10 dagaalyahan oo Mareykan iyo Faransiis ah iyo 100 Ruush ah oo isaga hor yimid dagaalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Task Force Baguette
Subaxdii ay taariikhdu ahayd 21-ka June, warbaahinta dowladda Ruushka ayaa tabisay in labo muwaaddin oo u dhashay Mareykanka, oo kala ah Alexander Dryuke iyo Andy Huynh lagu hayo magaalada Donetsk.
Waxay arrintan ka dhigan tahay in labadaas nin oo ka mid ahaa dagaalyahannada iskood ugu biiray colaadda Ukraine ay wajahayaan ciqaab dil toogasho ah, oo ah xukunka ay dowladda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Donetsk People's Republic (DRP) ay ugu talagashay calooshood-u-shaqaystayaasha.
Labada ninba waxaa la sheegay inay kasoo jeedaan gobolka Alabama.
Alexander Dryuka waa 39 jir, halka Andy Hyun uu yahay 27 jir.
Labadooduba waxay khibrad u leeyihiin dhinaca militeriga. Druke waxa uu kasoo dagaallamay Ciraaq markii uu howlgalka militeri ka socday intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2009.
Hyun ayaa isagana ka mid ahaan jiray ciidamada militeriga Mareykanka ee loo yaqaanno Mariiniska. Laakiin, waxba lagama yaqaanno dagaallada uu kasoo qaybgalay ka hor inta uusan u safrin Ukraine.
Druke hooyadiis ayaa wargeyska Britain kasoo baxa ee Telegraph u sheegtay in wiilkeeda uu dhibaato kala soo kulmay walwalka marxaladihii uu shaqada kasoo maray.

Xigashada Sawirka, AFP
Hadda waxa uu leeyahay xaas iyo carruur. Hyun waxa uu ciidanka ka baxay sanadkii 2018-kii, waxa uuna u muuqdaa in ay noloshiisa wanaagsan tahay shaqadiisa militerinimo kaddib.
Haweeneyda uu guursan rabo ayuu uga soo tagay Mareykanka, waxa uuna lacag dhan $6,000 oo jeebkiisa ah ku bixiyay safarka uu Ukraine ku aaday bishii April ee sanadkan 2022-ka.
Toban Dagaalyahan oo ka hor tagay 100 askari
Lama oga xilliga dhabta ah ee ay Dryuke iyo Hyun billaabeen howlahooda qaybta ka ah dagaalka ka socda Ukraine.
Waxa kaliya ee la ogyahay waa in ay ku biireen koox calooshood u shaqaystayaal ah oo ka kooban dagaalyahanno u badan Mareykan iyo Faransiis.
Kooxdaas dagaalyahannada ah ayaa caalamka looga yaqaannaa magaca "Baguette".

Xigashada Sawirka, CBS/REUTERS
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xogta intaas sii dheer ayaa laga heli karaa bogga ay kooxdan ku leedahay Twitter-ka iyo hadallo ay sheegeen saaxiibbada Dryuke iyo Hyun oo magacyadooda qariyay xilli ay la hadlayeen Telegraph iyo qaar ka tirsan warbaahinta kale ee Mareykanka.
Wali waxaan suurtagal ahayn in la helo xog ku saabsan dagaalyahanno badan oo ka tirsanaa kooxda Baguette oo iyagoo ka dagaallamayay gobolka Kharkiv la kulmay xaalad adag oo ay sababtay helitaan la'aanta xogta sirdoonka.
Waxaa loo diray meel ay filayeen in ay deggen tahay wax ciidamo ahna aysan ku sugnayn (inkastoo aan meeshaas la magacaabin).
Hase yeeshee, markii ay halkaas gaareen waxay la kulmeen ciidamo Ruush ah oo weerar kusoo qaaday goobtaas.
Qiyaastii 10 dagaalyahan oo kooxda Mareykanka iyo Faransiiska u badan ah ayaa dagaalkaas ku wajahay 100 askari oo ka tirsan militeriga Ruushka.
Ciidanka Ruushka ayaa la soo tabiyay in markaas ay wateen labo taangi.
Mid ka mid ah labadii taangi ayaa ku qarxay miino dhulka lagu aasay.
Mid ka mid ah saaxiibbada labada nin ee Mareykanka ah ayaa sheegay in jahawareerkii halkaas ka dhacay ay ku waayeen Andy Huyn iyo Alexander Dryuke.
Markii dambe ayay isku dayeen in ay raadiyaan iyagoo caawimaad ka helaya ciidamo gurmad ah iyo diyaaradaha uusan duuliyaha wadin. Laakiin ma aysan ku guulaysan in ay helaan dagaalyahannada iyo alaabtoodii toona.
Shan iyo tobankii bishan June, sheekadan ayaa kasoo muuqatay wargeyska Telegraph iyo bogga Twitter-ka ee kooxda Baguette, iyagoo sheegay in ilaa hadda la la' yahay labada muwaadin ee Mareykanka ah.
Wax yar kaddibna xogtan waxaa xaqiijiyay mas'uuliyiinta Mareykanka.
















