Maxay ahayd sababtii ka dambeysay in Mareykanka iyo xulufadiisu xukunka ka tuuraan Saddam Xuseen 20 sano ka hor?

Waxaa lagu eedeyay inuu sameysanayo hubka wax gumaada

Xigashada Sawirka, COPYRIGHTGETTYIMAGES

Published

20 kii bishii March , 2003, Maraykanka iyo xulafadiisa waxay ku duuleen Ciraaq, waxayna xukanka ka tuureen taliskii Saddaam Xuseen. Mareykanka ayaa xilligaas sheegay in Ciraaq ay haysato hubka wax gumaada oo ay khatar ku tahay nabadda caalamka , balse dalal badan ayaa diiday in ay taageeraan tallaabo milateri oo ka dhan ah Ciraaq.

Muxuu Maraykanku u rabay inuu Ciraaq ku duulo?

Dagaalkii Khaliijka 1990-1991, Maraykanku waxa uu hoggaaminayey isbahaysi caalami ah oo ciidamadii Ciraaq ee duullaanka ahaa ku qasbay in ay ka baxaan Kuwait.

Intaa ka dib, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu ahaa 687 oo ku amraya Ciraaq in ay burburiyaan dhammaan hubka wax gumaada, oo looa jeediyay hubka Nukliyeerka.

Sannadkii 1998-kii, Ciraaq waxay joojisay wada shaqayntii ay la lahayd kormeerayaasha hubka ee Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Ingiriiskana waxay kaga jawaabeen weerarro cirka ah oo ay ku qaadeen Ciraaq.

Kadib weeraradii Sebtembar 11, 2001 Al-Qaacida ay ku qaadeen Xarunta Ganacsiga Adduunka ee New York iyo Pentagon-ka ee Washington, maamulkii Madaxweyne George W. Bush wuxuu bilaabay inuu sameeyo qorshooyin uu ku weeraro Ciraaq.

Madaxweyne Bush waxa uu ku andacoodey in Saddam uu sii waday kaydinta iyo samaynta hubka wax gumaada iyo in Ciraaq ay qayb ka tahay "dhibaatooyinka" caalamiga ah, oo ay weheliyaan Iran iyo Waqooyiga Kuuriya.

Bishii Oktoobar 2002, Kongareeska Mareykanka wuxuu oggolaaday adeegsiga awood ciidan oo ka dhan ah Ciraaq.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dad badan oo ku nool Washington waxay moodayeen inay jirto cadaymo muhiim ah oo muujinaya in Ciraaq ay haysato hubka wax gumaada iyo inay ahayd khatar dhab ah,” ayay yiri Dr. Leslie Vingamori, oo ah agaasimaha barnaamijka Mareykanka ee Machadka Chatham House.

Bishii Febraayo 2003, Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Colin Powell wuxuu weydiistay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu siiyo fasax si uu tallaabo militari uga qaado Ciraaq, isagoo sheegay inay jabisay go'aannadii hore ee Golaha Ammaanka, sababtoo ah waxay ku eedeeyeen inay haysato barnaamijka hubka wax gumaada.

Si kastaba ha ahaatee, goluhu kuma qancin maadaama xubnaha badankoodu ay doonayeen in kormeerayaasha hubka ee Qaramada Midoobay iyo hay’adda IEA - loo diray Ciraaq 2002 si ay uga keenaan warbixin ku saabsan caddaynta hubka wax gumaada.

Maraykanku waxa uu sheegay in aanay sugi doonin warbixinta kormeerayaasha isla markaana waxa auu samaystay xlligaas ka dhan ah Ciraaq.

Yaa taageeray dagaalka?

30-ka waddan ee Isbahaysiga Galbeedka, UK, Australia iyo Poland ayaa ka qayb qaatay duullaankii.

