Haweeney horey uga tirsaneed baarlamaanka Afghanistan oo la toogtay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Booliska Afgaanistaan ayaa sheegay in xildhibaan hore oo ka tirsaned baarlamaanka Afgaanistaan iyo ilaaladeeda lagu toogtay gurigeeda oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Kabul.
Mursal Nabizada, oo 32 jir ah, waxay ka mid ahayd dhowr dumar ah oo xildhibaanno ah oo ku sugnaa Kabul ka dib markii Taliban ay la wareegeen awoodda bishii Ogoosto 2021.
Marka laga soo tago dhimashada haweeneydan iyo mid ka mid ah raggii ilaalinayay waxaa sidoo kale weerarka lagu dhawaacay walaalkeed iyo askari labaad oo ilaalo u ahaa. Weerarka ayaa dhacay Axaddii shalay.
Saaxiibadeedii hore ee dhanka shaqada ayaa ku ammaanay Nabizada inay ahayd "horyaal karti badan oo diiday in ay dalka ka baxdo”.
Tan iyo markii Taliban ay xukunka ku soo laabatay 2021, haweenka waxaa laga joojiyayy ku dhawaad dhammaan howlihii ay ka hayeen qeybaha nolosha bulshada.
Afhayeenka booliiska Kabul Khalid Zadran ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay bilaabeen baaritaan dhab ah oo ku saabsan dhacdada.
Xildhibaanadii hore ee Mariam Solaimankhil ayaa sheegtay in Nabizada ay ahayd "qof adag , aftahan ah oo u istaagtay waxa ay aaminsan tahay,
Ms Nabizada, oo ka soo jeeda gobolka bari ee Nangarhar, ayaa loo doortay xubin baarlamaan oo laga soo doortay Kabul 2018-kii, waxayna xilka haysay ilaa ay Talibanku la wareegayaan dalka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay xubin ka ahayd guddiga difaaca baarlamaanka waxayna ka soo shaqeysay machadka horumarinta iyo cilmi baarista shaqaalaha.
Hannah Neumann, oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka Yurub, ayaa tiri: "Waan murugoonayaa waanan careysannahay waxaana rabaa in dunidu ogaato!"
Haweenka dalka Afghanistan ayaa waayahaan la kulmayay dhibaatooyin kala duwan waxaana qaar badan oo ka mid ah ay ka carareen dalka.
Cabdullaahi Cabdallah, oo horey u ahaan jiray sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray dowladdii Afgaanistaan ee reer galbeedku tagaeeri jireen ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay geerida Ms Nabizada, uuna rajeynayo in la ciqaabo dambiilayaasha.Waxa uu ku sifeeyay in ahayd "matalaad iyo adeege dadka".
Dumar badan oo shaqooyin ku haystay Afgaanistaan ka dib duullaankii Maraykanku hogaaminayey labaatan sano ka hor ayaa dalka isaga cararay ka dib markii Taliban ay xukunka ku soo laabatay.
Caalamka ayaa ku cambaareyay Taliban in ay beegsanayaan haweenka iyagoo meesha ka saaray ballan qaadkoodii ahaa in aysan cid gooni ah beegsan doonon.
Dhawaan Taliban ayaa haweenka ka mamnuucay in ay ka shaqeyaan hay'daha samafalka ee ka howlgala dalkaasi, waxaana tallaabadaas qaylo dhaan ka muujiyay dalal badan oo ah ka tirsan caalamka, kuwaas oo ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin .












