Nolosha layaabka leh ee haweeney taajirtay iyadoo ku dayaneysay madaxdeeda: Sirta hantida qarsoon ee Sylvia Bloom

Published
Waqtiga akhriska: 6 daqiiqo

Bishii Sebtembar, 11-keedii sanadkii 2001, haweeney ayaa u socotay shaqadeeda meel u dhow Xarunta Ganacsiga Adduunka ee magaalada New York. Iyadoo ay xaaladdu qas iyo jahawareer noqotay weerarradii ka dib, waxaa loo sheegay inay gurigeeda aaddo. Sidaas darteed, waxay raacday bas. Haweeneydaasi waxay ahayd Sylvia Bloom, oo xilligaas 84 jir ahayd.

Dadka yaqaannay, dhacdadani waxay si fiican uga tarjumaysay dabeecaddeeda. Bloom waxay ahayd haweeney ku noolayd nolol fudud oo aan ismuujin lahayn, inkastoo ay si aamusnaan ah u urursatay hanti badan.

Waqtigaas, waxay malaayiin doollar ku urursatay hab fudud balse aan caadi ahayn: waxay ku dayan jirtay maalgashiyada qareennadii ay la shaqaynaysay, iyadoo muddo 67 sano ah ka shaqaynaysay xafiiskooda oo ahayd karraani.

Sheekadeeda lama ogaan ilaa 2018, oo ahayd laba sano ka dib geerideeda. Markaas ayaa la shaaciyay in qayb ka mid ah hantideeda loogu deeqi doono Henry Street Settlement, oo ku taalla dhinaca Lower East Side ee New York, si loogu bixiyo deeqo waxbarasho oo loogu talagalay dhallinyarada danyarta ah.

Deeqdu waxay ahayd 24.6 milyan oo doollar, taasoo noqotay deeqdii ugu weyneyd ee uu hal qof siiyo ururkaas muddo ka badan 125 sano oo uu jiray. Lacag kale oo dhan 2 milyan oo doollar ayaa loo qoondeeyay hay'ado samafal oo kal

Laakiin tuma ayey ahayd haweeneydan reer New York, maxaase ku kallifay inay si aamusnaan ah u urursato hanti aad u badan si ay dadka kale u caawiso?

"Caqli badan oo xariif ah"

Sylvia Bloom waxay ku dhalatay Brooklyn sannadkii 1919.

Waxay ahayd gabadh ay dhaleen waalidiin soo-galooti ah oo ka yimid Bariga Yurub, waxayna ku kortay xilli aad u adag. Intii hore ee noloseeda, Hoos-u-dhacii dhaqaale ee weynaa, wuxuu qoysas badan oo Maraykan ah geliyay xaalado dhaqaale oo aad u liita, qoyskeeduna wuxu u k amid ahaa kuwaas.

Sida laga soo xigtay New York Times, waxay xilligaas dhiganaysay dugsiyo dowladeed oo kala duwan, waxayna waxbarashadeeda ku sii wadatay fasallo habeenkii ah si ay maalintii u shaqayn karto.

Sannadkii 1947, waxaa loo shaqaaleysiiyay inay ka mid noqoto shaqaalihii ugu horreeyay ee shirkaddii qareennada ee Wall Street ee markaas curdinka ahayd, Clary Gottlieb Stein & Hamilton. Maanta, shirkaddu waxay leedahay in ka badan 1,300 qareen oo ka hawlgala in ka badan 16 xafiis oo ku kala yaalla daafaha dunida.

Halkaas ayay ka hindistay qorshe ay mushaharkeeda yar ee xoghaynenimada aha augu beddeli lahayd maalgashi faa'iido badan keena.

"Waxay ahayd haweeney reer New York ah oo caqli badan, faham badan, isla markaana xeelad badan," ayay eedadeed Jane Lockshin u sheegtay BBC-da sannadkii 2018.

Waxay intaas ku dartay: "Dabayaaqadii 1940-meeyadii iyo 1950-meeyadii, markii Sylvia ay shaqadeeda bilowday, xoghayayaashu waxay qaban jireen wax kasta oo ay madaxoodu qaban jireen, laga bilaabo maareynta xisaabaadka iyo bixinta biilasha ilaa iibsashada saamiyada."