Ingiriiska ayaa diray 45,000 oo askari, Australia waxay dirtay 2,000 oo askari, Poland waxay xilligaas dirtay 194 askari oo gaar ah.Kuwait waxay ogolaatay in duulaanka laga soo qaado dhulkeeda.

Spain iyo Talyaaniga ayaa sidoo kale taageero diblumaasiyadeed u fidiyay isbaheysiga uu hogaamiyay Mareykanka, iyadoo ay wehliyaan dalal dhowr ah oo ku yaala bariga Yurub, kuwaas oo sheegay in ay aaminsan yihiin in Ciraaq ay leedahay barnaamijka hubka wax gumaada, ayna xadgudub ku tahay qaraarada Qaramada Midoobay.

Maxay ahaayen eedeymaha ay Mareykanka iyo Britain u jeediyeen Ciraaq?

 Xoghayihii arrimaha dibadda ee Mareykanka Colin Powell

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xoghayihii arrimaha dibadda ee Maraykanka Colin Powell ayaa u sheegay Qaramada Midoobay 2003dii in Ciraaq ay leedahay "qalabka " lagu sameeyo hubka haysashadiisa lagu eedeynayay Ciraaq.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu qirtay sanadkii 2004 in arrintaas caddeynteeda "aysan u muuqan inay xoog badan tahay".

Dowladda Britain ayaa sidoo kale ku dhawaaqday gal sirdoon oo sheegayay in gantaalada Ciraaq lagu diyaarin karo 45 daqiiqo gudahood si ay ugu garaacaan bartilmaameedyada Britain ee bariga Mediterranean-ka.

Tony Blair, ra’iisul wasaarihii Ingiriiska ee xilligaas, ayaa sheegay in aan “shaki ku jirin” in Saddaam Xuseen uu sii wado soo saarista hubka wax gumaada.

Labada dal ayaa si weyn ugu tiirsanaa eedeymo uga yimid labo nin oo Ciraaq ka goostay, oo mid uu ahaa Injineer ku xeel-dheer kiimikaad oo lagu magacaabi jiray Rafid Axmed Alwan Al-Janabi iyo sarkaal sirdoon ahaa oo lagu magacaabi jiray Major Muxamed Harith, kuwaas oo sheegay in ay si toos ah wax uga ogyihiin barnaamijka hubka wax gumaada ee Ciraaq.

Labada nin ayaa markii dambe sheegay in ay arrimahaas oo dhan u sameynayeen in xulafadii uu hoggaaminayay Mareykanku ay duulaan ku qaadaan Ciraaq oo ay xukunka ka tuuraan Saddam.

Yaa diiday in uu dagaalka taageero?

Dawladaha deriska la ah Maraykanka, Canada iyo Mexico, ayaa diiday inay taageeraan. Jarmalka iyo Faransiiska, oo ah labada xulafada ugu weyn Mareykanka ee Yurub, ayaa sidoo kale diiday inay bixiyaan taageero.

Wasiirkii arrimaha dibadda ee Faransiiska Dominique Villepin ayaa sheegay xilligaas in faragelinta milatarigu ay noqon doonto "arrin adag".

Turkiga - oo xubin ka ah NATO oo derisna la ah Ciraaq - ayaa isana diiday in Maraykanka iyo xulafadiisa ay isticmaalaan saldhigyadooda cirka.

Sidoo kale dalalka Bariga Dhexe ee Maraykanka ka taageerayay Ciraaq dagaalladii Khaliijka ee 1990-1991, sida Sucuudi Carabiya ayaan taageerin duullaankiisa 2003-dii.

Professor Gilbert Al-Ashqar oo ah khabiir ku xeel dheer siyaasadda bariga dhexe kana tirsan jaamacadda London ayaa yiri: “Dawladaha Khaliijka Carabta waxay moodayeen in qorshahaas uu ahaa mid waali ah, waxayna ka walaacsanaayeen in Iran ay maamusho Ciraaq kadib markii uu dhacay taliskii Saddaam”.