Xanuun iyo foolxumo: Khataraha sii kordhaya ee weyneynta dibnaha

Published

Buuxinta faruuryaha ayaa noqoneysa mid ay dad badan ku hammiyaan balse waxay leedahay dhibaatooyin, sida ay khubarradu ka digayaan, iyadoo bukanno badan ay dareemeen xanuun iyo muuqaalkooda oo foolxumaada.

Gabadhan Harriet Green ayaa ka baxday goob haweenka lagu qurxiyo kaddib markii lagu sameeyay qalliin faruuryaheeda loogu weyneynayay, waxaa loo sheegay in bararka saaran uu ka degi doono.

Balse saddex bilood kaddib, faruuryaheeda weli way bararsanaayeen mana aysan xiri karin dibnaheeda.

Gabadhan oo 22 jir ah kana soo jeedda deegaanka Acle ee Norfolk dalka Ingiriiska ayaa martan saddex qalliin oo hagaajin ah – oo ku kacaya in ka badan £700 – si ay dibnaheedu caadi ugu soo laabtaan.

"Dibnahaygu waxay ahaayeen kuwo xanuunaya. Iskuma keeni Karin sababtoo ah aad ayay u bararsanaayeen," ayay tiri.

Kaddib markii ay gabadhan xayeyesiinta buuxinta daamaha, kuwa looga hortago gabowga iyo weyneynta faruuryaha ka aragtay baraha Instagram iyo TikTok, waxay go’aansatay inay buuxiso faruuryaheeda, iyadoo rajo ka qabtay inay meesha ka saarto qanacsanaan la’aan yar oo ay ku qabtay.

Waxay haatan sheegeysaa, inay ogaatay in sawirrada baraha bulshada lagu arko aysan mar walba ahayn kuwo la aamini karo.

Soomaalida iyo weyneynta faruuryaha

Baraha bulshada waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku baahay haween badan oo Soomaali ah oo weyneystay dibnaha ama faruuryaha, si ay dabcan qurux uga raadiyaan.

Dad badan ayaa u arka in dibnaha loo weynaystaa ay qayb ka tahay quruxda qofka, halka kuwo kale ay u arkaan foolxumo la soo korodhsaday.

Qalliimada macmalka ah ee qofku ku beddelayo xubnihisii, isaga oo baadigoobaya qurux ayaa ku cusub Soomaalida dhexdeeda.

Weynaysashada dibnaha ayaa muddooyinkii danbe aad uga baahday dunida oo dhan, iyada warbixinaha la sameeyey tilmaamayaan in dhallin yar badani ay hawshaa ay u hawlgaleen.

Dadka caanka ee baraha bulshada isticmaala ayaa ah kuwa ugu badan ee saameeyey dhallinyartaas, ee ay ku dayanayaan.

Mid ka mid ah gabdhaha isticmaalay, Filsan ayaa warbaahinta maxalliga ah u shegetay, "Waligey waxaan jeclaa inaan weyneysto furuuryaheyga. Maanta waan ku faraxsanahay in faruuryaha la ii weyneeyay. Waxaan dareemayaa Qurux aan horay u lahayn. Markii hore faruuryo yaryar ayan qabay hada kuwa qurux badan ayaan helay" Filsan oo ku nool Muqdisho ayaa hore qaliin looga sameeyay faruuryaheeda. Waana loo weyneeyay sida sawirka ka muuqata. "Qurux ayaan ahay" ayey tiri

Dhibaatooyinka laga dhaxlo

Meelo kala duwan oo dunida ha sida UK ayaa laga istcimaalaa, balse waxaa jira baaqyo soo baxaya gudah UK oo ha in sharci laga soo saara weyneynya faruuryaha iyo qaabka loo sameynaya. Dad qaar aya ka cabanaya khatarta ka soo gaadhay.

'Khatar indho la’aan abid ah'

Dr Tamara Griffiths oo ka tirsan Ururka Dhaqaatiirta Maqaarka ee Britain ayaa aaminsan in waxyaabaha lagu buuxiyo maqaarka ay sababaan dhibaato sababtoo ah "qof walba ayaa duri kara" waxayna leeyihiin khatar sare.

"Indho la’aan abid ah waa mid ka mid ah khataraha. Waa dhif balse waxaa jira kiisas lagu arkay UK," ayay tiri.

Qiimahee ayay ku kacdaa in dibnaha la weynaystaa?

Iyada oo ku xidhan magaaladaada, xaddiga weynaysashsda, iyo duritaanka, ayaa haddana buuxinta dibnaha ayaa ku kici kara meel kasta $ 500 ilaa $ 1,000. Haddii aad ku nooshahay magaalo weyn sida New York ama Los Angeles, waxaad filan kartaa inaad bixiso ilaa $ 2,000. In kasta oo ay tani u ekaan karto qaali.

Muddo intee la eg ayay shaqeyn kartaa

Muddada ay sii jiri kartaa wuu kala duwanaan karaa isaga oo ku saleysan da'daada iyo xaddiga buuxinta, laakiin guud ahaan, buuxiyeyaasha dibnaha ayaa soconaya lix bilood illaa saddex sano ka hor intaadan u baahnayn in mar kale dib loo farsameeyo.