Gabdho la sumeeyay si aanay dugsiga u aadin

Waalidiin mudaharaadaya

Xigashada Sawirka, IRNA

Qoraalka sawirka, Waalidiinta ayaa dalbanaya waxbarasho Online-ka ah maadaama ay kala baqayaan in gabdhahooda ay u diraan dugsiyada
Published

Daraasad ay BBC-du samaysay ayaa daaha ka qaadday in ugu yaraan 650 gabdhood lagu sumeeyay Iran. Sarkaal sare oo Irani ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in gabdhahan si gaar ah loo beegsaday.

Wax ku dhintay sumeynta ma jiro, balse tobanaan ka mid ah gabdhahaas ayaa isbitaal la dhigay iyaga oo sheeganaya cabashooyin ay ka mid yihiin dhibaatooyin xagga neefsashada ah, dawakhaad iyo daal.

Wasiir ku xigeenka caafimaadka Iran Yunus Panahi, oo shir jaraa’id qabtay 26-kii Febraayo, ayaa yiri, "Waxay u muuqataa in dadka qaar ay rabaan in la xiro dhammaan dugsiyada, gaar ahaan dugsiyada gabdhaha."

Gabdho la sumeeyay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ayaa sheegya in ay usoo urayeen waxyaabo sida lint iyo kalluun qudhmay oo kale ah.

"waxyaabaha loo adeegsaday sumeynta waxay ka kooban yihiin kuwo dukaamada laga heli karo," ayuu yiri Dr. Panahi wuxuu intaas ku daray in suntani aysan ahayn halis saas u weyn loona baahneyn inay keento argagax.

Panahi ayaa markii dambe sheegay in hadaladiisa si qaldan loo fahmay. Habkan ayaa ah mid inta badan ay adeegsadaan mas’uuliyiintu marka aysan jirin bartilmaameed ay ku eedaynayaan oo aysan garaneyn sida loo demiyo cadhada shacabka.

Magaalada Qom ee muxaafidka ah ayaa lagu arkay kiisaska ugu badan.

Balse gabdho iskuuley ah ayaa lagu sumeeyay siddeed magaalo oo kale oo dalka ah, Dareen-celinta dadweynaha ayaana sii kordheysa.

Waalidiin cadheysan oo isugusoo baxay afaafka hore ee xafiisaka gudoomiyaha gobolka ee magaalada Qom

Xigashada Sawirka, IRNA

Qoraalka sawirka, Waalidiin cadheysan oo isugusoo baxay afaafka hore ee xafiisaka gudoomiyaha gobolka ee magaalada Qom
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sumeyntii ugu horreysay ayaa la arkay 30kii Noofembar 2022, markaasoo 18 arday oo wax ka baranayay dugsiga sare ee farsamada Nuur ee magaalada Qom la dhigay isbitaal.

Tan iyo markaas, in ka badan 10 dugsiyo gabdho ah ayaa lagu bartilmaameedsaday gobolka.

Badhtamihii bishii hore ee Febraayo waxa la soo agaasimay mudaaharaad ka dhacay afaafka hore ee xafiiska gudoomiyaha gobolka ee magaalada Qom kaas oo ay ka soo qayb galeen ugu yaraan 100 qof.

Mid ka mid ah muuqaallada lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa ah aabbe leh, “Waxaad mas'uul ka tahay inaad hubiso badbaadada carruurtayda! Waxaan leeyahay laba gabdhood Waxa kaliya ee aan samayn karo waa in aanan dugsiga u dirin”.

haweenay ka qayb qaadanaysay isla mudaharaadkan ayaa tidhi “Kani waa dagaal! Waxay rabaan inay nagu qasbaan inaan guriga joogno iyagoo tan ku sameynaya dugsiga sare ee gabdhaha ee Qom. Ma rabaan in habluhu guryahooda ka baxaan!” ayay tiri.

Waalidiinta qaarkood waxay yiraahdeen soo kabashada ilmahooda ee suntay inay qaadatay todobaadyo.

Muuqaal kale, haweeney la joogta gabadheeda oo jiifa sariirta isbitaalka ayaa tiri, “Hooyooyin qaaliga ahow. Waxaan ahay hooyo, ilmahayguna waxay jiiftaa sariirta isbitaalka. Xubnaheedii way daciifeen. Cidiyaha ayaan qodaa, mana dareemayso. Fadlan carruurtaada ha u dirin dugsiga,” ayay tidhi.

Gobolka muxaafidka ah

Mudaharaade kor u haya sawirka Mansa Amini

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mudaharaade kor u haya sawirka Mansa Amini

Weerarada ayaa sii xoogeystay magaalada Qom, oo loo yaqaanay magaalada madaxda diinta ee Shiicada . Tani waa laf dhabarta Jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Balse saameynta hoggaamiyeyaasha diinta ayaa la is weydiinayaa tan iyo markii ay Mahsa Amini ku dhimatay saldhigga bilayska dayrtii.

Qaar ka mid ah dadka Iran ayaa su'aal ka keenay in weerarrada lagu qaaday gabdhaha da'da yar ay aargoosi u yihiin mudaaharaadyo ballaaran oo dowladda looga soo horjeedo.

Sawirrada lagu faafiyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa in gabdho dhigta dugsiga sare ay xijaab jeexjeexeen.

Qaar kale waxay qiyaasayaan in laga yaabo in weeraradan ay fuliyeen kooxo xagjir ah, kuwaas oo isku ekeysiiyay Talibanka ka dagaalama dalka deriska la ah ee Afganistan iyo Boko Haram ee Nigeria.

Sababo la xiriira kor u kaca weerarada ka dhanka ah gabdhaha ee labada dal, waalidiin badan ayaa ku qasban in ay aqbalaan in aan gabdhahooda loo dirin dugsiyada.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Iran Mohammad Ali Abtahi, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka ku yiri "Boko Haram ma ku sugan tahay Iran?" ayuu yidhi.

Siyaasiga isbedel doonka ah Abtahi ayaa intaa ku daray in Islaamiyiinta xagjirka ah ay isku dayi doonaan in ay riixaan xudduudaha ay jeexeen dowladaha iyo diintu iyaga oo u xaglinaya dhankooda.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ardayda gabdhaha ah aysan dhamayn dugsiga sare, ma geli karaan jaamacad.

Gabar sheegtay in labo jeer lagu sumeeyay magaalada Qom oo ay la kulantay guddoomiyaha degmada Qom ayaa ka cabaneysa madmadowga maamulka:

“Masuuliyiinta waxay sheegeen inay wadaan baaritaan. Laakin markii uu aabahay iskuulka aaday waxay yiraahdeen kaamirooyinka ayaa go’an muddo todobaad ah, sidaa darteed wuu duubi waayay sumeyntan.

"Markii la i sumeeyay mar labaad Axadii, maamulaha ayaa yiri, 'Waxa uu qabtay xanuun xagga wadnaha ah, sidaas darteed ayaana isbitaalka loo dhigay.' Laakin wax dhibaato ah igama hayso wadnaha." Ayey tiri.