"Markii madaxu uu xoghayntiisa ku odhan jiray, 'Wac dilaalkayga oo iibso 1,000 saami oo shirkadda American Telecom ah,' Sylvia iyaduna waxay wici jirtay dilaalkeeda oo waxay iibsan jirtay 100 saami oo isla shirkaddaas ah."

Xoghayntan sharciga ah, oo mar walba ka shallayn jirtay in aysan fursad u helin inay barato sharciga, waxay guursatay Raymond Margulies, oo ahaa dab-demiye ka tirsanaa adeegga degmada, kaas oo markii uu hawlgabay noqday macallin.

Qoyska Bloom waxay sheegeen in xitaa ninkeeda iyo xubnaha kale ee qoyskeedu aysan waxba ka ogeyn hantidii ay sannadihii dheeraa si qarsoodi ah u urursatay.

Carruur ma aysan lahayn, waxayna iyada iyo ninkeedu ku noolaayeen guri kiro ah oo fudud oo ku yaalla Brooklyn, ilaa uu ninkeedu geeriyooday sannadkii 2002.

Markii ay hawlgab noqotay iyadoo 96 jir ah, Bloom waxay maalmihii ugu dambeeyay nolosheeda ku qaadatay xarun lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah, wax yar ka hor geerideeda.

Xuskii loo sameeyay sannadkii 2016, mid ka mid ah saaxiibbadeedii shaqada ayaa yiri:

"Waxay ahaan lahayd qareen heer sare ah; waxay ahayd haweeney caqli badan, falanqayn wanaagsan leh, dulqaad badan, xikmad leh, oo daacad ah."

Dadka yaqaanay waxay si kalgacal leh u xusuustaan "kaftankeedii degganaa, qosolkeedii ee ay dadka kale ku dhiirrigelin jirtay, iyo dhoolla-caddaynteedii."

Qaar kale waxay ku ammaaneen dabeecaddeeda iyo qiyamkeeda, iyagoo ku tilmaamay: "xirfadle, daacad ah, is-hoosaysiin badan, run-sheeg ah, deeqsi ah, hawsha u heellan, oo leh dadaal aan daal lahayn."

Waxay ahayd haweeney si toos ah u hadasha oo aan is-muujin, fikirkeeda iyo aragtideedana si buuxda ugu madax-bannaanayd. Waxay lahayd maskax fiiqan, hadalkeeduna wuxuu ahaa mid kooban, taxaddar leh oo miisaanan.

La yaab

Ka dib markii Bloom ay geeriyootay sannadkii 2016, wiil ay eedo u ahayd ayaa loo magacaabay fuliyaha dardaarankeeda. Halkaas ayuu ka ogaaday in eeddadiis ay dhab ahaantii ahayd milyaneer.

"Sylvia waxay iga codsatay inaan noqdo fuliyaha dardaarankeeda," ayuu BBC-da u sheegay. "Waxaan ogaa inay rabtay in inta badan hantideeda lagu bixiyo samafal, gaar ahaan in loo sameeyo deeqo waxbarasho carruurta iyo dhallinyarada baahan. Kalsoonida ay igu qabtay aad bay ii taabatay, laakiin markii ay dhimatay wax fikrad ah kama aanan haysan inta ay le'eg tahay hantideedu."

Wuxuu sii raaciyay: "Waxaan hubiyay xisaabaadkeeda; hal shirkad maalgashi waxay ku lahayd $3 milyan, mid kalena $1 milyan. Markii aan isku daray dhammaan hantideeda, waxay ka badnayd $9 milyan. Waan rumaysan kari waayay."

Wuxuu intaas ku daray: "Sylvia waxay ahayd haweeney aad u qarsoodi badan, mar walbana arrimaheeda gaarka ah iyo kuwa dhaqaale iyadaa iska haysan jirtay."

"Iyadu iyo adeerkay waxay ku noolaayeen guri hal qol ah oo ku yaalla Brooklyn," ayay tiri Ms. Lockshin. "Way safri jireen; adeerkayna khamaarka ayuu jeclaa, sidaas darteed marar badan ayay Las Vegas aadi jireen. Sylvia sidoo kale aad ayay u jeclayd Elvis, waxayna mar ku aragtay Las Vegas. Waxay sidoo kale u safreen Yurub, waxayna tageen bandhigyada opera. Nolol raaxo leh ayay ku noolaayeen, laakiin weligood ma ahayn dad xad-dhaaf u kharash gareeya."

