You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Cumar Cartan oo baaqa u diray dhalinyarada Soomaaliyeed iyo waxa xiga ee u qorsheysan
Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan oo ah garsoore heer caalami ah ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho loogu sameeyay soo dhaweyn heer sare ah oo uu ka helay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shacab.
Cumar ayaa ka codsaday shacabka inay difaacaan magaca Soomaaliya markii uu soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kaddib markii loo diiday inuu galo dalka Mareykanka oo loo doortay inuu qabto ciyaaraha Koobka Adduunka.
Si kooban ayuu u hadlay, isagoo u mahadceliyay dadkii soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay inuu rajaynayo inuu ka qayb-galo Koobka Adduunka ee soo socda.
"Waxaan idiin ballan qaadayaa in haddii Alle yiraahdo midda xigta aan aadi doono... shacabka Soomaaliyeedna ay ku farxaan, waana inaan dhammaanteen difaacno magaca Soomaaliya," ayuu yiri.
Cartan oo lagu waday in uu noqdo qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo garsoore ka noqda fiinaal-ka Koobka Adduunka, ayaa Isniintii laga saaray liiska mas'uuliyiinta, kaddib markii laga hor istaagay inuu gudaha u galo garoonka diyaaradaha ee Miami ee Mareykanka.
Ma jirto sabab dib u celinta Cartan oo ka soo baxay laanta socdaalka Mareykanka, balse Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska mamnuucista socdaalka ee uu soo saaray maamulka madaxweyne Donald Trump.
Isagoo ka hadlayay imaatinkiisa kadib, waxa uu ka codsaday dhalinyarada in aysan ka rajo dhigin dalkooda.
"Soomaaliya annagaa iska leh, ha xumaato ama ha xumaato, dalkaas annagaa iska leh, baasaboorkaasna waanu leennahay, waanu wadaagnaa, waanu wada difaaceynaa".
Si kooban ayuu u hadlay, mana uusan ka jawaabin su'aalaha suxufiyiinta.
Ka dib markii uu la hadlay madaxda Mareykanka, xiriirka adduunka ee Fifa wuxuu sheegay in Cartan uu ka maqnaan doono tartanka.
"Aad iyo aad ayaan u niyad jabsanahay," Cartan ayaa u sheegay New York Times. "Kaliya waxaan ahay garsoore isku dayaya inuu ku noolaado riyadiisa - riyadii ugu weyneyd ee nolosheyda, inaan imaado koobka aduunka."
Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in Cumar uu daawado ciyaar kubadda cagta ah oo dhexmari doonta labada kooxood ee ugu waaweyn caasimadda, iyadoo la filayo in dadka deegaanka ay ku soo dhaweeyaan.
Cartan ayaa Sabtidii u ambabaxay ka qeyb-galka Koobka Adduunka isagoo sii maray dalka Turkiga, wuxuuna damacsanaa inuu ka qaybgalo siminaar ka horreeya tartanka oo ka dhacaya Miami halkaas oo madaxa garsoorayaasha Fifa Pierluigi Collina uu u sameeyay xarun tababar oo loogu talagalay garsoorayaasha iyo 88 caawiye garsoore oo loo doortay finalka.
Balse Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ku jira liiska mamnuucista socdaalka ee uu soo saaray maamulka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxaana Cartan uu dhibaato kala kulmay markii uu gaaray Florida.
Waxa uu wargeyska New York Times u sheegay in su'aalo ay weydiinayeen saraakiisha socdaalka muddo 11 saacadood ah, iyadoo kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ay ka mid tahay mowduucyada ay soo hadal qaadeen saraakiisha xudduudaha iyo canshuuraha.
Dhammaan mas'uuliyiinta garoonka ku sugan ee ka qeybgalaya Koobka Adduunka waa in ay ku sugan yihiin xarunta Fifa ee Miami, si ay u tababaraan, u diyaargaroobaan iyo ammaanka, waxaana shuruuddaasi ay ka dhigan tahay in Cartan aysan suurtagal ahayn in loo dhiibo kaliya ciyaaraha lagu qabanayo Canada ama Mexico.
Xasan Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) Gudoomiyaha Guddiga Garsooreyaasha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo BBC la hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin diidmada Cumar loo diiday ka qeybgalka Koobka Adduunka.
"Aad ayaan ugu faraxsannahay soo dhoweynta iyo garab istaagga loo muujiyay. Waan ka xunnahay waxa ku dhacay waana qaddar Alle".
