You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhexdhexaadinta Turkiga ee mucaaradka iyo dowladda
Dhawaan waxaa xubno ka tirsan mucaaradka ay shaaciyeen in dowladda Turkigu ay dhexdhexaadin ka wado khilaafka ka dhex taagan mucaaradka iyo dowladda Soomaliya, kaa oo mararka qaar gaaray heer gacan ka hadal ah.
Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in wafdi heerkiisu sareeyo oo ay soo dirtay DowladdaTurkigu ay garwadeen ka yihiin wadahadalada haatan socda.
Hadaba dowladda Soomaaliya oo aan wax ka waydiinay arrinkaan ayaa markii ugu horeysay ka hadashay sida ay u arkaan wadahadaladaan.
Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Xadaana oo la hadlay BBC da ayaa sheegay in dowladda Turkigu uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo dowladda Soomaaliya.
"Madaxwaynuhu ma diidana dhexdhexaadinta, hadii uu Turkigu haatan uu imaanayo oo iyagu dhexdhexaadin ka yeelayaan [mucaaradku] ... Madaxwaynuhu koleyba wuu soo dhawaynayaa," ayuu BBC da u sheegay afhayeenka madaxweynaha, Cabdiraxmaan Xadaana.
Dhawaan ayaa xubnaha mucaaradka oo la hadlay warbaahinta maalinamadii shalay ayaa ka war bixiyay kulamo ay la qaateen saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo iyo sidoo kale xubno ka mid ah beesha caalamka oo kulamo gooni gooni ah la kala qaatay. Waxay sheegeen in wadahadaladaasi ay daaranaayeen gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya hub ka dhigista ugu sameynayso siyaasiyiinta qaar.
"Sideedaba hubka qaadista ama hub ka dhigistu waa nidaam siyaasadeed. Ma ahan arrin amni", ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo la hadlayay warbaahinta kadib kulmo ay la yeesheen saraakiisha Turkiga.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo dhaqan galinaysa xeerka hubka dhigista Soomaaliya in aysii qorshaha hubka looga aruurinayo gacamaha dadka aan u shaqayn dowladda ama aan fasaxa u haysan.
"Xeerbaa la sameeyay... xeerkaas waxaa xeer loogu talogalay in dhammaan hubka waawayn oo dhan aan magaalada caasimadda ah iyo meelaha kaleba aan lala marin. Nin kastoo madax ihina uu kantaroolo hubka uu la marayo oo uu noqdo hub aad u fudud", ayuu yiri afhayeenka madaxwaynaha, Candiraxmaan Xadaana.
Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waxay howlgallo ka wadeen meelo ay ka mid tahay degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir kadib markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ka guuray gurigii uu dhawaan ka dagay degmada Cabdicasiis.
Kadib iska horimaad dhex maray ciidamada ilaalada u ah Shariif Sheekh Axmed iyo ciidamada ammaanka ayaa waxaa ka dambeeyay wadahadalo dhexmaray labada dhinac kuwaas oo ugu dambeyntii keenay in uu guri uu horey u adaganaa ku laabto Shariif.
Ciidamada amaanka ee gobolka banaadir ayaa gudaha hotel Elite ee magaalada Muqdisho ku soo bandhigay galabta hub iyo saanad kale oo ay sheegeen in ay ka dhex heleen huteelka.
Sida ka muuqata sawiro lagu daabacay baraha bulshada ee warbaahinta dowladda, hubka ayaa waxaa ka mid ah qoryaha Ak-47, BKM iyo daroono, kuwaa oo aan la cadayn in hub ahaan loo isticmaalo iyo in kale.
Balse sida uu sheegay Booliska gobolka Banaadir hubka laga soo bixiyay hotelka ayaa isugu jira; diyaarado daroono ah, qoryaha shiishka, BKM, jabshayaal iyo AK-47.
Mulkiilaha huteelka, Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah xubnaha mucaaradka oo qadka taleefanka kula hadlay wariyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahin Maxamed Aadan, ayaa waxa uu sheegay in "si sharci darro ah lagu haysto huteelkiisa, sidoo kalana la boobay hanti tiilay".
Ciidmada ayaa sidoo kale afartii bisha iyo lixdii bisha waxa ay soo bandhigeen hub ay sheegeen in uu "sharci darro ahaa" oo ay ka soo aruuriyaan degmooyin ku yaalla gobolka Banaadir.
Sidoo kale, afartii bishaan ayaa waxaa isfahan laga gaaray dagaal dhexmaray ciidamada ammaanka iyo ciidamo ilaalo u ahaa Xasan Cali Kheyre oo ah siyaasi iyo ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaaliya, haatana ka mid ah dadka u sharraxan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.
Iska horimaadyada iyo howlgallada ayaa imaanaya iyada oo uu muran ka taagan yahay doorashooyinka Soomaaliya, iyo muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xubnaha mucaaradka ayaa sheegay in fadhiyadii ay la qaateen wafdiga Turkiga ah ay meel wanaagsan marayaan, ilaa iyo haatana la isla gartay ajandayaasha laga wada doodayo.