Inkasta oo qadarka hantideedu uu ka yaabiyay Lockshin iyo dhammaan qoyskaba, cidna lama yaabin dadka ay hantideeda uga tagtay.

Iyadoo dhalatay xilligii Hoos-u-dhacii Dhaqaale ee Weyn (Great Depression) kuna kortay dugsiyada dowladda, waxay si dabiici ah u doonaysay inay hantideeda u isticmaasho sidii ay dhallinyarada danyarta ah uga caawin lahayd inay sii wataan waxbarashadooda.

"Waxaa la ii oggolaaday inaan deeqdan siiyo hay'ad bixisa fursado waxbarasho oo loogu talagalay dhallinyarada ka soo jeeda qoysaska dakhligoodu hooseeyo," ayay tiri Ms. Lockshin.

"Eeddaday Sylvia, oo iyadu shahaadadeeda ku qaadatay fasallo habeenkii ah, mar walba waxay qiimeyn jirtay waxbarashada, waxayna doonaysay in hantideedu gaarto dadka haysta fursado waxbarasho oo kooban," ayay intaas ku dartay.

Deeqo waxbarasho

Lockshin, oo ahaa khasnajiga Hay'adda Henry Street Settlement Foundation, ayaa xubnaha hay'adda la wadaagtay warka wanaagsan ee ku saabsan deeqda malaayiinta doollar ah ee eeddadeed ugu deeqday hay'adda.

"Dhammaanteen waan yaabnay, runtii aad ayaana noo cajab gelisay," ayuu David Garza, oo xilligaas ahaa agaasimaha fulinta ee hay'adda, u sheegay wargeys Maraykan ah.

Isla maqaalkaas, Paul Hyams oo ka tirsanaa waaxda shaqaalaha ee shirkaddii qareennada ee Bloom ka shaqayn jirtay, ayaa sidoo kale ka hadlay sida uu ula yaabay markii uu ogaaday hantidii ay xoghayaddu sannadihii shaqadeeda urursatay.

"Sylvia waligeed kama hadli jirin lacag, mana aysan noolayn nolol raaxo iyo ismuujin leh; ma ahayn qof is-faanisa ama doonaya in dadka oo dhan dareenkooda soo jiidato," ayuu yiri.

Sida ay sheegtay hay'addu, deeqdii Bloom waxay horseedday in la aasaaso Sanduuqa Deeqda Waxbarasho ee Bloom-Margolis (Bloom-Margolis Scholarship Fund), kaas oo taageera barnaamij loogu talagalay ardayda laga bilaabo fasalka 9-aad ilaa ay ka qalin-jabiyaan kulliyadda.

Barnaamijku wuxuu bixiyaa la-talin kulliyadeed oo bilaash ah, diyaarinta imtixaanka SAT, casharro taageero ah, booqashooyin lagu tago xarumaha kulliyadaha, iyo taageero joogto ah ilaa ardaydu ka qalin-jabiyaan.

Hay'addu waxay boggeeda internetka ku shaacisay:

"Sababtoo ah baaxadda deeqdan, waxaa la sameeyay sanduuq hanti-dhowr ah (endowment fund), si faa'iidada ka soo baxda ay si joogto ah oo aan dhammaanayn ugu daboolo kharashaadka deeqaha waxbarasho."

Wareysi ay sannadkii 2018 siisay CBC-da Canada, waxaa abtigeed/eedadeed Bloom la weydiiyay sida ay u malaynayso inay uga falcelin lahayd haddii ay noolaan lahayd oo ay arki lahayd dareenka ballaaran ee loo jeediyay deeqdeeda.

"Malaha way ka xishoon lahayd," ayay tiri.

"Xaqiiqdii ma jeclayn arrimahaas, laakiin waxaan u malaynayaa inay aqbashay in dareenka loo jeedinayo sanduuqa deeqdeeda waxbarasho iyo hay'adihii ay taageertay uu ugu dambayn iyaga faa'iido u yeelan doono."