Wuxuu sheegay in arrintan ay saameysay. "runtii si fiican ayay inoo saameyneysaa, waxay ahayd fursad qaali ah oo Soomaaliya aan weli soo marin. Waxay ahaan lahayd taariikh baal dahab ah gasho, wuxuuna ahaa qofka keliya ee Bariga Afrika uga qeyb galaya Koobka Adduunka marka laga soo tago Soomaaliya.
"Cumar waa dhalinyaro, waqti badanna u haray, afra sano meel ay jirto malaha. Wax ka fiican ayuu heli doonaa." Ayuu yiri.
Wuxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed ee doonaya inay gaaraan Cumar heerkiisa inaysan niyad-jebin.
Waa kuma Cumar Cartan?
Cumar Cabdiqaadir Cartan wuxuu sanadkii 1995-tii uu ku dhashay xaafadda Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Heerkiisa waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ayuu ku qaatay isla Muqdisho isagoo heerka kowaad ee jaamacada ku qaatay daraasaadka horumarinta.
Wuxuu xirfaddiisa garsoorennimo waxa ay ka bilaabatay magaalada Muqdisho ee garoommada xaafadaha ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray lugta uu soo afjaray waayihiisii ciyaaraha.
Cartan waxa uu sidoo kale dhex dhexaadiye ka noqday tartamo abaabulan oo ka dhacay magaalada, in kasta oo wax badan oo horumarkiisii hore ay ku yimaaddeen intii uu kormeerayay ciyaaraha aan rasmiga ahayn iyo kuwa hab-hoosaadka ah.
Saamayn muhiim ah waxaa xirfaddiisa hore ku lahaa Cismaan Jaamac Diraac, madaxii hore ee garsoorka Soomaaliya.
Diraac waxa uu bixiyay hagitaan farsamo iyo taageero shakhsi ah xilli ay kubbadda cagta Soomaaliya ku shaqaynaysay qaab dhismeed kooban oo caalami ah.
"Waxa uu nagu ahaa aabbe oo kale," Cartan ayaa yiri.
"Garsoorayaasha kaliya ma hoggaaminin ee wuu na daryeeli jiray, haddii aad Muqdisho joogto oo aadan waxba haysan wuxuu hubin lahaa inaad wax cuntaan, wuxuu idin geyn lahaa maqaayad".
Si kastaba ha ahaatee, Diraac ayaa la dilay Agoosto 2017.
Cartan ayaa ka hadlay, oo yiri.
"Aad bay u adkeyd".
"Wuxuu ii diyaarinayey inaan noqdo garsoore caalami ah. Wuxuu ku faani lahaa inuu arko qof Soomaali ah oo heerkan gaaray."
Cartan waxa uu 2018 noqday garsoore liiska Fifa ku jira, waxana uu si joogto ah u dhex maray ciyaartii Afrika, isaga oo kormeeray ciyaaraha heerka sare ah ee qaaradaha.
Bishii Janaayo 2024, wuxuu noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee garsoore ka noqda ciyaar ka tirsan Afcon, isagoo maamulayay ciyaartii Group E ee Tunisia iyo Namibia.
Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (Caf) ayaa bishii November u aqoonsaday inuu yahay sarkaalka ugu sarreeya ragga, ka hor inta aan loo magacaabin guddiga maamula qaaradda Afrika inuu kormeero lugtii labaad ee finalka Champions League ee u dhaxeysay kooxda Morocco ee AS FAR iyo Mamelodi Sundowns ee Koonfur Afrika bishii hore.
Bishii April, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa amaman kala dul dhacay, kadib markii Cartan lagu daray 52 garsoore oo ka qeyb galaya Koobka Adduunka.
"Waxaan bogaadinayaa dadaalka, xirfadda, iyo daacadnimada uu muujiyay garsoore Cumar," ayaa yiri.
Dhab ahaantii waxay Cartan u ahayd daqiiqad lagu faano - oo uu garanayay inay ahayd guul taariikhi ah.
"Farxaddayda kaliya ma ahayn," ayuu yiri.
"Qoyskeyga, dadka Soomaaliyeed, xiriirka iyo garsoorayaasha da'da yar dhamaantood waxay ila wadaageen dareenkaas, waxay u noqotay rajo ah in garsoore Soomaaliyeed uu heerkaas gaaro."