalada Los Angeles ee Mareykanka, Eric Garcetti, wuxuu sheegay in qorshaha uu shaaciyay maamulkiisa uu yahay mid ka qeyb qaadan doono sidii maamulada kale ay uga shaqeyn lahaayeen in lagu guuleysto teknolojiyaddan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dowladda UK waxay taageertay qorsheyaal markii ugu horreysay dalkaas looga dhisayo garoomo ay ku degi karaan tagaasida duulaya. Haddii taas la hirgeliyo, wuxuu noqon doonaa xaruntii ugu horreysay ee tagaasida duusha iyo diyaaradaha Drones-ka ee badeecadaha qaada.
Waxaana naqshadda qorshahaas sameysay shirkadda Hyundai ee fadhigeedu yahay UK.
Waxaana loogu magac daray "garoomada diyaaradaha ee ugu yar adduunka" si looga hortaggo wasakheynta hawada ee qeybta ka ah qiiqa ka soo baxa baabuurta xamuulka iyo tagaasida.
Khuburrada waxay ka digayaan dhowr caqabadood oo soo wajahi kara mustaqbalka tagaasida duusha, gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhalan kara garoomada ay ka duuli karaan.
"Iyadoo adeegan uu ina xusuusinayo filimkii The Jetsons, inta aanan la gaarin ka miro dhalinta qorshahan, waa in la eegaa dhowr caqabadood oo ku hor gudboon arrintani," waxaa sidaas tiri Jennifer Richter, oo ah qareen ka howlgasha Mareykanka oo ku takhasustay sharciyada la xiriira Drones-ka iyo takaasida duusha.
"Waxaan ka mid ah caqabadahaas, in marka hore ay dadweynaha aqbalaan adeegan; in si xowli ah loo soo saaro; in la xoojiyo awoodda iyo maaliyadda kaabayaasha la xiriira adeegan iyo in la hormariyo maamulka hawada ee adeegan," ayay tiri Jennifer Richter.













